Golaha Wakiilada oo Laga Wado Mooshin Maamuuska Lagag Xayuubinayo W. Arimaha Dibedda
 


Golaha Wakiilada oo laga wado mooshin maamuuska lagag Xayuubinayo W. Arimaha Dibedda

 

Hargeysa Feb 13, 2011 (TNN)-War uu Wargeyska "Yool" ka helay Ilo lagu kalsoo yahay, ayaa  sheeg ay in koox tiro badan oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladdu wadaan Mooshin ay ku  damac san yihiin in maamuuska qaran laga qaado Wasiirka Arimaha debadda, oo isagu ka qayb galay Shir Kooxaha Soomaaliya loogu qabtay dalka ingiriiska.

Xildhibaanadan mooshinka wata oo tiradooda lagu qitaasay dhowr iyo afatan Mudane, ayaa sida uu Wargeyska "Yool" u sheegay Mudane codsaday inaan Magaciisa la shaacin, waxa ujeedada  mooshin koodu uu salka ku hayaa ka qaybgalaka shirka kooxaha Soomaali-weyn ee magaalada London lagu soo gabaga beeyay iyo eeda labaad oo ah la xidhiidha kadib markii ay is waafiqi waayeen nuxukii ka soo baxay shirka iyo hadaladii uu ka sheegay War-baahinta, kuna sheegay in Somaliland shirka ku joogto Qaab la mid ah kan ay ku jogaan dawladaha siyaasada Soomaaliya daneeya oo kale.

Waxa kaloo wararku intaa ku darayaan, in kooxda mooshinkan wada ay u badan yihiin Xildhibaanadii isbedel-doonka ahaa ee hore Golaha horkeenay Mooshinkii muranka badan dhaliyey eeku saabsanaa waxa-ka bedelka Xeer hoosaadka Golaha iyo mooshinkii ka horeeyey ee lagu xadidayey Mushaharka Madaxweynaha iyo Madaxda kale ee Qaranka.

Sidoo kale, mooshinkan hadda laga dhawaajiyey, kuna saabsan maamuuska xayuubinta Wasiirka  Ari mha Debadda, ayaa haddii uu u fulo sida sharcigu dhigayo, waxa ay talaabadaasi noqondoontaa mid ay karaamo weyn ku helaan Xildhibaanada Golaha Wakiiladdu, sidoo kalena waxa ay noqondoontaa mid ka maydha tabashooyin iyo dhaliilo farabadan oo Bulshadu u haysay, kuwaasoo qaarkood  dhax alsiiyeen Xildhibaanadda in dadweynahu ka qoomamoodo doorashadoodii.

Haseyeeshee, waxa Xildhibaanadda mooshinka wata, iyagana looga baahan yahay in ay iska  dhaaf aan inay eedahooda ku khaldaan siyaasado kale iyo shakhsi nacayb, isla markaana ay ku  koobnaa daan oo kaliya awoodha sharci ee u fasaxaya mooshin oogidda, sidaa awgeed-na ay doodoodu  noq oto mid salka ku haysa ilaalinta shuruucda dalka, maadaama uu jiray sharci ay labadda Gole ee  Baa rlamanku hore uga soo saareen ka qayb galka shirarka Soomaali-weyn.

Sharcigaasoo dhigayey in qof kastoo Somaliland u dhashay, kana qayb gala shirarka loo qabato  Ko oxaha Soomaliya uu yahay danbiile Qaran, maadaama uu ku talaabsaday talaabo lid ku ah Madax-banaanida iyo Gooni isu taaga Jamahuuriyadda Somaliland.
 


Source: YOOL