Golaha Wakiiladda Oo Cod Ku Ansixiyey Wasiiro Iyo Masuuliyiin Uu Dhawaan Magacaabay Madaxweyne Siilaanyo

 

 


Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah............


Hargeysa (TNN)- Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ansixiyey Wasiirada Wasaaradaha Warfaafinta, Boosaha iyo isgaadhsiinta, Wasiir ku xigeenka Wasaarada arrimaha guddaha ee amniga, Wasiir ku xigeenka Wasaarada arrimaha dibada
Golaha Wakiiladdu waxa kale oo ay cod ku ansixiyeen Guddoomiyaha hay’addaha Shaqaalaha Nuux Sheekh Muuse Ducaale iyo Guddoomiye ku xigeenka hay’adda Shaqaalaha Maxamed Cumar Cabdilaahi.


Fadhigan oo uu Shirguddoominayay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiiladda Baashe Maxamed Faarax waxa madasha ka soo xaadiray 43 Mudane oo ka mid ah 82-ka Xildhibaan ee aqalkaasi ka kooban yahay.

Wasiirka warfaafinta iyo wacyi-gelinta Boobe Yuusuf Ducaale waxa ogolaaday 41 Mudane, Cid Diidayna ma jirto, waxaana ka aamusay Hal Mudane Gudoomiyahuna ma codayn, sidaasi ayaanu ku ansaxay.Wasiirka wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle waxaa ansixintiisa ogolaaday 41 Mudane, mana jirto cid diiday waxaana ka aamusay hal mudane oo keliya. Gudoomiyahuna ma codayn, sidaasi ayaanu ku ansaxay.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Md. Mawliid Maxamed Ibraahim waxaa ansixiyey 42 Mudane Cid diidayna ma jirto cid ka aamustayna ma jirto. Gudoomiyahuna ma codayn, sidaasi ayaanu ku ansaxay.

Sidoo kale, Wasiir ku xigeenka Amniga ee wasaaradda arimaha gudaha Cabdilaahi abokor Cismaan waxaa ansixiyey 41 Mudane, Cid diidayna ma jirto, waxaana ka aamusay Hal Mudane oo keliya. Gudoomiyahuna ma codayn.

Gudoomiyaha Hay’ada shaqaalaha dawladda iyo ku xigeenkiisa Nuux Sh Muuse Ducaale iyo Guddoomiye Ku xigeenka Ha’yada shaqaalaha Maxamed Cumar Cabdilaahi waxaa ansixintoo da ogolaaday 42 mudane, Cid diidayna ma jito, Cidina kama aamusin, Gudoomiyahuna ma codayn, sidaasi ayaanay ku ansaxeen.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta ahna Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa golah a hortiisa ka akhriyey in wasaarad ahaan ay ku shaqaynayaan qorshaha horumarinta Shanta Sano ee 2010 ilaa 2015-ka.
Wasiirka wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle oo isna golaha wakiilada la hadlay waxa uu soo bandhigay qorshaha wasaaradiisu ugu talo gashay hanaanka midaynt a shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka, taasoo uu ku tilmaamay qorshe u sahlaya shacabka inay hal taleefoon qaataan.

Waxa ansixinta Masuuliyiintaasi ka hor Xildhibaanadda loo akhriyay CV-yada iyo waayo-aragnimadda masuuliyiintaasi. Dhinaca kale fadhigii shalay waxa mudanayaasha loo qaybiyey Xeerka saamiga haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay.
 

 

 


Khalid Xabsi
Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland