Go'aamadii
gudiga dhex dhexaadinta Kulmiye
Hadaba nuxurka qoraalka oo lagu
soo bandhigay xaflad lagu qabtay caawa hotel ambasador ee magaalada
hargeysa ayna goobjoog ka ahaayeen dhinacyada uu heshiisku khuseeyey
ayaa u dhignaa sidan: Guddigu isagoo muddo rog-rogayay,
dhegeystayna dhinacyada khilaafku u dhexeeyey doodahooda oo murtida
gundhigeedu ahaa dhinac leh: Dhinaca kale oo ku doodayay:Shirkaasi wuxuu ku dhamaaday si sharciga Xisbiga waafaqsan, musharaxiintana lagu doortay, sidaa darteedna lagu celin maayo, wixii kale ee tabasho ah wax ka qabashadeeda iyo xalinteedana diyaar baanu u nahay. Guddigu markuu baadhis dheer ku
sameeyay sidii wax u dhaceen maalintii u danbaysay wuxuu ogaaday in
shirka oo furmi lahaa 23/08/2008 maalin dib loo dhigay laba xubnood
oo ka maqnaa hogaanka Xisbiga isla markaana uu furmay 24/08/2008.
sidoo kale maalintii u danbaysay shirka ay ka maqnaadeen laba
musharax oo u sharaxnaa jagada Madaxweyne-ku-xigeenka iyo
taageerayaashooda oo ka cabanayay waxyaabo ay tabanayeen, hase
yeeshee aan loo joojin shirka. GUDDIGU:
Isaga oo ka duulaya Maslaxadda Xisbiga, tixgelinayana wadajirka iyo
midnimada Xisbiga waxa uu soo saaray Go'aamadan:
A) - In mustaqbalka marka Xisbigu talada ku guulaysto uu wax ka bedelo qaab dhismeedka dawladeed ee hadda dastuurku tilmaamayo, isla markaana la abuuro jagada Ra'iisal wasaare awood leh, si talada dalka looga wada muuqdo. Taasoo wax weyn ka taraysa wada jirka iyo midnimada dad ahaaneed iyo dhul ahaaneed ee dalka. Diyaarinta qaabka uu u isbedelku yeelanayo iyo fulinta xilkaas waxa u xil saaran gudoomiyaha Xisbiga iyo shirgudoonka golaha dhexe, waxaana la galinayaa barnaamijka Xisbiga. B)
- In labada murashax ee aan nasiibka u yeelan in loo doorto
jagada M/weyne-ku-xigeenka oo ah Odayaal aad ugu culus xisbiga
Maqaam sare laga siiyo hogaanka iyo talada Xisbiga.Guddigu: Isaga oo
Ixtiraamaya dhinacyada magacaabay, wuxuu ku talinayaa inay raacaan
go'aankan ay danta u arkeen kuna salaysan maslaxada caamka ah ee
Xisbiga. 1. Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)
-Gudoomiye
|