Guddida Diwaangelinta, Xisbiyada Iyo Ururda Siyaasada Oo Heshiis Ka Gaadhay Qodobka 6-aad Ee Xeerka Doorashooyinka Golaha Deegaanka

 

 


Guddoomiyaha guddida diwaangalinta Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Cabdirisaaq-Ciyaale) oo shara xaya...


Hargeysa (TNN) – Guddida Diwaangelinta, Axsaabta qaranka iyo Ururada Siyaasada ayaa heshiis ka gaadhay qodobka 6-aad ee Xeerka Doorashooyinka, kaas oo tilmaamaya in Ururada iyo axsaa bta siyaasada ee saxeexay xeer Lr 14 lagu kala saarayo marka doorashada la galo.

Kulan lagu kala saxeexday heshiiska oo maanta ka dhacay Hotel Maansoor ee Magaaladda Harge ysa ayaa ururka ama xisbiga gobolada dalka badhkood codad badan ka hela gobolada qaarna cod ka waaya aan loo aqoonsanayn xisbi qaran, balse ururka ama xisbiga loo aqoonsanayo xisbi siyaa sadeed Qaran uu yahay ka dalka oo dhan ka hela codad, iyadda oo lagu kala saari doono hadba sida ay u kala cod bataan.

Guddoomiyaha guddida diwaangalinta Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Cabdirisaaq-Ciyaale) oo sharax a ya heshiiska waxa uu yidhi “Waxa la dooranayaa waa 379 Mudane (Urur/xisbi kasya), suurto-galna ma noqonayso nin saddex ama laba gobol cod badan ka helay uu xisbi qaran noqdo, kii dal ka oo dhan ka shaqeystay ee xildhibaanada ka soo helay dalka oo dhana aanu noqon mid hadha y”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Markaa qodobka ugu horeeya ee xeerka oo sheegaya inuu gobolka kasta xisbigu ka helo 20% ayaa xeerka hogaaminaya, xisbiguna waxa uu ku soo baxayaa shaqada uu shaqeystay, 20%-kana waxa gooyey codka gobolka uu ka helayo”a yuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Markaa si aanu u iman muran kale xeerkii oo siddiisa ah inuu qofkii ogaado inuu saxeexay, si uu bari isku yidhaahdo way ku qabanayaan haddii aad dadka si kale ugu waranto”

Heshiiskan oo ay soo dhaweeyeen ururada iyo axsaabta siyaasadu ayaa si cad u dhigaya in urur ama xisbi kasta looga baahan yahay inuu codad ka helo gobolada dalka, codadka uu helana lagu qiimaynayo kaalinta uu ka galayo axsaabta qaranka ee soo baxaya.

Akhriso Qodobka heshiiska laga gaadhay:

Qodobka lixaad: Kala reebida Xisbiyada/Ururada ku tartamaya doorashada deegaanka

1. Sadexda Xisbi/urur ee Doorashada Dawladaha hoose ka hela 20% Codadka Gobol kasta ayaa loo

aqoonsanayaa Xisbi Qaran lana siinayaa Shahaadada Aqoonsiga Xisbi

2. Haddii hal Xisbi/Urur oo kali ahi ku guulaysto Doorasahada oo uu ka helo 20% Codadka Gobol kasta.Guddidu waxay u aqoonsanaysaa Xisbi Qaran isaga iyo labada Xisbi ee ku xiga isu
geynta Codadka boqolayda ee Gobol kasta.

3. Haddii ay is leekaato tirade Boqolayda Goboladda ee laba Urur ama ka badan waxa lagu kala saarayaa sida ay u kala bataan tirade Guud ee Codadka.
 

4. Haddii Ururada Siyaasadeed mid-na gaadhi waayo 20% waxay guddidu u aqoonsanaysaa Xisbiyo Qaran Sadexda Xisbi ee ugu tirade Badan Codadka Doorashooyinka boqolayda Goboladda
Dalka.

5. Tobankii sanadood ba mar baa la abuuri karaa Urur Siyaasadeed si waafaqsan Xeerkan, ahse yeeshee waa in Urur siyaasadeedka la abuuraa lix bilood ka hor maalinta la qabanayo
Doorashada Golayaasha deegaanka.



Khalid Ibraahim
Timacade News Desk
Hargeysa,Hargeysa