Golaha Guurtida oo Jeelka weyn iyo Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa u
qaybiyey xoolo Nool

Xubnaha gudiga joogtada ah oo uu hormuud u yahay gudoomiyaha
guddigaa Xaaji Cabdikariin Xuseen ayaa ....
Hargeysa (TNN)- Guddiga joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland,
ayaa maanta 35 neef oo adhi ah kala gudoonsiisay Xabsiga weyn ee
magaalada Hargeysa iyo Cisbitaalka Hargeysa.
Xubnaha gudiga joogtada ah oo uu hormuud u yahay gudoomiyaha
guddigaa Xaaji Cabdikariin Xuseen ayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta
Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) iyo Taliyaha Xabsiga
Hargeysa Cumar Siciid Cali ku wareejiyey 20 neef oo golaha guurtidu
ugu deeqeen Maxaabiista ku xidhan Jeelka.
Taliyaha ciidanka Asluubta, ayaa golaha uga mahadnaqay deeqdan,
waxaana uu u soo jeediyey hay’adaha kale iyo ganacsataduba in ay ku
daydaan oo soona gargaaraan dadka maxaabiista ah ee ku jira xabsiga.
Gudoomiyaha guddiga Joogtada ah Xaaji Cabdikariin, ayaa isna sheegay
in ay ku faraxsan yihiin in ay gole ahaan soo jaleecaan jeelka iyo
maxaabiista, waxaana uu isna ku baaqay in la soo caawiyo maxaabiista.
Sidoo kale Axmed Cumar Askar oo ah agaasimaha Cisbitaalka Hargeysa
oo uu weheliyo Madaxa qaybta dhimirka ee Cisbitaalka Mustafe Xuseen
Xirsi, ayaa iyaguna guddiga ka gudoomay 15 neef oo adhi ah oo goluhu
ugu deeqeen. Waxaana ay aad u soo dhoweeyeen deeqdan. Agaasimaha
Cisbitaalka Askar, ayaa sheegay in golaha guurtidu markasta soo
jaleecaan Cisbitaalka haday deeq iyo ka warhaynba tahay.
Guuleed Yare
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland
|