Golaha Deegaanka Gabiley Oo Dacwada Maayarka iyo Musuq maasuqa dhacey U gudbiyay Wasiirka Madaxtooyada Soma liland Kadib Markii Wasiiradii Gobolku Qeyb Ka Noqdeen Cabashadooda
 


Hargeysa(TNN):-Liiska ay ku qoran yihiin afar iyo toban Xildhibaan oo katirsan Golaha De egaanka Degmada Gabiley, islamarkaana ay ku sexeexan magacyadoodu, ayaa loo gudbiy ay maanta Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan kadib ma rkii Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Muxumed Samaale iyo Wasiira da kasoo jeeda Gobolku qeyb ka noqdeen in ay is hortaageen kalsoonida ayb kala noqdee n Maayarka.

Xildhibaano katirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, ayaa sida la sheegay ugudbiya y dacawada ka dhanka ah maayarkooda, musuqmaasuqa ka dhacey Degmada Gabiley, W asiirka Madaxtooyada Somaliland kadib markii ay ka caalwaayeen Wasiirka Daakhiliga Ca li/waranacde waxyaabaha ay ku eedaynayaan Maayarkooda, iyo cabashada ay wakhtiga n u hayaan Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, maadaana uu hoosta dhigay dacwadihii Goluhu u gudbiyay Gudiyadii Wasaarada ka socd ey ee dhex gal ey Xisaabxidhkii Misaaniyada Degmada ee sanadkii 2013ka iyo sanadkan 2014ka oo aan ilaa iyo hada loo gudbinin Wasaarada,islamarkaana, la sameynin wax xisaa bxidh ah taas oo ay u dheer tahey dacwada ku socota xiligan Cagaftii sheewalka aheyd ee loo iibiyay Degmada,iyo Gaadiid kale oo amaah ku ah wakhtigan Degmada isla markaan a, lagu darey miisaaniyadihii la hor keenay Golaha Deegaanka balse, aan la bixinin, waxa kale oo dacwadan ay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, ay ugudbiyeen Waiirka Madaxtooyada Somaliland lagu xusey, in ay la amaakaag san yihiin labadii xubno od ee haweenka ahaa ee ka tirsanaa Xubnaha Golaha Deegaaka Degmada Gabiley sida uu Wasiirka Maaliyadu isugu qaawiyay difaaca Maayarkooda ay markii hore doorteen imikan a ay kalsoonida kala noqonayaan iyagoo, aan garaneyn waxa ugu jira Wasiirka.

Waxa kale oo nuxurka dacwadan ay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley u gudbiyeen Wasiirka Madaxtooyada lagu xusey, inay layaaban yihiin dhameystir la,aanta 2km ee ka dhiman Jidka u dhexeeya Tog-Wajaale iyo Kalabeydh,. taas oo ay Xildhibaana da Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ku dhaliileen in ay qeyb ka yihiin Wasiirada kasoo jeeda Gobolka Gabiley, oo ku guuldareystey dhismahaasi islamarkaana, guryo ka dhistey lacagihii loogu talagaley.

La soco xogwarankan.


Cabdiraxmaan Hiiraan
Timacade News Desk