Golaha Wakiilada Somaliland Oo La Hor Keenay Laba Xeer Oo Xukuumaddu Codsatay In Deg Deg Loo Ansixiyey

 


Golaha Wakiilada ayaa waxa hore uu hor yaalay Xeerka Baanka oo lagu waday in ay.......

Hargeysa (TNN) - Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigii maanta ay yeesheen waxa la hor keenay laba xeer oo kala ah Xeerka Budhcad baddeeda iyo Xeerka Isweydaarsiga Maxaabiis ta, labadaasi Xeer oo Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siil lanyo) ka dalbaday Xildhibaanada Golaha Wakiiladu in ay si deg deg ah u ansixiyaan Xeerark an oo uu sheegay in dalku si deg deg ah ugu baahan yahay.



Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo uu hore u hor yaalay Xeerka Baananka ka doodisteedana ay maanta filayeen ayaa Shirgudoonka Golaha Wakiiladu ku war geliyey in Xeerkaasi dib loo dhigay labadan xeer ee maanta la hor keenayna Bari laga doodi doono.



Sidoo kale waxa war bixin Golaha Wakiilada ka horjeediyey Guddida joogtada ah, iyaga oo ka waramay Wasaaraddo iyo Guddiyo ay xog ururin ka soo sameeyeen, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, Guddida Maamul Wanaaga iyo ka hor taga musuq m aasuqa.
 

 

 


Sacad Muse Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland