MUSTASHAR AXMED CARWO" GEERI INA WADA TAABA TAY IYO MURUGO GURI WALBA
GILGISHAY"

INNAA LILLAA WA INNAA ILLEYHI RAAJACUUN
Ugu horeyn aan la wadaago naxdinta iyo qoomamada waalidka ku wiil
iyo gabadh waaye y badda cad, aan la ilmeeyo walaalaha is waayey, aan
la murugoodo qaranka waaxda weyn go'day. Aan xusuus tiiraanyo leh la
qaybsado ubad iyo ooriyo asaagood waayey, aan la xanuunsado asxaab
waqtigu kala kaxeeyey.
Waa maalin murugo, waa dharaar uurku taalo, waa habeen gudcur ah oo
dabeyl iyo duu faan geeri daafaha Soomaliland dhammeysay. Waa
adduunyo oo xaalkeedu waa naxdin joogto ah oo kolba reer dul taagan.
Waxa la yidhi balaayo intay kaa maqantay cid kale ayey ku maqantay.
Murugo dabadeed aan u soo dego xaqiiqda, oo aan tacsi qalbiga ah u
diro qoysaska, eh elka, qaraabada, iyo asxaabta ay ubadkoodii ay
dhigoodu ku hoobteen doonida geerida ee ku degtay badda. Waxaan
marxuumiinta Alle uga baryayaa inuu u naxariisto, qabriga u nuuro,
ugana dhigo beer ka mid ah jannooyinkiisa,
Inta ay ka baxayna waxaan Alle uga baryayaa inuu waafajiyo samir iyo
duco. Waa geeri ina wada taabatay iyo murugo guri wal oo
Soomaliyeedba gilgishay.
Dhalinyaradu waa mustaqbalka ummad kasta, waa iyaga kuwa horumarka
lagu gaadha a, waa iyaga kuwa daafaca nabadda iyo jiritaanka qaranka,
waa iyaga kuwa waalidkood ku nastaan, waa iyaga kuwa cadowgu ka
naxaa, waa cududa ina ilaalisa iyo muruqa inoo shaqeeya. Qorshaha
horumarinta iyaga ayaa mudnaanta leh.
Waa qadar Alle oo tiiraanyo waa inoo joogto. Waxa kale duwan sababta
geerida ma se aha mid leys hortaagi karo. Haddana aadmigu ma daayo
ciil kaanbi iyo gocosho aan wax tarin.
Alle waxuu inoo sheegay in wax waliba sabab leeyihiin. Kolka
sababaha qaar uu inagu ilhaamiyo ayey dhibteedtuna joogsataa. Waa se
inaynu inaguna la nimaadnaa fikirkeed iyo qorshaheed Allena talo
saaranaa.
Kow waxa ka ah in sharci adag laga yeesho tahriibayaasha, oo la
adkeeyo xuduudaha iyo dhoofka. Ciqaab adag waa in la mariyaa kuwa ka
ganacsada tahriibta sifo kasta ha ahaatee, ilaa kuwa u hawl yareeya
iyo kuwa qariya.
Waxa xigta wacyogelin cilmiyeysan oo iskuulada duruus joogto ah
looga dhigo. Waxa xigta waalidka oo sidoo kale loo abaabulo iyo
khaasatan qurbo jooga faanka beenta ah iyo dhoolo tuska madhan
dhalinta uga sheekeeya.
Tan seddexaad waa manhajka waxbarashada oo lagu daro duruus
taariikhda iyo qarannimada ah, dal jecleysi lagu abuuro ardayda, iyo
manhajka jaamacadaha oo loo qorsheeyo shaqooyinka banaan, ha u
bataan kuwa farsamooyinka gacanta heer dugsi sare iyo jaamacadba.
Waa inay wada socdaan suuqa shaqada iyo tacliintu.
Waa ina dib loo eegaa nidaamka shaqo gelinta qaranka iyo tan
sharkadaha waaweyn, oo loo dhigaa nidaam cadaalad ah oo dhalintu
aamin karto, kana dhex arki karto mustaqbalkooda.
Arrintani waa mid dhinac siyaasi leh oo u baahan inaan xisbinimo
mucaarid amba muxaa fid ka faa'iideysan ee loo arko waajib qaran.
Waa in hayadaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahba lagu anraa
inayna debedda ka keenin shaqaale iyaga oo ka heli kara gudaha
dalka.
Waa in la hirgeliyaa nudaamka maal gashiga oo lagu abuuro sharkado,
iyo warshado sh aqo abuur ah, iyada oo dawladdu dheerigelineyso
ganacsatada shaqada abuurta oo la siiyo cashuur dhaaf amba taakulin
maal gashi oo kale.
Waa aragti shimbireed aan degdeg u soo tuuray mawduucani waa mid
baaxad weyn oo loo baahan yahay inaynu dhab u asiibno.
Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha,
Ganacsiga iyo Maalgashiga.
http://samotalis.blogspot.com/
|