Guddida Diiwaangelinta Ururada Oo Markii U Horeysay Soo Bandhigay Qodobada Ay Ku Hadheen Ururadii Siyaasada Ee Aan Ku Soo Bixin Wejigii Labaad Ee Kala Saarista Ururada

 

 

 


Afhayeenka Guddida diwaangelinta ururada Siyaasada oo maanta shir jaraa’id...........


Hargeysa (TNN) Guddida diiwaangelinta Ururada Siyaasada ayaa markii u horeysay soo bandhigay waxyaabaha ay ku hadheen sagaal urur Siyaasadeed ee aan ku soo bixin wejigii labaad ee kala saa rista ururada.

Afhayeenka Guddida diwaangelinta ururada Siyaasada oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiska guddida ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha ku kalifay in ay soo bandhigaan waxyaabaha ay ku hadheen ururadani.

Afhayeenka oo ugu horeyn ka hadlaya sababaha ku kalifay in ay soo bandhigaan waxyaabaha ay ururadani ku hadheen ayaa waxa uu yidhi “Markii aan aragnay in la leexiyey dhammaan u jeedadii go’aankan loo soo saaray ee dhaleecayn badana na loo soo jeediyey la sheegayna in xukuumaddu faro galin ku hayso waxay noqtay in aan caddayno waxii uu urur walba ku hadhay iyo meelaha lagu reebay “

Af-hayeenka guddida oo akhriyey waxayaabaha ay urur walba ay ku reebeen waxa uu yidhi “Halkan waxaan idiin soo gudbinaynaa liiska ururada hadhay waxa uu mid waliba ku hadhay waxaana ugu horeeya


1. SSCD , waa uu hadhay waxaanu ku hadhay isaga oo aan xafiisyo ka furan goboladda dalka marka lagareebo Maroodi-jeex iyo 1000kii qofna wuu ku hadhay dhammaan gobolada .

2. Ururka Damal, xafiisyo kamuu furan goboladda Saaxil , Togdheer iyo Sanaag 1000 kii qofna muu buuxin gobolna

3. Ururka Nuur ,xafiisyo ka muu furan Saaxil iyo Sanaag 1000 qofna ee muu buuxin marka laga reebo Marood-jeex.

4. Ururka Jamhuuriga, xafiisyo ka muufuran goboladda Saaxil iyo Togdheer ,1000kii qofna muu buu xin marka laga reebo Maroodi-jeex

5. Ururka NDB ,xafiisyo ka muu furan goboladda Saaxil Iyo Togdheer muunabuuxin 1000kii qof gobol adda Saail,Sanaag iyo Sool.

6. Ururka Horyaal, xafiisyo kamuu furan goboladda Saaxil iyo Sool manuu buuxin 1000-kii qof gobol adda Saaxil iyo Sanaag waxa kale uu ku hadhay 1000kii qof ee liiska ahaa .

7. Ururka UDHIS ,xafiisyo ka muufuran Goboladda Sanaag iyo Sool ,manuu buuxin 1000kii qof ee ma daxtaabashada ahaa goboladda Sanaag iyo Togdheer .

8. Ururka Badbaado ,xafiisyo kamuu furan gobolka Sool manuu buuxin 1000kii qof ee madaxtabasha da aah gobolada Sool iyo Sanaag .

9. Ururka Gurmad ,xasfiis ka muu furan gobolka Sool manuu buuxin 1000kii qof ee madax taabasha da ahaa gobolka Awdal”.

Shirkan jaraa’id ee ay qabteen guddidu waxay kale oo dhaliilo u soo jeediyeen ururada Nuur iyo ur urka NDB isaga oo sheegay in ururka NDB ay dhammaan waxa shardi ah oo ay buuxiyeen aanay ji rin shirweynihii oo ay ururada u ku soo baxeaanay uu yahay ururka kaliye ee hadhay waxa uu she egay in aanu lahayn ururka NDB Gole dhexe iyo guddida fulinta toona .

Waxa kale uu dhaliiilo u soo jeediyeen ururka NUUR oo ay sheegeen in uu ahaa ururada ugu liita xa gga dhaq-dhaqaaqa haddana uu yahay ururada wadda kicinta dadka “ waxaanu u soo jeedinaynaa ururada NDB iyo NUUr iyo ay dadka ka xishoodaan haddii ay hadheen iyagu wey og yihiin in ay hadh een Foosiya Yuusuf oo ah guddoomiyaha NDB waxay tidhi xuquuqdii haweenka yaa meel lalaga dha cay waxaan leeyahay haweenku ururkaaga uun ku may jirin ee lixdan soo baxayna way ku jiraan” Af –hayeenka guddida diiwaan-galinta.
 

 


C/raxmaan Muuse Yuusuf
Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland