Golaha Wakiilada Somaliland Go’aamiyayna in doorash ada D/Hoose lagu galo diiwaan gelin la’aan

 


Hargeysa (TNN)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlbiyad ah ku ansixiyay in la laalo diiwaan gelintii codbixiyeyaasha ee lagu galay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii Bishii June ee la soo dhaafay. Ka dib markii 47 Mudane ay Golaha horkeeneen mooshin ay ku soo jeediyeen in wax ka bedel lagu sameeyo xeerka diiwaan gelinta isla markaana la laalo diiwaangelintii hore.

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada oo uu guddoominayay Gudoomiyaha aqalkaasi Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa madasha ka soo xaadiray 48 Mudane oo ka mid ah 82 Xildhibaan ee golahaasi ka kooban yahay.

Goluhu waxa kale oo ay cod ku go’aamiyeen in Diiwaan gelin la’aan lagu galo doorashada goleyaasha deegaanka ee fooda inagu soo haysa iyo diiwaan gelin rasmi ah dalka laga sa meeyo ka hor doorashada Golaha Wakiilada.

Sadex qodob oo Goluhu u codeeyay iyo codbixintu siday u qabsoontay waxay u dhacday sidan:-

1- In la laalo diiwaan gelintii hore codbixiyeyaasha ee lagu galay doorashadii Madaxtooy ada ee dalka ka qabsoontay 26-kii bishii June 2010-kii, waxa ogolaaday 34 Mudane, 9 Xildhibaan way diideen, 4 Mudane way ka aamuseen, gudoomiyuhuna muu codaynin sid aasi ayaanu qodobkaasi ku ansaxay.

2- In Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee fooda inagu soo haya lagu galo diiwaan gelin la’aan, waxa ogolaaday arrintaasi 37 Mudane, 5 Xildhibaan way diideen, 5 Mudane way ka aamuseen Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaasi ayaanu ku ansaxay.

3- In Doorashada Golaha Wakiilada ka hor la sameeyo diiwaan gelin rasmiya oo dhamayst iran waxa ogolaaday 42 Xildhibaan, cid diiday may jirin, 5 Mudane way ka aamuseen, Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaasi ayaanu ku ansaxay.

 

 

Source: Somaliland.Org