Guddida Beesha Habar awal oo Madaxweyne Siilaanyo ugu baa qd ay inaanu dhegaysan masuuliyiinta ku Shaanbadaynaysa inay Mucaarad yihiin

 



“Shirar Beeleedyadii, Hub-ka-dhigistii iyo dhismihii Golayaasha ee bilaa mushaharka ahaa kaali nta koowaad ayay ku lahayd ee Mucaaradnimo nagama Suurtowdo Madaxweyne”Muuse Dalab

 


“Dhawaaqii aan idhi Beeshu waa Kulmiye, dhawaaq uga wanaagsanaa Madaxweyne Siilaanyo may jirin Komishanka dhawaaqiisiina ku dhehoo” Suldaan Xasan Suldan C/laahi
 


Hargeysa (TNN) Gudida ay dhawaan Beesha Habar awal samaysatay oo ay ku midoobeen laba Guddi oo ay lahaayeen Sacad iyo Ciise ayaa maanta kulan ay Madaxweyne Siilaanyo ugu gud binayaan Fariin ah inaanay Mucaarad ku ahayn Xukuumaddiisa ku qabatay Huteelka Xaraf ee Hargeysa.

Guddoomiyaha Guddidaas Cali Aadan Samatar oo ka hadlay kulankaasi oo ay fadhiyeen Xildhib aano ka tirsan Golayaasha Qaranka, Madax dhaqameed iyo Odayaal ka tirsan Beeshaasi ayaa sheegay in ay Beesha uu Guddoomiyaha u yahay u taagan tahay Walaalaynta, Nabadgelyada iyo jaar ku wada noolaanshaha Xukuumadda iyo Beelaha Somaliland.

“ Beeshu waa beeshii keentay Isbedelka dalka ka yimi, markaa intaas ba beeshu waa ka horm ood, waxaanay diyaar u tahay iskaashiga bulshadeeda, wax kasta oo ay beeshu tabanaysana waxay ku gaadhi kartaa midnimadeeda”ayuu yidhi

X. Muuse Xirsi Abokor (Muuse Dalab) oo ah Guddoomiyaha Beesha Ciise Muuse oo kulankaasi ka hadlay ayaa Madaxweyne Siilaanyo u diray fariin uu ugu sheegayo Beesha Habar awal in aanay Xukuumaddiisa Mucaarad ku ahayn, isagoo ugu baaqay inuu iska qabto masuuliyiinta ugu sheekaysa Beesha Guddida ay wadaa waa Mucaarid.

“ Hadaanu nahay Beesha Habar Awal waxaanu nahay Beesha Dhidibada u taagtay Somaliland, Shirarkii Nabadaynta ee Sheekh, Burco, Boorame, intaba beesha ayaa bixisay dhaqaalihii ku ba xay oo dhamaa Milyan laba boqol iyo sadex iyo labaatan kun oo dollar, hubka dhigistii toddoba boqol iyo konton kun oo dollar baa kaga baxay, sadex jeer oo Qaranka, Golayaashiisa iyo Ciida madiisa Mushahar loo waayay, Beeshaa bixisay” ayuu yidhi

Muuse waxa uu intaa raaciyay “ Mucaarad maaha Beeshu, Muxaafid baanu nahay waxaas oo tacab ah ayaa nagaga jira Somaliland. Xukuumadda waxaanu leenahay yaan lagugu baadhan, qolada wax ku baadhanaysa Dawladda ha ku jireen ama meel kale ha ka yimaadeene wax kalo od wax ku baadhataan keena Anigu X Cabdi Waraabaha labaad baan ahaye” ayuu raaciyay

Sheekh C/qaadir X Jaamac oo ah Guddoomiyaha Sacad Muuse , oo ka hadlay kulankaasi oo ah aa mid Guddiyadda Beeshu isku baranaysay ayaa yidhi “’ Anigu Guddoomiyihii Sacad Muuse ay aan ahay, niman baa leh Jeelal baanu dadka ku guraynaa, waar Beeshu Guddidan iyadaa sama ysatay, Beeshu Suldaan bay leedahay Suldaan Guud ah oo Asal ah waar ku soo daba-fayla ay aanu leenahay, guddidana waa Gudi beeleed oo hawlaha Beesha iyadaa loo Igmaday “ ayuu yidhi

Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo isna ka hadlay Kulankaasi ayaa yidhi “ Cida kaliya ee af ka beesha ku hadli kartaa waa Guddidan, dhamaan Beeshu waa wada Muxaafid, Waxaananu sheegaynaa inaanu nahay Beesha cagaha u taagtay Qaranimada , markaa nagama Suurtowdo inanu Mucaarad ku noqonaa, Madaxweyne Sidaas ku Seexo oo ku soo toos cidina yaanay lac ag kaaga qaadan” ayuu yidhi


Suldaan Xasan Suldaan C/laahi oo kulankaas goob jog ka ahaa ayaa yidhi “ kaalinta Beesha Habar awal waa mid cad, Habar awal wanaag bay guddida u dhisatay dhismaha Qaranka inay kow u noqdaan mooyaane lab aka noqon mayso. Dhawaaqii aanu Axmed Siilaanyo u nidhi ayaa kaga weynaa dhawaaqii Komishanku u yidhi markii uu talada ku guulaystay markaa Guddidani waa mid aan kaga nasanayno hawlo badan oo beesha ah, Xidhiidh fiican baanay Beeshu la leedahay Min Sool ilaa Awdal markaa wax dhibaato ah maaha Gudi u keenaysa Xukuumadda iyo Qaranimada toona “ ayuu yidhi

Suldaan Xasan Suldaan C/laahi waxa uu ka hadlay wadahadalada Somaliya “ waxaan maqlay ay wadahadalada Somaliya iyo Somaliland u socda, waxaan ugu baaqayaa walaalahayaga Som aliya inay aqbalaan Dawladnimadayada, anagaa marka horeba idiin keenay, waa inay ogolaad aan jamhuuriyaddan cagaheeda isku taagtay, illaahay waxaan iyana ugu baryayaa inuu hagaa jiyo”ayuu kaga baxay

Waxa isna madashaasi ka hadlay Xildhibaan Saleebaan Garas oo ka tirsan Golaha Guurtidda, w axaanu Xukuumadda ugu baaqay inaanay ka shakiyin danaha Beesha isagoo iftiimiyay hawlah a Guddidu inay yihiin kuwo ka shaqaynaya danaha Qaranka.

 

source:waaheen