Golaha Guurtida Somaliland Oo Gudiyo U Saaray Xeerka Furista
Ururada Siyaasada
Hargeysa (TNN) :- Shir-guddoonka golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta
Gudiyo u saaray xeer arka kala ah xeerka Liisamada Ganacsiga, Xeerka
Furista Ururada Siyaasada iyo Xeerka Shaqaala ha Dawladda.
Fadhiga maanta ee golaha guurtida Somaliland oo uu shir
guddoominaayay guddoomiyaha golahaa si mudane Saleebaan Maxamuud
Aadan, ayaa gudiyada kala duwan ee loo xulay ka soo tala bixinta
xeerarkaasi ku wargeliyay in ay ku soo dhamaystiraan xeerarkaasi
inta ka horaysa maalinta Axda ah ee todobaadka soo socda dibna ugu
soo celiyaan golaha.
Geesta kale Xildhibaanad kala ah Maxamud Xareed Rooble iyo
Xildhibaan Axmed Cali Aadan, oo ka mid ah mudanayaasha golaha
guurtida ayaa ka hadlay shilalka gaadiidka iyo sidii wax looga qaban
lahaa, xildhibaanada ayaa sidoo kalena ka hadlay Gaadiidka Tigaha
loo yaqaano ee ka shaqeeya magaalooyinka Burco iyo Boorama kuwaasi
oo ay sheegeen in ay khasaare dhanka shilalka ah ku hayaan
magaalooyinkaasi.
Mudanayaashan ayaa sidoo kalena sheegay in qaar ka mid ah gaadiidka
yaryar ee loo yaqaano Fiti sta ee ka dhex shaqeeya magaaladda
Hargeysa qaar ka mid ahi ay ka qayb qaataan arrimo aan ku fiicnayan
dhaqanka suuban loona baahanayahay in wax laga qabto.
|