Guddida Wershada Sibidhka Berbera, oo beeniyay hadal hore uga soo yeedhay Salaadiinta Subeer Awal,war saxaafadeedna ka soo saaray

 

 

Berbera (TNN)-“Anagoo ah Guddida shirkadda Berbera Cement Factory, waxaanu halkan ku beeninaynaa in aanay waxba ka jirin eedaynta ay u soo jeediyeen qaar ka mid ah Salaadiinta beesha Subeer Awal shirkadda Berbera Cement Factory, taas oo ay ku sheegeen in shirkadsu diideen dhex dhexaadin ay ka dhex wadeen labada shirkadood ee Berbera Cement Factory iyo Dahabshiil.

1-Waxaanu halkan ku cadaynaynaa in aanay jirin wax kalsooniya oo aanu siinay Salaadiinta Mag acyadoodu ku soo baxeen warbaahinta dalka.


2-In aanay jirin meel labada shirkadood ee Berbera Cement Factory iyo Dahabshiil ay salaadiin tu isugu keeneen oo ay ku dhexdhexaadiyeen.


3-In aanay jirin meel shirkada Berbera Cement Factory wax ku diiday Dahabshiilna ku ogolaat ay.

Haddaanu u soo daadegno arinta ay ka hadleen Salaadiintu, waxa jirtay inuu noo yimid Suldaa n Xasan Suldaan Cabdilaahi iyo ganacsade Maxamed Aw Siciid, naguna yidhaahdeen warshadii aynu u qaybsano sidan: Dahabshiil 20 % , Carabka 30 %, Habar Awal 50 %, waxaanu ugu jaw aa bnay in aanu anagu shirkad nahay, warshaduna ay Somaliland oo shan u dhaxayso isla-ma rka ana aanay ahayn wax beeli wada qaadan karto ama ay qaybin karto.

Waxaanu u aragnaa arinkaasi inuu yahay xaalad abuur iyo fitmo kicin, mana aha arin u taala Salaadiin iyp reer toona ee waa arin u taala dawlada iyo ganacsatada.

Waxaan la yaabanahay sababta Salaadiinta ku kaliftay in bil Ramadaan oo ah bil cibaado inay umadda jaha wareeriyaan oo ay bilaabaan hadal iyo khilaaf hor leh, been abuurna ay sameey aan.

Waxaanu u sheegaynaa umadda reer Somaliland inaanu diyaar u nahay in la sameeyo hal wer shad oo ganacsatada Somaliland oo dhami ay ku bahowdo, waxa kale oo aanu u sheegaynaa i n labada shirkadood ee Berbera Cement Factory iyo Dahabshiil Group uu wada hadal u socday suurto-galna ay ahayd inay heshiiyaan.



Magacyada Guddida Soo Saartay War-saxaafadeedka:

1-Maxamed Cabdilaahi Mirre.
2-Maxamed Cabdi Kooshin.
3-Muuse Xirsi Abokor.
4-Cismaan Cabdi Cigge.
5-Axmed Yuusuf Maxamed.
6-Faysal Cartan Cismaan.
7-Cabdilaahi Xirsi Odowaa.
8-Mahdi Cismaan Xasan.
9-Maxamed Cali Saleebaan.
10. Siciid Qowrax Maydhane.
11. Xuseen Cumar Muuse.
12. Jaamac Rooble Xirsi.