Gobalka Gabilay dadkiisu waa dad horumarka jecel oo goor walba ilaaliya nabadgelyada iyo xasiloonida dalka

Dadka reer Gabilay dhaqankooda ku salaysan isku dhafka beeraha iyo xoolaha ayaa gaarsiiyey xadaarad ballaaran ee ay dadka intiisa kale kaga duwan yihiin haday noqoto xaga ganacsiga, waxbarashada iyo aqoonta sare ee ay u leeyihiin wax soosaarka beeraha.

Hadaba waxa jira dad ay ficiladooda ay ka muuqato cuqdad iyo xaasidnimo ay ka qaadeen horumarka ay dadka reer Gabilay ka gaadheen dhinac kastoo noloshaa.ma jecli inaan qabiilooyinkaa carabaabo, laakiin wargeysyada ay qabiilooyinkaasi qoraan ayey ka muuqataa xaasid nimadooda iyo cuqdadooda kalsooni xumada ku dhisan.

Laakiin shirkada 571 ma garanayo sababta ku kaliftay inuu yiraahdo jaadkii Kalabeydh lagu cashuuri jiray Balay gubadle baan geynayaa.Hadaba hadaanu nahay reer Gabilay wey noo fududtahay inaanu qaadacno iibsashada jaadka shirkada 571 , hadaanu joogno Gabilay ama Hargeysaba.

Qofkastoo oo ganacsiga fahamsanina wuu garankaraa khasaaraha ay shirkadani kala kulmi karo giriifkaa.

Waxa kale oo aan mulkiilaha shirkada 571 aan leeyahay dadka beeshaada ee Wajaale ka ganacsada si xushmad leh baa loola dhaqmaaye ha u abuurin xumaan iyo coalaad loogu fiirsado oo ganacsigooda iyo danahooda dhaqaale oo dhan curyaamisa.


Ugu danbeyna waxaan idin leeyahay hanaga dalbanina xumaan aanan idiin heyn.
 

 



Ciise Warsame Colhaye

arabsiyo6@yahoo.com.au