Xabaal wadareed cusub Oo shalay laga Daah-furay duleedka Hargeysa
 



Hargeysa (TNN) :– Guddida baadhsita xasuuqii loo geystay shacabka Somaliland ayaa waxay sh alay shaaca ka qaadeen in ay heleen goob cusub oo lagu xasuuqay dad aad u badan, kuwaas oo ay cagaf ku aastay god aad u weyn oo duleedka madaarka Hargeysa.

Goobatan cusub ee la helay ayaa waxay ku taallaa duleedka koonfur barri ee madaarkaa casim ada Hargeysa sida uu sheegay Cabdirashiid Maxamed Daahir oo ah masuul sare oo ka tirsan guddida baashista xasuuqii loo geystay ummada Somaliland.

Cabdirashiid Maxamed Daahir isagaa ka hadlayay xabaalo wadareedyadan cusub ee ay heleen waxa uu yidhi “Waxaanu maanta (shalay) soo booqanay Xabaalo wadareedyo dad goob joog ahaa markii dadka lagu aasayay nooga warameen, markaa laba Xabaalood ayuu Xafiisku u aqo onsaday inay yihiin Xabaalo wadareedyo ka dib markii Markhaatigii iyo qaabka ay u yaalaan aa nu isla eegnay. Xabaalaha kale waa caadi, waa qaar Iilashii iyo Rukumadii loo sameeyay oo si miyir qabta loo aasay laakiin kuwani waa qaar inta Maydkoodii la soo qaaday cagaf dusha kaga rogtay Ciida.”

Cabdirashiida Maxamed Isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Xafiisku hore ayuu warbixin ugu hayay in Barriga Madaarka ay ka jiraan Xabaalo xasuuq laakiin Maanta ayay noo suuro gas hay inaanu isla helo Markhaatigii iyo Goobtii.”

Cabdilaahi Yuusuf Ducaale oo ka mid ah dadka Goob jooga u ahaa wakhtigii Xabaalahaasi lagu aasayay Dadka ayaa sheegay inaanu hubin Tirada dadka halkaasi lagu aasay balse uu arkayay Wakhtiga lagu Aasay dadkaasi.

“Wakhtigii SNM-tu soo gashay Hargeysa, 1988-kii halkan ayaan joogay waxaanan ka tirsanaa Xeradan Ciidanka Cirka ee Xabaalahan u dhaw,”ayuu yidhi Cabdilaahi Yuusuf, waxaanu intaas ku daray

“Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Cagaf halkan ka soo baxday, annagoo Cagaftii eegayna ayaa gaadhi kale ka soo daba baxay, markaasi gaadhigii ayaa maydka Maryaha xidhan meeshii ku daadiyay, Cagaftiina intay dhulka u qoday ayay Maydkiina ku riixday Ciidiina way ku rogtay. Runtii ummaanu soo dhawaan, markaa ma hubo tiradii dadka meesha lagu aasay.”
 

 


Cumar M. Faarax
Hargeysa,Somaliland