Go'aanka Xukuumadda Somaliland Dhabarka ugu Ridatay Kharashyada Diiwaangelinta Sool iyo Sanaag/bari waa mid Hambalyo Mudan

 


Marka hore waxaan halkan hambalyo kal iyo laab ah uga soo gudbinayaa guud ahaan dadweynaha Somaliland ee geesiga ah, ciidammada qaranka, booliska, milatariga, sirdoonka, xisbiyada qaranka iyo xukuumadda Somaliland oo aan ugu hambalyaynayo habka nabadgelyada, waddaniyada iyo xushmada leh ee ay uga qaybqaateen ilaa iminkana uga qaybqaadanayaan diiwaangelinta ka socota dalkeena. Si gaar ah waxaan u sii hanbalyaynayaa odayaasha, cuqaasha, salaadiinta beelaha iyo jaaliyadaha reer Somaliland ee dalka debaddiisa ku nool oo ka qaybqaatay nidaaminta, diyaargaraynta muwaadiniinta iyo waliba u fududaynta dhinaca dhaqaalaha kharashyada ku baxaya diiwaangelinta deegaanadooda.

Saddex toddobaad ka hor ayay ahayd markii ay xaqiijiyeen Guddiga Doorashooyinka Qaranku in aan deegaanada Gobolka Sool iyo Sanaag/bari aanay u hayn wax kharash ah oo ay ku bixiyaan hawlaha diiwaangelinta ee deegaanadaasi, iyaga oo sheegay in deeqbixiyayaasha caalamka ee bixiyay dhaqaalaha loogu talo galay diiwaangalinta Somaliland aanay bixin, xisaabtana ugu jirin degaannada Sanaag/bari iyo Sool, maadaama aanay dhulkaas hore uga dhicin doorashooyinkii hore ee kala duwanaa ee Somaliland laga qabtay.

Markii Guddiga Doorashadu si rasmi ah arrintan u soo bandhigeen waxay sheegeen inaanay suurtogal u ahayn in deegaamadaas ay diiwaangalin ka qabtaan, kol haddii aanay kharash u hayn, awoodna aanay u lahayn inay dhulka baaxaddaas le’eg u diraan shaqaale, gaadiid iyo qalab kale toona, waxayse sheegeen hadii kharashkaas la helo inay qalabka diiwaan galinta geyn doonaan goob kasta oo looga baahdo.

Xaqiiqdu siday tahay dadweynaha reer Somaliland waxay arrintani ku noqotay lama filaan, iyaga oo dadweynuhu walaac ay ka muujiyeen haddii aan diiwaangalinta la gaadhsiin gobollada bari inay raad fool xun ku yeelan doonto sumcadda Somaliland, isla markaana niyad-jab weyn ku ridi doonto muwaadiniinta reer Sool iyo reer Sanaag/bari ee u heellan inay sida muwaadiniinta gobolada kale ee Somaliland ay isu diiwaangaliyaan, una helaan xaqooda muwaadinimo ee dastuurka Somaliland uu kafaalo qaatay.

Haddaba, marka la eego duruufaha adag ee dhaqaale ee dalku ku jiro, marka si qoto dheer loo eego dhaqaalaha xaddidan ee dawlada Somaliland soo gala oo ku kooban cashuuraha aan badnayn ee ay ka hesho dekedaha, gegooyinka diyaaradaha iyo baraha kaantaroolada xuduudaha dalka,marka la eego in Somaliland ay tahay dal aan la aqoonsan oo aan caawimo toos ah iyo mid dadban toona aan ka helin dunida, marka duruufahaasi oo dhan la isu geeyo cidina maskaxada may galin, manay filayn in xukuumadda Somaliland ay dhabarka u ridan doonto 100% kharashka ku baxaya diiwaangalinta Gobolka Sool iyo Sanaag/bari.

Hubaal waxaa ah in ay tahay go'aan geesinimo oo hambalyo mudan in xukuumadda Somaliland go’aansatay inay culayska dhaqaale ee baaxadaas le'eg ay dhabarka un ridato iyada oo door biday xukuumadu in muwaadiniinta reer Sool iyo Sanaag/bari aanay ka hadhin gobollada kale ee dalka, isla markaas helaan xaqooda waddaniyeed ee ah inay is diiwaangaliyaan, aqoonsiga muwaadinimana ay qaataan si ay xaq u ugu yeeshaan inay ka qaybqaataan doorashooyinka soo socda.

Si xukuumadda Somaliland hawshan u suurtogaliso waxay laba toddobaad ka hor dalka ka bilowday uruurinta gaadiidka dawladda, waxaana xukuumaddu dhammaadkii toddobaadkii la soo dhaafay gacanta ka gelisay in ka badan boqol iyo konton baabuur Guddiga Doorashooyinka Qaranka si ugu fuliyaan hawlaha diiwaangalinta Sool iyo Sanaag/bari, iyada oo xukuumaddu sidoo kale hawlgalisay shaqaalaha dawladda iyo ciidammada qaranka ee kala duwan si gacan u siiyaan sida ugu habboona ay ugu fududeeyaan muwaadiniinta deegaamadaasi sidii isu diiwangalin lahaayeen.

Waxaan shaki ku jirin in tallaabada xukuumadda Somaliland qaaday tahay mid geesinimo ah oo ay ku farxeen muwaadiniinta Somaliland meel kasta oo ay dunida ka joogaan, waxaanan halkan hambalyo uga dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo xukuumaddiisa oo mar kale muujiyay sida ay uga go’an tahay in muwaadiniinta ku dhaqan gobollada Sool iyo Sanaag/bari ay la jaan qaadaan gobollada kale ee Somaliland intooda kale, iyaga oo gobolladaasi ay dib uga dhaceen dalka intiisa kale sanadihii tirada badnaa ee ay shuftada maamul-goboleedka Puntland ay qaska iyo faragalinta ku hayeen nabadgelyda deegaanadaas, waxaanan rajaynayaa in muwaadiniinta goboladaasi ay ilaashan doonaan nabadgelyada iyo kala-danbeynta ka hirgashay dhulkooda tan iyo intii ciidamada qaranka Somaliland ay ku guulaysteen inay gacanta ku qabtaan oo ay sugaan xuduudaha bari ee dalka sannadihii la soo dhaafay, waxaanan ugu baaqayaa dadweynaha goboladaasi inay ka hortagaan cid kasta oo isku dayda inay nabadgelyadooda iyo degenaanshahooda wax u dhinto, waxana ku waajib ah reer Sool iyo Sanaag/bari inay ka hortagaan falalka shaydaanimo ee uu Cabdillaahi Yuusuf durba ka bilaabayo Garoowe si uu u carqaladeeyo ammaanka iyo horumarka deegaamada bari ee Somaliland, sidaa darteed waxa lagama maarmaan ah in xukuumadda Somaliland ay si adag uga jawaabto haddii maamulka budhcada ah ee Puntland ay isku dayaan inay carqaladeeyaan ammaanka, horumarinta iyo qaranimada Somaliland.
 

 

 


Kaysar Cabdillaahi

Tafaftirka Somali Voice
kaysar@europe.com
Bristol.UK