Guddidi Hubinta Shirka Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo Madaxwe yn aha U Gudbiyay War-bixin Ay Kaga Markhaati Kaceen In Aan K haladad Dhicin Iyo Shirki Oo Laysla Qaatay Inuu Qabsoomo 10-Bisha

 


Hargeysa (TNN) :– Guddigii uu Madaxweynaha Somaliland, u saaray la socodka dhex-dhexaadnimada shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, iyo hubinta habsami u socodka hawlaha diiwaangelinta xub naha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa caawa qasriga Madaxtooyada war bixin ku saabsan nat iijadda wixii ay qaladaad iyo saxba soo arkeen ku siiyay Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), guddidan ayaa Madaxweynaha u gudbiyay natiijo odhanaysa inay wax kasta sidii ugu sax sanayd looga hawgalay.

Warku waxa uu intaa ku daray in Guddigani, ay Madaxweynaha ku wargeliyeen illaa iyo hada in ay si fiican u socoto oo aanay wax mad madow ahi ku jitrin dhexdhexaadnimada hawshii qabsoomida shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, iyo hawshii diiwaangelinta xubnaha golaha dhexe ee xisbiga, waxaa nay guddigi sidoo kale, u cadeeyeen Madaxweynaha in aanay jirin wax sabab ah oo baajin kara shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, iyagoo ku taliyay inuu shirku ku qabsoomo xilliga loo muddeeyay.

Dhinaca kale, Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa Guddiga uga mahad celiyay sida daacadnimada ah ee ay u gudanayaan hawshii uu u xilsaaray, waxaanu Madaxweynuhu ku wargeliyay guddigan in hada wixii ka danbeeya ay guddi ahaan la wareegaan wixii dhiman hawlaha diiwaangelinta.


Sidoo kale, warku waxa kale oo intaa ku daray in sidii la filayay ay ahayd in warbixinta ay guddigani siinayaan Madaxweynaha ay goob joog ka ahaadaan hogaanka xisbiga oo uu ku jiri Guddoomiyaha xi sbiga ee musharaxa ah Muuse Biixi, Cabdi, iyo garabkii isbahaysiga musharaxiinta ee KULMIYE, balse, waxa lagu soo waramayaa in aanay caawa goob joog ka ahayn madashan garabkii musharaxiinta isb ahaysiga oo iyagu hore u deedifeeyay guddigan uu madaxweynuhu magacaabay, waxaana ka soo qe yb galay oo caawa goob joog ka ahaa warbixintan ay guddigu siisay madaxweynaha hogaankii xisbiga ee, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, oo ah musharax u taagan tartanka madaxweyn aha, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Maxamed Kaahin Axmed, Xoghayaha guud ee xisbi ga KULMIYE, Xasan Siciid Yuusuf, iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici, oo ah musharax u taagan tartanka madaxweyne ku xigeenka xisbiga KULMIYE.


Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa markii uu guddigan ka dhegaystay warbixintii ay siiyeen sheegay in shirka golaha dhexe ee xisbul xaakimka KULMIYE, uu ku qabsoomayo wakhtiga loo muddeeyay oo ah tobanka bishan aynu ku jirino ee November.