Guddida Taakuleynta Abaaraha Somaliya Oo Ka Warbixiyey Halka ay
marinayaan Ururinta Taakulada loogu Deeqayo Dadka Abaa ruhu Ku
Saameeyeen Somaliya iyo Habka Loo Gaadhsiin Doono Dadka Tabaalaysan.

Shahaado Sharaf ayaa halkaasi lagu gudoonsiiyey Wakiilka Somaliland
ee Xajka Sh. Axmed Aa dan (Safino)
Hargyesa (TNN)-Guddida Xukuumadda Somaliland u xil saartay
taakulaynta Abaaraha Somaliy a ayaa ka warbixiyey halka ay
marinayaan ururinta Lacagta lagu caawinayo dadka Abaaruhu ku
saameeyeen Dalka Somaliya.
Guddida Taakuleynta Abaaraha Somaliya oo maanta Shir jaraa’id ku
qabtay Hoolka shirarka ee Wasaaradda Ganacsiga ayaa faah faahin ka
bixiyey Waxyaabaha u qabsoomay intii ay ku gud o jireen hawsha
ururinta lacagta lagu taakulaynayo dadka Abaaruhu saameeyeen ee ku
dhaq an Somaliya.
Wakiilka Xajka Somaliland Axmed Aadan (Safiina) oo ugu horeyn
halkaasi ka hadlay ayaa ka w arbixiyey safar uu ku tagay Xeryaha
Qoxoontiga Somalidu degen tahay ee Kenya, isaga oo til maamay in
xaalada bani aadaminimada ee uu halkaasi ku soo arkay ahayd mid uu
aad uga jidh iidhicooday, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Muwaadin
Wadanka Sucuudiga u dhashay ayaa Abaaraha Somaliya ugu soo deeqay
100 neef oo Geel ah, waxaanu laabatan ka mid ah ku qaln ay
Somaliland gudaheeda, Sideetankii kale ee Neefna waxaanu ku qalnay
meelaha ay abaaru hu ka jiraan, anigu shakhsiyan waxaan tagay
Magaalada Nayrobi taariikhdu markii ay ahayd Todoba iyo tobankii
Bishan Ramadaan, Culimada iyo Guddidu way naga war haysay ka
Somalila nd ahaana waanu u baxnay iyo ka Culumo ahaanba waxaanu
tagnay Magaalada Dhadhaab oo aanu ku qalnay shan iyo toban oo geel
ah, markii hore waxaanu ugu talo galnay Xerada Ifo inaanu ku qalno
labaatan neef, laakiin Culumadii halkaa joogtay sida Sheekh Umal
ayaa nala taliyey inaanu meelaha ay dadku soo lugaynayaan oo ay
caruurtoodu iyaga oo xataa aasi kari waayey kaga imanayaan inaanu
ugu qalno shan neef oo ka mid ah, waxaana nala dedaalay Guddiyo
badan iyo Wasiiradda Dawladda Kenya, waxa meesha ka jira walaalayaal
hadaad aragtaan aad iyo aad ayaa loola yaabayaa oo markii hore ee
aanu ku sii soconay waxaanu ku jirnay xaalad caadi ah, balse markii
aanu aragnay dadka dhibta haysata mid walba goonidiisa ayuu murugo u
galay”.
Guddoomiyaha Guddida Taakulada Abaaraha Somaliya oo ah Wasiirka
Gaashaandhiga Somalila nd Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa isna halkaa
ka hadlay, waxaanu ka war bixiyey hawsha urur inta taakulada
Abaaruhu halka ay marayaan, isaga oo sheegay in ururinta lacagaha
loogu dee qayo dadka ay abaaruhu sameeyeen ee ku dhaqan Dalka
Somaliya ay meel wanaagsan mar ayso.
Axmed Xaaji Cali Cadami Guddoomiyaha Guddida taakulaynta Abaaraha
Somaliya ahna Wasii rka Gaashaandhiga Somaliland, waxa uu fariin u
diray dadka Qurbo jooga, isaga oo ka codsad ay inay ka soo qayb
qaataan taakulaynta loo geysanayo dadka Abaaruhu ku saameeyeen
Dalkaasi Somaliya, isaga oo Wasiirku mahadnaq balaadhan u soo
jeediyey Masuuliyiinta Dawla dda Kenya oo uu ugu horeeyo Guddoomiye
ku xigeenka Baarlamaanka Dalkaasi Faarax Macalin.
Wasiirka oo ka warbixinaya halka ay u marayso ururinta Taakulada
loogu deeqayo dadka Aba aruhu ku saameeyeen Dalka Somaliya waxa uu
yidhi “Hawsha Ururinta Taakulada abaaraha Somaliya waxa ay noo
maraysaa meel wanaagsan, iyada oo ay jiraan dad badan oo si fiican
uga gacan geystay hawshan, waxaananu ku rajo weynahay in Ciida ka
dib aanu gaadhsiinayo dadkaasi hormadii ugu horeysay ee taakulada
loo geysanayo dadka ay abaaruhu ku saamee yeen Dalkaasi Somaliya”.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland C/risaaq Khaliif Cismaan oo
isna halkaasi ka hadl ay ayaa sheegay in Xukuumaddu ku deeqday intii
ugu horeysay ee ururinta taakulada loo ge ysanayo Somaliya, isaga oo
xusay qorshe loogu talo galay in Shaqaalaha iyo Masuuliyiinta Da w
ladda la doonayey in Bishooda wax lagaga intii loogu talo galay wax
laga dhimay, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxa aan aad ugu
mahadnaqayaa ganacsatada gacanta ka geysat ay hawsha ururinta
taakulada Abaaraha Somaliya, sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa Xuku
umadda oo wax laga bixiyey khasnada Dawladda gun dhig uga dhigtay
taakulada Abaaraha, markii hore waxaanu ugu talo galnay inaanu
Shaqaalaha Dawladda ka jarno 10%, balse mark aanu eegnay Ramadaanta
iyo Ciida inagu soo foolka leh waxaanu ka dhignay 5%, laakiin waxa
sidoodii noqonayana Mushaharka labada Gole Baarlamaan oo laga
jarayey 20% iyo Golaha Wasiirada oo laga jarayey 30%”.
Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh.
Khaliil Maxamed C/laahi, Gu ddoomiyaha Hay’ada Geeska Afrika Sh.
Maxamed Cali Geedi, Sh. Maxamed Cali Gadhle iyo Xild hibaano kala
duwan, waxaanay dhamaantood dadka ka codsadeen inay ka qayb qaataan
taa kulaynta dadka Abaaruhu ku saameeyeen Dalkaasi Somaliya, iyaga
oo xusay inay u noqonays o cidii la baxda Sako iyo Sadaqaba.
Shahaado Sharaf ayaa halkaasi lagu gudoonsiiyey Wakiilka Somaliland
ee Xajka Sh. Axmed A adan (Safino) iyo Ganacsadihii soo diray
boqolka geela oo uu u guddoomay Wakiilku.
Ugu dambeyntii Guddida oo la weydiiyey Su’aal ahayd bal in
Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland booqasho ku tegi doonaan
Dalkaasi, Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ku Jawaabay “Arintaasi maaha
mid aan anigu ku odhan karo cidaa ayaa tagaysa laakiin imika waxaanu
w adnaa hawsha ururinta taakulada taasina taladeeda waa lagu jiraa
oo cidii tageysa waa la go’aamin doonaa”.
Fadlan wixii takuleyn ah ee aad ka geysanayso waxaad ku soo hagaajin
kartaa
1. Baanka Somaliland Shiling: 574
2. Baanka Somaliland Dollar: 575
3. Lambarka Telesom ee Adeega Zaad: 4760006
4. Lambarka Dahabshiil : D23795
5. Lambarka Qaran: 2398
6. Lambarka Salaama: 60024309.
Sacad Muuse Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland
|