Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Cod Aqlabiyadd Ah Ku Meel Mariyay
Xeerka Kala Wareejinta Maxaabiista.
Xeerkan ayaa golaha ka dhex abuuray buuq iyo sawaxan, waxana ay
mudanayaashu ku kala qa ybsanyeen siddii loo ansixin lahaa isla
markaana loo meel marin lahaa Xeerka kala wareejinta maxaabiista.
Hargeysa (TNN)- Golaha wakiiladda jamhuuriyadda Somaliland ayaa
fadhigoodii maanta ku meel mariyay xeerka kala wareejinta
maxaabiista, ka dib markii golaha xeerkan la horkeenay maanta isla
markaana ay durbaddiiba guda galleen habkii ay u ansixin lahaayeen
xeerkan.
Kala fadhiga golaha wakiiladda Somaliland oo uu shir gudoominayay
gudoomiyaha Golaha wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, ayaa
waxa ka soo xaadirey 50 Xildhibaan.
Xeerkan ayaa golaha ka dhex abuuray buuq iyo sawaxan, waxana ay
mudanayaashu ku kala qaybsanyeen siddii loo ansixin lahaa isla
markaana loo meel marin lahaa Xeerka kala wareejinta maxaabiista.
Xubno ka mid ah xildhibaanadda golaha wakiiladda Somaliland ayaa soo
jeediyay in laga dodo xeerkan isla markaana la naaqisho, waxana ay
intaas xildhibaanaddani ku dareen in loo baahan yahay in laga baaran
dago xeerkan, iyaga oo intaasi raaciyay inaan loo baahanayn in la
dadajiyo sidii loo ansixin lahaa, waxana xildhibaanadda diidanaa
ansxinta xeerkan ka mid ahaa Xildhibaan Maxamed Saalax Cige,
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooblle, Xildhibaan Saleebaan Cabdi Cali (Bukhaari).
Dhanka kalle waxa jirey xildhibaano ogol in la ansixiyo xeerkan isla
markaana loo baahan yahay in isla maantaba la meel mariyo.
Balse dood dheer iyo sawaxan kadib mudanyaasha golaha wakiiladda
Somaliland ayaa cod gacan taag ah u qaadey inta ogol in dood dheer
laga yeesho xeerkan iyo inta ogol in xeerkan isla maantaba loo
codeeyo, waxana ogoladaay in xeerkan cod loo qaaddo maanta 32
Xildhibaan, halka 5 Mudanena ay diideen, 12 Xildhibaana way ka
aamuseen, gudoomiyuhuna muu codeyn.
Intaas ka dibna waxa laysla qaatay in xeerkan la ansixiyo, waxana
ogolaaday in uu xeerkani ansaxo 32 Muddane, 5 Xildhibaana way
diideen, 13 Xildhibaana way ka aamuseen, gudoomiyuhuna muu codeyn,
sidaasna waxa ku ansaxay xeerka kala wareejinta maxaabiista.
Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office
|