Golaha Wakiiladda Oo Cod Ku Meel-mariyey Xeerka Sirdoonka Qaranka

 

 


Fadhigan oo uu shir-gudoominayey Guddoomiye-ku- xigeenka kowaad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, ayaa.......


Hargeysa (TNN) – Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa manta cod aqlabiyad ah ku meel-mariyey Xeerka Sirdoonka Qaranka.

Fadhigan oo uu shir-gudoominayey Guddoomiye-ku- xigeenka kowaad ee Golaha Wakiiladda Ba ashe Maxamed Faarax, ayaa Goluhu waxa uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerka sir-doonka Qaranka, xeer No,59/2012.

Fadhiga manta oo ay soo xaadireen 42-Mudane waxa ansixinta xeerkaasi Ogolaaday 34 mud ane,waxaa diiday shan xil-dhibaan, waxa ka aamusay laba mudane, Gudoomiyuhuna muu coda yn. Sidaasina waxa ku ansaxay xeerka Sirdoonka Qaranka JSLand xeer No, 59/2012.

Sida la og-yahay xeerka sirdoonka Qaranku wuxuu muddooyinkii u danbeeyey hor yaalay Gola ha wakiilada Somaliland si ay u ansixiyeen.

 

 


Khali Ibraahim
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland