Xaasha Ka-Lah :Gobolka Awdal Iyo Dadka Ku Noolba Waxaa Loo Hayaa Qadarin Iyo Xurmo Dheeraada

 

Qaran curdin ah oo aanay caalamku aqoonsan kuna yaal geeska Africa oo ay ku xeersan yihiin colaado iyo khilaafaadyo siyaasadeed muddo 18 sanno ah , qaran mudadaa lagu hayey si uu ulamid noqdo wadamada colaaduhu halakeeyeen oo dagaal nooc walbe leh lagusoo qaadey oo ay ugu dambeysay ismidaamintii 29 october 2008, ee ka dhacday Hargeisa. Qaran iyada oo ay kusocdaan dagaaladaa aynu dusha kusoo xusnay haddana sameeyey dhabar adayg iyo waliba horusocod dhinac walba leh oo ay kamid tahay habka dimoqoraadiyada ee aynu qaadaney oo aynu kagasoo dhalan roganey nidaamkii beelaha.

Haddaba, waxaa maanta hubaala marka laga soo bilaabo shirkii u horeeyey ee ay beelaha somaliland isugu yimaadeen burco 1991, illaa shirarkii ka dambeeyey inay ahaayeen kuwa gabi ahaanaba lagu guuleystay oo lawada dabakhay wixii ay ku heshiiyeen beelihii hore khilaafadku dhexmarey. Waxaa amaanteedana leh odayaashii guurtida oo iyagu ku suntanaa heshiisyadaa dhacay gabi ahaanba, waxaynu halkan aynu maana joogno kusoo gaadhney ee aynu cid walba dheernahay marka ugu horeysa isfahan iyo muwaafaqo dhex martay dhamaan beelaha alle kuwada uumey boqcadan ama degaanka ay ka kooban tahay Jamhuuriyada sland. Waa dad haddii ay colaadi dhexmarto aan meel kala tagi Karin, tusaale ahaan dalkii aynu kala noqoney ee soomalia bulshada kunool ee ay hore colaadu inoo dhexmareen , dee maanta waa lakatagey oo meel la iska gaadho majirto, laakiin shacabka Somaliland honoqdo beelaha dhexe, gablbeed iyo bari intaba waa dad alla meel kuwada uumay oo haddii ay colaadi timaad aan meelna lakala tagayn , hore way udhacday colaado maantana lawada joogo ee aynu qaranka kaliya wada leenahay.

Sidaa darteed, waxaaa igu kalifey inaan maanta fikirkeyga ku cabiro qoraalkan ciwaankiisu dusha ku xusan yahay, arimo maalmahan u dambeeyey kasoo baxayey dadweynaha sharafta leh ee gobolka awdal gaar ahaan qurbajooga gobolkaas iyo waxgaradka gudaha dalka oo runtii qaranka iyo shacabka gobolada Somaliland oo dhami ay u hayaan qadarin iyo xurmo dheeraad ah, waxaa la xusuusta doorarka lama ilaawaanka ah ee ay kasoo qaateen yagleelidii , hirgalintii , walaaleyntii ,wadaxaajoodyaddii ay soomartey sland mudadii ay jirtey, waxaan runtii ah arin laga xumaado hadalada kasoo baxay qurbajooga gobolka awdal ee odhanayey in beelaha dhexe ay xaqoodii duudsiyeen , xaash ka lah beelaha dhexe sidaan hore usoo sheegay qadarin ayay u hayaan shacabka gobolka awdal , haddii cid la necebyahay ama beel lafogaynayeyna maanta madaxweyne kama noqdeen nin kasoo jeeda gobolka awdal , waxaa laxuustaa sida ay beelaha dhexe ninkii ahaa hogaamiyahooda wakhtigii halganka ay haddana ugu doorteen nin kasoo jeeda gobolka awdal oo ahaa waliba ragii wakhtigii halganka la iskasoo horjeeday

Dhinaca kale , sida kasoo yeedhaysa bulshada gobolka awdal ee ay kaga cabanayaan hawshii diwaangelinta iyo tiradi codadka ee lagu dhawaaqey, marka hore malaha ninka madaxda ka ah diwaangelinta hadii uu noqon lahaa beesha dhexe arintu way kasii durki lahayd intaa nasiibwanaagse waxa uu kasoo jeedaa gobolka awdal, mida kale waxaa wanaagsan in cabashooyinka way iman karaan oo lama odhan karo maxay u yimaadeen balse waa in lakala saaraa arinta qof ama bulsho inaga mid ahi ka cabanayaan iyo qaranimada iyo jiritaanka aynaan dhayalka ku helin. Waxaa qabaa inay qaranimadu tahay lamataabtaan birmagayda ah oo qof iyo umada gabi ahaanba u dan ah oo ayna cid gaara dan u ahayn in sidaas loo wada dareen sanaado ayaa wanaagsan, iskuduubni ayayna maanta cid walba kaga horeynaa, waxaan kula dardaarmayaa walaalahayga gobolka awdal ee qurba jooga ah dalku waa mid , umaduna waa mid ciiduna waa mid, waa mid aan lakala lahayn oo aynu u simanahay , cid laga leeyahayna majirta idinkuna wasiiro ayay beesha dhexe naga badsatay ayaydun ka hadlaysaane madaxwaynihii dalka ugu sareeyey ayaa Awdal ah oo ay beesha dhexe 70% codkooda siisey ee umada walaalaha ah kadaaya xumaha iyo xiqdiga aynu aasney ee aynu ka dooranay midnimada iyo waxwada qabsiga.

Waxaan kusoo gunaanadayaa , tiradii diwaangelinta cabasho ayaanu ka qabnaa inay cidi tidhaahdo waa mid daw ah oo aan la isku ceebsan balse in la raaciyo illaa doorashada madaxtooyadana waanu qaadacaynaa , jiritaanka qaranimadana dib ayaanu uga fiirsanaynaa waa mid ayaan daro weyn ku ah cid iyo bulsho kasta oo ay taasi kasoo baxdo, markaa waxaan usoo jeedin lahaa walaalahayga gobolka awdal arintaa dib ugu noqda , oo ka noqda.
 



Wabillaahi tawfiq


C/rasaaq Sh Cali Askar