WAR-SAXAAFADEED
Sida ku xusan Sharciga Maaliyadda Qaranka xeer lambar: 90/96, sida
ku cad Dastuurka Qaranka qodobkiisa 55-aad, farqadiisa 1-aad ee la
xidhiidha gudashada waajibaadka arr imaha Maaliyadda iyo
Miisaaniyadda Qaranka; Wasiirka Maaliyadda J.S.L Marwo Zamzam Cabdi
Aadan, maanta oo ay taariikhdu tahay 26.11.2015-ka waxay Shirkii
Golaha Wasiirr ada hor keentay Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee
sannadka 2016-ka. Shirkan Golaha Wasiirrada oo uu shir guddoominayey
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muda ne Axmed Maxamed Maxamuud
Silaanyo, Xubnihii Golaha Wasiirrada ee shirkan goob-jo oga ka ahaa
ayaa waxa dhammaantoodba loo qaybiyey nuqul ka mid ah Buugga
Odoro ska Miisaaniyadda Qaranka ee Sannadka 2016-ka.
Buugga Odoroska Miisaaniyadda, oo run ahaantii si qoto dheer oo aad
u cilmiyaysan loo soo agaasimay, waxa Golaha Wasiirrada si khibrad
iyo farshaxannimo leh uga hor akhriyey Wasiirka Maaliyadda Marwo
Zamzam Cabdi Aadan, Wasiiru-Dawlihii hore ee MaaliyaddaMudane
Cismaan C/laahi Saxardiid (Caddaani)iyo weliba koox-dhallinyaro ah
oo aqoonyahanno ah oo ka socday Waaxaha Miisaaniyadda iyo Qorshaynta
ee Wasaarradda Maaliyadda. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Marwo
Zamzam Cabdi Aadan waxay si qoto dheer u faah-faahisay Odoroska
Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka 2016-ka taasoo ka kooban:
Miisaaniyadda Dawladda Dhexe,
Miisaaniyadda Hay’adaha madaxa bannaan ee Dawladda,
Miisaaniyadda Dawladda Hoose,
Miisaaniyadda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF),
Miisaaniyadda Mashruuca Maamul daadejinta Dawladda (JPLG).
Odoroska Miisaaniyadda Qaranka Sannadkan 2016-ka ee ay Wasiir Zamzam
hor keentay Golaha Wasiirrada waxay ahayd Miisaaniyaddii 24-aad ee
uu Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland yeesho, waxaynaMiisaaniyaddani
ka badan tahay Miisaaniyaddii sannadka 2015-ka 13% (boqolkiiba
saddex iyo toban).
Sidoo kale, Buugga Odoroska Miisaaniyadda Qaranka Sannadka 2016-ka,
waxa la socday Siyaasaddii Miisaaniyadda Qaranka ee 2016-ka, oo ay
soo diyaariyeen Guddida Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka.
Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee 2016-ka, meelaha sannadkan
muhimadda gaarka ah la siiyay waxa ka mid ah:
1) Nabadgelyada iyo Garsoorka,
2) Waddooyinka iyo Biyaha,
3) Caafimaadka iyo Daryeelka,
4) Dhallinyarada iyo Shaqo abuurka,
5) Dhulka iyo Beeraha,
6) Dhiirri-gelinta Wax soo Saarka Dalka,
7) Tayeynta iyo Fidinta Maamulka,
8) Aqoonsi Raadiska iyo Doorashooyinka,
9) Maal-gashiga,
10) Dakhliga iyo Hantida Dawladda.
Dakhliga Miisaaniyadda Qaranka ee 2016-ka:
No
Hay’adda
SLSh.
US Dollars
1.
Dawladda Dhexe
1,218,000,000,000
203,000,000
2.
Hay’adaha Madaxa-bannaan
226,580,189,543
37,763,365
3.
Dawladda Hoose
189,609,406,597
31,601,568
4.
Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah
109,861,212,000
18,310,202
5.
Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta
27,630,234,000
4,605,039
Grand Total
1,771,681,042,140
295,280,174
Guddida Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka Jam. Somaliland, iyagoo ka
duulaya baahiyaha guud ee uu Qaranku leeyahay iyo meelaha u baahan
in la siiyo mudnaan gaar ah, shirkii Golaha Wasiirrada ee
26.11.2015, ayaa waxa isaguna hadal waafiya ka soo jeediyey Wasiirka
Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo 5-tii sano
ee ugu dambeeyey ka mid ahaa Guddida Siyaasadda Miisaaniyadda
Qaranka. Wasiir Maxamuud Xaashi wuxuu si khibrad leh oo qoto dheer
uga sheekeeyey qaabka iyo hannaanka ay u shaqaynayeen Guddida
Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranku shantii sano ee ina soo dhaafay iyo
sida ay Guddidu mar walba mudnaanta iyo muhimmadda koowaad u
siinayeen halka ay ku jiraan danta Qaranka iyo masaaliixda ummaddu.
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi wuxuu
iftiimiyey in GuddidaSiyaasadda Miisaaniyadda Qaranku aanay iyagu
ahayn kuwa jaan-gooya, go’aamiya, qayb-qaybiya ama u qoondeeya sadka
iyo saamiga miisaaniyadeed ee ay Wasaarad iyo Hay’ad kasta heli
doonto. Wasiirku wuxuu sheegay tallaabo kasta oo ay qaadayaan oo
khusaysa jaan-goynta Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka, inay marka
hore Guddi ahaan si taxadir leh uga baaraan degaan cidda ay saamayn
ku yeelanayso. Gabagabadii hadalkiisa Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi
wuxuu Xubnaha Golaha Wasiirrada ku booriyey ina u codeeyaan Odoroska
Miisaaniyadda Qaranka ee Sannadkan 2016-ka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland MudaneAxmed Maxamed Maxamuud
Silaanyo oo isagu khibrad badan iyo aqoon durugsanba u leh arrimaha
Maaliyadda iyo Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ayaa wuxuu si aad u
qoto dheer ula socday sharraxaadii ay Wasiirka iyo Saraakiishii
Wasaaradda Maaliyaddu ka bixinayeen Odoroska Miisaaniyadda Qaranka
Sannadka 2016-ka. Ugu dambayntii Madaxweynuhu wuxuu Xubnaha Golaha
Wasiirrada ka codsaday in loo codeeyo Odoroska Miisaaniyadda Qaranka
ee Sannadka 2016-ka kaasoo Wasiir Zamzam Cabdi Aadan ay hor keentay
Golaha Wasiirrada.
Kaddibna Xubnihii Golaha Wasiirrada ee shirka goob-jooga ahaa ayaan
iyagu guud ahaanba u kala hadhin ansixinta Odoroska Miisaaniyadda
Qaranka Sannadka 2016-ka, dhammaantoodna way u codeeyeen, cid diiday
iyo cid ka aamustayna may jirin.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
|