Geesiga dalkiisa difaacay waxan leeyahay hambalyo
 

Waxa maalintii axadda ee 28-ka Juun ka baxay idaacadda VOA-da dood ku saabsanayd rajada midnimo dambe ee Soomaaliya iyo Soomaaliland. Doodaas oo uu daadihinayey weriye Xaraare,waxa Soomaaliland doodda u metelayey Dr.Maxamed Cabdilaahi Cumar,halka Soomaaliya uu  metel aey shaqsi khasbayey Soomaalinimada oo asal ahaan ka soo jeeda  Soom aaliland waa sida uu haalka u dhigaye ,balse ka falaagoobay dalkiisii.In kasta oo ay ahayd doodda in lagu soo casuumo muwaadin u dhashay Soomaliya.

Anigoo ku hadlaya magacayga ,kan dhamaan shacabka reer  Soomaalilan d ee jecel nabadda iyo horumarka dalkooda waxaan halkan uga hambaly eynaya muwaadinka reer Soomaliland ee Dr.Maxamed Cabdilaahi  Cu mar, sida geesinimada leh,ixtiraamka  leh,ilbaxnimada, kalsoonida, diblomaasiy addu ku dheehan tahay, kala qaadqaad iyo kala sooc-sooc la,aanta,  uu su,aalihii doodda uga wada jawaabay.


Halka shaqsiga kale ee falaagoobay uu door biday:


1- CAY sida Soomalidiidka(Soomaali ka diidani waa ka ilaa 1991  nabad gelyada iyo deganaanshaha iyo kala dambeynta kasoo  horjeeda,  sooma al inimadu waa waxaan lagu kala tegeyn, annaga iyo walaalahayaga Koonfur,oo af,diin iyo dhaqan baa naga dhexeeya,Carabtuba waa isku carab balse siyaasad ahaan xuduuday kala leedahay),

2-HABAAR sida dagaalaa burco ka dhacay dhowaan iyo nabadi kama jirto meesha.(Shaqsiga falaagoobayoow waxaad tahay qof kooma galay horantii sagaashanaadkii oo iminkuun soo hambabaray oo weli moodaya in dagaalo sokeeye Soomaaliland ka socdaan,Wake-up man it's 2009,dayaxa lagu sii dhowyahay maandhe, ee iskaga soo xerood waddanka yar ee afrikaanka ah ee $100-ka doollar reerkaaga caydha qaataa dibadda kaaga soo diraan, aad fadhi kudirirka makhaayadaha kaga shaaheyso.Ka feker mustaqbalka caruurtaada oo cafis baa laguu fidinayayeeye kaalay magaaladaadii Laascaanood oo fikradaad qabto intaad cuqdadda ku gogooysey iska saarto magaaladaada dhexdeeda ka sheeg.


3-BEENTA sida Laascaanood waa lagu soo duulay,oo cadow baa haysta ,(Shaqsiga falaagoobayoow waxaan kuu sheegayaa Laascaanood cidina ma qabsan,cidina kuma soo duulin,balse shacabkii u dhashay ayaa ka gilgishay oo ka saaray magaaladooda kuwii kaga soo duulay Garoowe ee doolaalka ku yimid,sida gafanahana ugu naaxay dhiigii shacabka).Siyaasadda Soomaaliland waxay ku salaysan tahay in degmo waliba iyo gobol waliba is xukumo oo dad degaanka u dhashay oo ay soo doorteen maamulaan.


Shaqsiga falaagoobayoow ogow Soomaaliya teedii baa maanta  cusleys ay oo shaqsi adoo kale ah oo calaacalaya dheg uma dhigayaan umana baahna, ee dhiig karku yuu ku diline cuqdada iyo nacaybka aad xataa idaacad malayiin qof dhegeysanayan aad is hayn kari weydey,oo xataa su,aalihii lagu weydiinayey aad iska dhego tiraysay,oo waraaboow bood oo xaga hilbaha u bood xalkaagu ahaa, waxaan u malaynayaa asaasaq baad tahay waayo? haddaad tahay qof caqligiisu u dhan yahay(Mentaly fit),umaad nacnacleyseen sidaad u nacnacleysey.

Waxaan uga tacsiyadeynayaa shacabka reer Soomaaliland ee uu  magac ooda sheegtay,inaanay geyin hadalada kasoo burqanayey Mr.Cunsuri uqdadloow.waxaanan leeyahay magaciinii waa loo gefey ee raali ahaada.

Idaacadaha qowmiyadda Soomaalidana waxaan u soo jeedinayaa inay m udnaanta siiyaan oo waraysiyada iwm la xiriiraan iyadoon loo eegin gobol iyo qaybtuu ka yimid toona shaqsiyaad sharaf ku dhex leh bulshadooda ama degaankooda.

Mar labaad waxaan xusayaa qaabkii uu walaalkeen  Dr.Maxamed  Cabdila ahi Cumar uu sida sharafta leh uga jawaabay su,aalihii  khuseynayey, ru ntiina ay dhamaan shacabyada Soomaaliland iyo Soomaaliyaba u wada q ushuuceen qaab-jawaabeedkiisa. Waxaan ku leeyahay Dr Maxamed  mee shaad adduunka ka joogtaba waxaad shalay gudatay waajib ku saarnaa ee dadaalka halkaa ka sii wad.

Wiil magaciisa la yiraahdo Jimcaale Calasow oo reer Muqdisho ah oo aan meel ku wada dhegeysanay doodda ayaa yidhi jawaabaha Dr.Maxamed Cabdilaahi Cumar waxay ka turjumayaan qaab-feerka (Mentality) shacabka reer Soomaaliland siduu isu bedelay ama noo dhaafay intaanu dagaalada ahliga ah ku jirney,isagoo intaa raaciyey 'hal mar kelmad xun oo dhegaha dadku diidayan muu oran,xataa isagoo qoslaya ayuu jawaabayey', halka kan kae hadaladiisa laga dheehanayey nacayb uu cid gaar ah u hayo,xaasidnimo cad iyo been abuur aad xaqiiqada uga fog.

Qormadaydan waxaan kusoo gunaanadayaa isku maqaneey  Soomaalil andey ma ogtihiin in laydinku soo maqan yahay ????

Brothes and sisters let's stick together for the sake of our countary, in order to defeat our enemies. We will not get the job done unless we stop arguing each other and unless we see what's hiding behind the walls.

 

At your service
Peace and love for our nation
Saed Salah