Golaha wakiilada oo cod aqlabiyad ah ku ans ixiyay xubintii cusbayd ee komishanka doorashooyinka somaliland


Hargeisa ( Longlivesomaliland News) -Mudanayaasha aqalka wakiilada  So maliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixayay xubintii cusbayd ee komishanka doorashooyinka taasi oo ah xubintii xisbiga Ucid ay ku  lahaa yeen komishanka Doorashooyinka. Xubintan cusub oo magaciisa la yidhaa, Mahdi Max’ed Guuleed ( Khadar).

Fadhiga maanta oo ay ka soo xaadireen 46 xildhibaan waxa codka  ogolaan shiiyaha siiyay guud ahaanba 45-kii xildhibaan ee golaha fadhiyay, guddoomiyuhuna ma codayn.


Guddoomiyaha gudida joogtada golaha Xildhibaan Saciid Cilmi Rooble, ayaa halkaa ka akhriyay taariikh nololeedkii shaqo iyo aqooneed ee xubinta  cus ub, isagoo sheegay in xubinta cusub ay buuxisay dhammaanba shuruudihii looga baahnaa. Waxa uu sheegay in uu u qalmo ka mid noqoshada  komish anka doorashooyinka. Waxaanu u soo jeediyay mudanayaashu in ay  ansiy aan.

C/raxmaan Maxamed C/laahi ( Cirro) oo shirka guddoominayay ayaa hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyay waxa uu mudanayaasha ka codsaday in ay ansixiyaan xubintan cusub.


Xoghayaha guud ee golaha wakiilada Somaliland, ayaa munadanayaasha halkaasi uga akhriyay waraaqdii M/waynuhu uu golaha wakiilada kaga codsanayay in ay xubintaasi ansixiyaan.


Xubintan cusub ee maanta ay golaha wakiiladu ansixiyeen ayaa yimid ka dib markii xubintii hore ee komishanka kaga jirtay xisbiga Ucid ay xubnaha kale ee komishanku diideeen in ay la shaqayso.


Arintan ayaa ah qayb ka mid ah dardar galinta iyo u diyaar-garawga hawlaha doorashooyinka oo loo qoondeeyay in ay dalka ka qabsoonto 27-ka sep, sanadkan aynu ku jirno daba-yaaqadiisa.


Waa kuma Garyaqaan Mahdi Max’ed Guuleed ( Khadar ):



Mahdi Maxamed Guuleed( Khadar) ayaa ah Nin Sharci yaqaan, macalin sha rciga ka dhiga jaamacada Hargeisa isla markaana la taliye ka ah  jaamaca da Hargeisa sidoo kale, hawlo kala duwana ka soo qabtay meelo kala  duw an.

Taariikhdiisa waxbarasho:

Waxa uu waxbarashadiisii hoose/dhexe ku soo qaatay dalka Ethiopia, gaar ahaan magaalda Adis ababa.

Sanadkii 1996-1999: Waxa uu galay kulliyada sharciga ee “ Ethiopian Civil service collage” isagoo sanadkaa noqday ardaygii ugu sareeyay kulliyadaa taasi oo uu ku mutaystay Bilad Dahab ah.

2008: waxa uu diyaariyaa shahaadada sare ee Master-ka ka dhigtaa  jaa macad ku taal dalka koonfur Africa. Isagoo halkaa ka dhigta xeerka  dhaqa alaha caalamka, xeerka caalamiga ah iyo baadhista sharciga.


Waayo aragnimadiisa shaqo:


· ku simaha xafiiska cadaalada ee gobolka shanaad ee somalida Ethiopia.

· November 1999 ilaa march 2001: Madaxa ciqaabta iyo madaniga.

· November 1998 ilaa 1999: xeer ilaaliyaha kiisaska ciqaabta

· January 1999 ilaa march 1999: la taliye sharci ee gudida diyaarinta sharciyada ee kilidhka shanaad ee dalka Ethiopia.

· April 1999 ilaa march 1999: xeerka ganacsiga ee thiopia ayuu u tarjumay Af Somali.

· August 2000 ilaa October 2000: tababare xeerka ciqaabta ah.

· November ilaa December 2001: waxa uu tarjumay xeerka Naas nuujinta.

· February ilaa March sanadkii 2002: la taliye sharci wasaarada Cadaalada.

· 2002 ilaa 2004: waxa uu aas aasay kulliyada Sharciga ee jaamacada Hargeisa.

· Bishii June ilaa October: waxa uu diyaariyay xeerka Ganacsiga Somaliland.

· 2002, 2003, ilaa 2005-tii waxa uu ahaa la taliyihii sharciga komishankii hore ee komishanka doorashooyinka sedexdii doorasho ee la soo dhaafay, isaga oo komishanka talo-bixin ka siin jiray:



1.Qaanuunka distooriga ah

2.Xeerka doorashada

3.Xeerka maamulka gobolada iyo degmooyinka

4. Xeerka jinsiyada

5. Xeerka diwaan-gelinta Axsaabta



2003 ilaa 2008: waxa uu ahaa sarkaal ka socda Hay’da UNDP gaar ahaan ka shaqayn jiray Barnaamijyadeeda Maamul wanaaga iyo meel marinta sharciga.



2008 ilaa imika: waxa uu macalin ka yahay kulliyada Sharciga ee Jaamacada Hargeisa waana la taliye sharci.

 



Wariye Mustafe Future
mccfuture@longlivesomaliland.com
Longlivesomaliland News Reporter
Hargeis Office Somaliland