Guddi Nabadgelyada ee Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa Shacabka ugu Baaqay in Nabad gelyada la Illaaliyo Dhalinyaradana Waalidkood ka War Hayaan.


 


waxa soo baxay dhalinyaro habeenkii dadkii reer hargeysa dhib weyn ku haya oo haddii ay noqoto haween iyo dadwayneba khaati ka taagan yihiin, .......


Hargeysa (TNN):- Guddi Nabadgelyada ee Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa Shacabka ku dhaq an Caasimada Hargeysa iyo Gobolada kale ugu baaqay in ay Xoojiyaan Nabadgelyada oo ay isha ku hayaan Dadka nabadgelyo darada ka wada Magaalooyinka Somaliland.

Sidaasi waxay ku sheegen Shirjaraa’id oo ay ku qabteen Maanta Magaalad Hargeysa.

Guddomiyaha Guddi Hoosadka Nabadgelayda ee Golaha guurtida Axmed Muuse Obsiiye oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay waxa uu ka hadlay dhalinyarada habeenkii falalka nabadgelyo darad ah ka wada Xaafada kala duwan ee Hargeysa waxanu idhi. . “Ujeedada Shirkan Jaraa’id aanu u qabanay waxay tahay in aanu wacyigalino bulshada Somaliland, runtii caasimada Hargeysa Maalmahan ugu danbeyey wax ka dhacayey falal lidi ku ah Aamanka Somaliland, waxa soo baxay dhalinyaro habeenkii dadkii reer hargeysa dhib weyn ku haya oo haddii ay noqoto haween iyo dadwayneba khaati ka taagan yihiin, habeen dhaweyd meel Hotel Star ka danbeysa waxa ka dhacay, in nin Aroos ahaa oo loo keenay Xeedhyo ayaa waxa u yimid dhalinyaro Kubada ciyaara oo xafadaasi ah waxay ku yidhadeen xoog ku keen xeedhiyihii oo xoog ku fur halkiinbay ku cuneen oo dadkii Arooska ahaana way iskaga baqeen, waxaasi dhaqankeen may ahaan jirin, runtii dhaqankeen waxa ilaalin jiray wax ka mid ahaa Aroos, Culimada Haweenka imika dhalinyaradani wax allaale iyo wax kala soo cayaan ma jirto, dhalinyaradii dalku waxay noqotay in tahriibtay iyo in dhaqankoodu badalay oo dhaqan kale qaatay, dhalinyarad waxa aanu leenahay xal idiima ah xadhigu ee ka tanaasul , waxad aad sameynaysaan ee dalka ku kharibaysan ma ah wax fiican, dhalinyaradii waxay isku urursadaan koox koox oo dadkii ayey dhib gaadhsiinayaan, habeenkii waxa jira dhalinyaro inta ay albaabad iska furaan oo qaadanaya Hablihiin anigu arrintaasi waxaan u arkaa in ay dalka cid kale dhib ka waddo ama haya’do ka danbeyaan ama cid kale oo dalka Khalkhal galinaysaa ay ka danbeyaan ayaad mooda.”.”Ayuu yidhi
Xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi. “Shirkan jaraa’id waxaanu u qabanaynaa, in aanu kaga hadalno wakhtiyadan danbe waxa soo kordhay dhibaatooyin dilal ah oo nabadgelayda wax u dhimaya oo ay geeystan dad dhalinaayro ah oo koox kooxo isku ururada, runtii dalkeenu muu lahan jirin mobil la dhacayo, Kufis haweenka la kufsanyo, Dilil iska nacsinmo oo dadka lagu dilayo, waxaanu halkan u fadhinaa in bulshada somaliland ugu baaqano in nabadgelaydu qof walba ay dan u tahay, cid gaar ah dan uma ah , nabadgelayda dadku barigii hore way jeclaayeen lakiin baryahan danbe dadku nabad gelayda kama shaqeeyaan malaha dadku wixii ay soo mareen way iloobeen, waar nabadgaleyad siddii loo ilaalin jiran ha loo ilaaliyo, waalidanka dhalinyarada dhalayna waxaanu leenahay caruurtiina la socda oo ogaada halka ay joogan iyo waxa ay sameynayaan iyaga oo dadka moobilada ka dhacay in aad tidhahdaan misaajid ayey ku maqnayene ma ah.”Ayuu yidhi.

Isag aoo hadalkiisa sii watan wax auu yidhi. “Sidaa la sheegay dhaqan ayeynu lahaan jirin dhaqankuna waa in wixii dhib keena aynu iska jirno, runtii magaalo wax lagu kufsado waa inoo kow, marka miyigaan meelahasi nin marmara ayaa la odhan jiray waaxbu kufsadaa, Booliskan halal shaqeeyo ayaanu leenahay.”
 

 

Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland