Golaha wakiilada oo ansaxiyay sadex wasiir

 


Hargysa (TNN)-Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta waxa la-horkeenay qayb kamida wasirada xukuumada cusub ee aan la ansixin,wasiiradan maanta la horkeenay golaha oo ahaa sadex ayaa waxay kala ahaayeen.

Wasiirka wasaarada arimaha dibada Maxamed C/laahi Cumar wasiirka wasaara macdanta iyo biyaha mudane Xuseen Cabdi Ducaale iyo wasiirka wasaarada warfaafinta C/laahi  Jaa mac Cisman [Geeljire].

Fadhigan maanta oo sidii caadada u ahayd mudoodiynkan danbaba ka qabsoomay hoolka shiraraka ee wasaarada arimaha gudaha maadamoo dhisme ka socdo xaruntii golaha  wakii lada.

Fadhigan maanta oo uu shir-gudoominayay gudoomiyaha golahu ayaa waxa ugu horayntii jaanis shandaqiiqaa la siiyey inay golaha ka hor hadlaan xubnahan la ansaxinaayay,iyadoo markaana wasiir waliba uu halkaa ka soo jeediyey khudbad kooban oo ka hadlaysa  qorshih iisa waxqabad iyo waxyaabahii u qabsoomay intii uu xilka hayay.

Gabagabadii fadhigan oo ay kasoo xadiren 55mudane ayaa waxa codloo qaaday wasiiradan la horkenay golaha,iyadoo ugu horayna codka loo qaaday wasiirka wasaarada arimaha  di bada Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ay ogolaadaeen 51mudane halka uu diiday 1mudane laba mudanena ka aamuseen gudoomiyuhuna muucodayn kadib waxa lagu xigsiiyay  wasii rka wasaarada macdanta iyo biyaha Mudane Xuseen Cabdi Ducaale wax ogalaaday  50  mu dane waxa diiday 2mudane waxa ka aamusa 1mudane gudoomiyuhun muu codayn ugu  dan bayntiina waxa codka loo qaday wasiirka wasaarada warfaafinta C/lahi Jama Cisman  [gee ljire].waxa ogolaaday 52mudane waxana ka aamusay 2, cid diidayna may jirin  gudoomiyuh una muucodayn.

Dhinaca kale golaha wakiilada Somaliland ayaa maalinta salaasada ee ay bishuna tahay  5/10/2010 ayay u balnsanyihiin ansaxinta wasiirka kaliya ee ka hadhsan golaha wasiirada inla hor keeno golahan wakiilada si ay u ansixiyaan,wasiirkan oo ah wasiirka wasaarada  qo rshaynta qaranka mudane Sacad Cali Shire ayaa isna golaha ka codsaday in golahu u  ogol ado jaanis balaadhan oo uu ugu soo gudbiyo golaha qorshaha horumarinta qarniga

Source:Qaran news