Golaha Wakiillada oo Maanta Baaq ka soo Saaraya Go’aankii Qaramada Midoobay ee Qiimaynta Nabadgelyada Somaliland

 

Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta la filayaa inay soo saaraan baaq ay kaga soo horjeedaan go’aankii Qaramada Midoobay ee qiimaynta Somaliland ay ku tilmaantay kaalinta afraad.

Mowqifkan Golaha Wakiilladu ka qaadan doono qiimaynta Qaramada Midoobay, ayaa ka dambaysay kadib markii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo shalay ka hadlayey furintaanka kalfadhigii 8aad ee Golaha Wakiillada uu sheegay in loo baahan yahay in goluhu arrintaa mowqif cad ka soo saaro.

“Waxaynu ognahya in Qaramada Midoobay inagu riixday heerka afraad dhinaca nabadgelyada, arrintaana waxaynu u baahanahay in aynu gole ahaan baaq iyo mowqif ka soo saarno,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Guddoomiyuhu.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cirro waxa uu uga tacsiyadeeyey qoyskii, carruurtii, mudanayaasha golaha iyo dhammaan shacbiga reer Somaliland geeridii ku timi Marxuun Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali (Tuke) oo dhawaan ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay Gobolka Togdheer. Waxaannu Md. Cirro golaha ku wargeliyey Mudane cusub oo soo buuxiyey kaalintii uu Marxuun Tuke ka baxay iyo qaadhaan loo ururin doono qoyskii uu Xildhibaanku ka geeriyooday.

“Waxaan Golaha ku soo dhawaynayaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo soo buuxiyey kaalintii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Tuke. Mudanayaal waxa hore inooga geeriyooday Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Cumar Jabaabur, mudanayaashu qoyskii uu ka baxay waxay ugu deeqeen min boqol dollar, sidaa darteed arrintaasi waxay inoo noqon doontaa xeer hoosaad inta la helayo wax lagaga maarmo, taas awgeed annaga oo raacayna dhaqankaa hore mudanayaasha waxa laga goyn doonaa gunadooda bilaha January iyo February min kontan dollar, shirguddoonka Goluhuna wuxuu ku dari doonaa $2000, markaa qoyskii uu ka baxay Xildhibaan Tuke waxaynu ku tabaruci doonaa $10000 (toban kun dollar),” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay inay gole ahaan ka xunyihiin gacansaar ciidanka booliska ee kaantaroolka bariga magaalada Hargeysa dhawaan nabar ku gaadhsiiyeen xildhibaan Saleebaan Cali Bukhaari.

“Waxaannu gole ahaan xusaynaa in aannu aad uga xunahay falkii aan dastuurka waafaqsanayn ee dhaawaca loogu geystay Xildhibaan Saleebaan Cali Bukhaari, Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu noo xaqiijiyey in la xidhay askarigii dhaawaca u geystay Xildhibaanka, baadhistiina ay wadaan, dhacdadaas waxaannu u xilsaaraynaa Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada oo ka wakiilka ah Golaha,” ayuu yidhi Md. Cirro.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in goluhu mowqif cad ka soo saaro go’aankii Qaramada Midoobay ka soo saartay nabadgelyada Somaliland oo ay ku riixday heerka afraad.

Dhinaca kale ajandaha kal-fadhiga 8aad ee uu goluhu ku shaqayn doono oo shalay mudanayaasha loo qaybiyey, balse weli aan laga doodin si loo ansixiyo, ayaa isaga oo dhammaystiran waxa uu u qornaa sidan:


1. warbixinta guddid joogtada iyo anshaxa


2. xaalada ammaanka ee qaranka


3. u-yeedhis masuuliyiinta qaranka


4. mashaariicda sharci ee golaha horyaala


xeerka habmaamuuska mudanayaasha


ansixinta miisaaniyadda qaranka ee 2009


xeerka xakamaynta hubka fudud


xeerka qaranka ee mamnuucidda miinada


5. iyo wixii kale ee soo kordha.






 


Jamhuuriya Online