Gobolka Gabiley oo si balaadhan looga Xusay Maalinta Gacmo Dhaqashada Aduunka

 

Munaasabaddo gaar gaar ah oo lagu xusayay Maalinta Gacmo Dhaqashada Aduunka ayaa Lagu qabtay dugsiyada hoose/dhexe Gabiley
Xafladahaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Dawlada Hoose ee Gabiley waxaa ka soo qayb galay Maayarka Degmada Gabiley Mudane Aadan Muxumed Badde, Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Gabiley Sacad Muuse Nadiif, Xoghayaha Fulinta Dawlada hoose ee Gabiley Rashiid Sh.Xuseen Qaabil,Saraakiil Sarsare oo ka tirsan Hayadda Caritas (Swiss-group), Maamulayaasha Dugsiyada Gabiley, Waalidiinta Ardayda, Hooyooyinka, iyo Ardayda Dugsiyada Hoose/Dhexe ee Gabiley.

Waxaana Fagaarayaasha dugsiyadaasi kala hadlay ardayda Maayarka Degmadda Gabiley Mudane aadan Muxumed Badde oo ku dhiiri galiyay ardayda muhiimada ay leedahay Gacmo dhaqashadu iyo ilaalinta nadaafada oo caafimaad ahaan muhiima in qofku iska ilaaliyo cudurada faa,aafa kana hortago isaga oo isticmaalaya saabuun markasta oo uu suuliga galo iyo marka uu qof xanuunsanaya salaamo ama wax kale uqabto, sidaa waxaa yidhi Maayarka Gabiley oo kala qayb galay ardayda xuska maalinta Gacmo Dhaqashada Aduunka.

Maayarka Gabiley mar uu ka hadlayay jaaniska uu manta u helay inuu ardayda halkaasi kala hadlo isaga oo ka faa,iidaysanaya ayuu yidhi ardayeey waxaan idinku dhiiri galinayaa inaad
is diiwaan galisaan (Inta qaangaadhka ah) oo aad tirada Gobolka kor uqaadaan oo aydaan manta lumin jaaniskaasi qiimaha leh ee aad haysataan oo ah mid ay ku tartamayaan Gobolada dalku tirada codka ka soo baxda gobol kasta.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha waxbarashada Gobolka Gabiley Sacad Muuse Nadiif oo ka waramay faa,iidada ay leedahay Gacmo dhaqida iyo Nadaafada oo la ilaaliyaa isaga oo sheegay inay diinteena islaamku ina fartay inaynu shan jeer maalintii maydhno gacmaha (Waysaysano) hadana waxaa muhiima inaynu xasuusino ardayda oo ku barbaarino inay Maydhaan Gacmahooda marwalba si, aynu uga hor tango cudurada faafa kaasina waxaa uu ahaa Gudoomiyaha Waxbarashada Gabiley.

Waxaa iyaguna hadalo kusaabsan munaasabada maalinta Gacmo dhaqashada halkaasi ka jeediyay Maxamed Yuusuf Galool oo ka tirsan Hayada Caritas, Maamulaha Dugsiga Hoose/Dhexe Sh.muxumed warsame Mudane Axmed Maxamed Shirwac, maamulaha Dugsiga Hoose ee News Gabiley, waxaana halkaasi Talo iyo Tusaaleba loogu soo jeediyay ardaydii ka soo qayb gashay munaasabadaasi
Iyada oo lagu booriyay oo la tusaale yaal badan loo soo qaatay, waxaana lagu dhiiri galiyay
inay u gudbiyaan guryohooda iyo asxaabtooda Fariintaasi, waxaa kale oo ay Hayda Caritas Gudoonsiisay Ardaydii halkaasi ku sugnayd Garmo ay ku qoran tahay Xuska maalintani, Saabuun Faraha lagu dhaqdo iyo Waraaqo Fariin ah oo ka hadlaya faa,iidada Fara dhaqida ay uleedahay bulshada.
 

 

 



Mustafe Future