Golaha Deegaanka Degmada Gabiley oo Ansixiyey Miisaaniy adii sanadka iyo shaqaalaha dawlada hoose oo loo kordhiyey mushaarkii
 


Miisaaniyadan oo cadadkeedu ahaa 14,105,3193000 oo bilyan slshilin. Waxaa si gaar ah loogu kordhiyey


Gabiley (TNN) xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ayaa Saaka ansixiyey miisaa niyada sanadeedkii 2013, xildhibaanada oo miisaaniyadani hortaaley muddo laba todobaad ah ayaa maanta dood adag kabib waxaa la ansixiyey miisaaniyadaasi, waxaana mushaarkii loo kordhiyey dhamaan Shaqaalaha dawlada hoose ee degmada Gabiley iyo xildhibaanada golaha deegaanka.

Miisaaniyadan oo cadadkeedu ahaa 14,105,3193000 oo bilyan slshilin. Waxaa si gaar ah loogu kordhiyey shaqaalaha nadaafada oo loo kordhiyey 100%, iyaga oo markii hore qaadan jirey 280kun oo shilin, imikana looga dhigay 520kun oo shilinka Somaliland ah.
Shaqaalaha dawlada hoose waxaa mushaarka loo kordhiyey 74%, taasi oo ay aad usoo dhaweeyeen shaqaalaha dawlada hoose.


Sidoo kale mushahar kordhinta ayaan ku eekeyn shaqaalaha dawlada hoose oo kaliya , xildhibaanada golaha deegaanka gabiley ayaa loo kordhiyey mushaar dhan 2.5milyan oo shilinka Somaliland ah bishiiba, halka ay markii hore ka ahayd 1 milyan iyo 200 oo shilinka Somaliland ah, waxaan loo kordhiyey 74%.

Markii uu dhamaadey kulankii lagu ansixinayey miisaaniyada, oo ay markii hore warbaahintu dibada ka ahayd, ayaa maamulka dawlada hoose shir jaraa,id ku qabteen xarunta dawlada hoose
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka Hadley Gudoomiye ku xigeenka golaha deegaanka degmada gabiley cabdi yusuuf goole, waxaanu ka warbixiyey miisaaniyada iyo waxyaabaha ay ku kordhiyeen sanadkan waxaanu yidhi “ hawshan miisaaniyadu waa hawl culus, oo mudo badan laga soo shaqaynayey, waana lagu guuleystey inla dhamystiro miisaaniyadii sanadka oo habeeno farobadan loosoo jeeday horgalinteeda, waxaan ka muuqda korodh faro badan .”

Sidoo kale waxaa halkaasi ka Hadley wasiirkii hore ee ganacsiga Somaliland ee xukuumadii riyaale mudane Abiib xasan filfil,waxaanu xildhibaanada ku bogaadiyey miisaaniyada ay libilaabeen ama ay kordhiyeen,kuna dardaarey ilaalinta nabadgalyada, muujiyaan horumar waxku ool ah waxanau yidhi “ waxaan aad ugu faraxanahay maanta ina miisaaniyada sanadeedkii lalibilaabo oo la kordhiyo, runtii waxaa aad umihiim korodhasiimaha shaqaalaha iyo mashaariicda horumarineed ee ka muuq, waxaan rajaynayaa aragtidoodu inay noqoto iskuxidhnaan oo ay muujiyaan waxwada qabsi iyo inay gobolada iyo wadmada jaarkeen inay xidhiidh iyo isdhexgal lasameeyaan, si ay nabadgalyada iyo horumarka ay iskagaIMG_7294 kaashadaan. “

Gabogabadii waxaa soo afmeerey maayerka magaalada gabiley shucayb maxamed muuse waxaanu ka dhawaajiyey inay shaqaalaha dawlada hoose iyo mudanayaashaba ay u kordhiyeen 74%, halka ay shaqaalaha nadaafada u kordhiyeen 100% waxaanu yidhi “maanta dood dheer kadib waxaa la ansixiyey miisaaniyada sanadeedkii , waxaan kazoo qayb galey 20 mudane , waxaan ansixiyey 16mudane, 4mudane wayka aamuseen, xadiga miisaaniyadu waxay ahayd 14,105,31973000 oo bilyan. Miisaaniyadani marka tii sanadkii hore wayku libilaabmaysaa, miisaaniyadaa maanta waxaan ka muuqda mashaariic horumarineed oo faro badan. “

Si kastaba ha ahaatee waa markii labaad ee mushaarka loo kordhiyo shaqaalaha dawlada hoose ee gabiley, xildhibaanada golaha deegaanka degmada gabiley ayaa maanta soo bandhigay miisaaniyadii ugu badneyda abid, waxaan maamlmihii u danbeeyey ay daweynuhu u dhantaagayeen ansixinta miisaaniyadani .

Dhinaca kale Dadwaynaha ayaa si wayn usoo dhaweeyay mushahar kordhinta Shaqaalaha Dawlada hoose iyo Xildhibaanada Golaha taasi oo dadka badankiisu u arkaan in ay yarayn karto Musuqmaasuqa.
 

 


C/raxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Gabiley ,Somaliland