GOLAHA WADA TASHIGA IYO TOOSINTA OO LAF DHUUN GASHAY KU NO QDAY XUKUUMADA, MADAXWEYNE SIILAANYO OO HANJABAADO U QADIMAY IYO WAXA LAGA FILAN KARO GOLAHAN?

 


Golaha Wada-tashiga Qaran ee lagu dhawaaqay Maalintii daraad ahayd ayaa ah mid ay dadka saluugsan siyaasadda dawladu aad ila dhacsan yihiin, halka kuwa taageersani dareen aan wanaagsanayn ka bixinayaan.

Waxa Golahan xubno ka ah sida la sheegay, shakhsiyaad ay aad isugu dhadhawaayeen Xukuumadda iyo qaar aanay isku dhaawayn sida Boobe Yuusuf Ducaale , maxamed xaashi, xasan ciise jaamac, xasan guure, ibraahin dhagawayne faysal cali waraabe , saleebaan cali koore iyo koox kale oo badan oo dhamaantood sumcad ku leh dalka oo ah dadka

aragti ahaan aad looga Ixtiraamo waddanka,

Waxa muuqata inay ragan Daladan ku bahoobay ay u soo banbaxeen qorshe ay Mucaaridad kala hor-imanayaan Xukuumadda talada haysa, waxaanay warsaxaafadeed ay soo saareen ay ku sheegeen in dulucda iyo Yoolka loo abuuray yahay sixida khaladaadka siyaasadeed ee dalka ka socda.

Mujaahid Ibraahim Dhego weyne oo ka mid ah Xubnahan, isagoo ka hadlaya kulankii golahaasi lagaga dhawaaqay, ayaa sheegay ?waxaynu ku ciyaaraynaa Garoon aanaynu garanayn, waxa jira dhibaatooyin badan oo dalka yaala oo waxba laga qaban la?yahay?ayuu sheegay.

Dadka ka faalooda arrimaha siyaasada Somaliland ayaa talaabada Golahan meelo kala duwan u sibir-saaraya, waxaanay dadka intooda badani ku macneeyeen gole loo baahnaa wakhti dalku u baahnaana ku soo hagaagay, waxay dadku arintan ku sababaynayaan in dalka uu hadheeyay mugdi fara badan loona baahanyahay in la taageero golahan sii dalka looga saaro xaaladan adag

Geesta kale waxa lays weydiinayaa sababta dhalisay midowga siyaasiyiinta ka dhexmuuqda kooxdan oo u badan Hogaamiyayaashii Ururkii SNM, waxaase jira aragtiyo sheegaya inuu jiro shaki ay Nimankani qabaan oo ku kalifay hawshan ay gudo galeen ?Odayaashani waxay u badan yihiin SNM, waxaanay ka shakiyeen qaabka siyaasadeed ee dawlada,taasaa markaa ku keliftay arintan?ayuu yidhi mid ka mid ah aqoonyahan ka falanqooda siyaasada.

Dhinaca kale, waxa jira warar tibaaxaya inay dhawaan la kulmeen Guddida Golahani ashkhaas Ajaanib ah oo u dhashay Dalka maraykanka , wallow warkaasi aan rasmiyan loo hubin, balse Baligubadlemedia ay u xaqiijiyeen dad xogogaal u ah dhaqdhaqaaqoodu. balse lama hubo waxay ka wada hadleen waxayse u muuqataa in waddamada reer galbeedku saluugeen qaabka wax uga socdaan somaliland iyadoo xukuumadda siilaanyo ay ka buuxaan wasiiro alshabaab ahi taasina ay keentay in reer galbeedka sas ay ka qaadaan wada shaqaynta somaliland

Marka si guud loo eego dhamaan xubnaha ugu cad-cad hada ee ku jira waa kuwo si toos ah u dhaliila siyaasadda Xukuumadda Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaanay taasi laf dhuun gashay ku tahay Madaxweyne siilaanyo iyo Xisbiga kulmiye, maadaama laga fili karo daladdan Mucaaridad aad u culus oo saamayn ku yeelan karta Taageerada shacbiga ee Xukuumadda.

Hadii ay dhab ka tahay Toosinta iyo taabo-gelinta Mucaaridad mug leh oo ay xukuumadda ku waajahaan, waxay haystaan fursado badan oo ay ka weerari karaan gol-daloolooyinka jira, waxaana ilaa hada oo ay hawshoodu qariib tahay ay helayaan Kalsooni badan oo dhinaca shacbiga uga imanaysa, hase ahaatee kasbashadooda taageero muuqata , ayaa ku xidhan sida ay wax u dhaqaajiyaan iyo cadaynta Mawqifkooda biyo-kama dhibcaanka ah, taasoo ay bar-bar socon doonto Cadaadis iyo faro gelin kaga iman karta dhinaca Dawladda.

Asxaabta Mucaaridka ayaa ka mid ah meelaha ilaa hada laga soo dhaweeyay, inkasta oo Guddoomiyaha xisiga UCID horeba uga dhex muuqday Kooxdan, taasina loo arko inuu ka mid yahay, halka WADDANI aanay wali mawqifkooda arintan la xidhiidha cadayn.

Dawlada ayaa dhinacyo badan ka faro-gelinta hawl-galka daladdan oo ah mid ugub ku ah Kooxaha isu abaabula dhaqdhaqaaqyada siyaasiga ah, waxaana xusid mudan inuu madasha ka dhex muuqdo siyaasiga Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa Urur siyaasadeed Qaran la odhan jiray oo xiligii Xukuumaddii Rayaale sifo aan sharciga waafaqsanayn loo aasaasay, kaasoo xiligaasi isaga iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose markii ay ku dhawaaqeen ka dib xabsiga loo taxaabay. balse wuxuu golahani xisbigii qaran kaga duwanyahay maaha xisbi siyaasadeed sidii madaxda xisbiga qaran ku andacoon jireey qaran wuxuu ahaa xisbi qaran siday ku andacoon jireen

mujaaid xasan ciise jaamac oo isagu sharaxaad ka bixinaayay golahani wuxuu sheegay inaa golahani ka hor imanayn qawaaniinta dalka u taala waxaanu xasan ciise ku dooday in gole la samaysan karo dadkuna ay u madaxbanaan yihiin goleyaal waa la saaynkaraa, gudiyo waa la samaynkaraa , shirar waaa laqabn karaa markaa wax noo diidayaa ma jiro sidaas waxa yidhi mujaahid xasan ciise oo isagu sheegay inaan golhani ka hor imanayn sharciga dalka u yaala

madaxwayne siilaanyo iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha ayaa gaashaanka u daruuray golahan iyagoo ku hanjabay inay wax ka qaban doonaan cid kasta oo dalka qalalaase galisa waa sida ay hadalka u dhigeene laakiin waxa hubaal ah inaan koxdani ahayn koox si dhibyar xukuumaddu ku hor istaagi karto

tusaale ahaan hadii xukuumaddu isku daydo inay ka hor timaado golahan wax ku dhib badnaanaysa xukuumadda siday golahan uga hor iaman lahayd waayo waxaynu naqaanaa in xalka xukuumaddu wax ku xalisaa yahay xadhig kooxda ku bahawday golahani maaha koox la xidhi karo waayo waa siyaasiyiin taageero badan haysta dalkana sumcad ku leh, una soo halgamay

qodobka labaad ee xukuumaddu kaga hor iman karto kuna daciifnkarto awoodooda ayaa ah in ay ku bixiso lacag si ay u kala furfurto golaha toosinta laakiin kooxda golahan ku bahwday dhamaamntood waa kuwo u badan inaanay aqbalayn in la iibsado marka la eego shakhsiyadooda dhamaan golahani waa kuwo aan la iibsan karin

waxay markaas u muqanaysaa in xukuumaddu wajigabax wayn ay kala kulmayso golahan aanay si dhibyar waxba uga qaadi karin, hadaba golahan ayaa iyagu samayn kara hal qodob oo ah ka ugu wayn ee ay khaati kaga dhigi karaan xukuumadda kaas oo ah inay abaabulaan mudahaaradyo u dhigma kuwo miidaamo taxriir laakiin salmi ah oo aan wax nabad galyo darro ah wadan inkastoon wasaaradda arimaha guduhu ruqsad u siinayn golahan inay mudaharaadyo abaabulaan hadana waxa u banaan inay sidii kulmiye sameeyaan banaanbaxyo lagaga soo horjeedo siday xukumaddu wax u wado arintan oo kulmiye samayn jiray wakahtigii muncaaradka uu ahaa



isku soo wada duuboo golaha toosinta iyo wadatashiga qaranka somaliland ayaa ah gole haysta taageero ka badan ka xukuumadda waxaanay u muuqataa in golahani muncaaradad adag kala hortagi doono madaxwayne siilaanyo oo islahaa labadii gole qaran kaa fadhiste laakiin waxay u muuqataa in mawjado horlihi ay ku soo aadan yihiin xukuumadda madaxwayne siilaanyo
 

 


Axmed Aadan Rooble

Hargeysa Somaliland
axmmed22@hotmail.com