GARABYADA KULMIYE OO
MARKII SADEXAAD XALAY KULAN FOOL KAFOOL AH KU
KALA KACAY AMBASSADOR

Habeenkii xalay waxa huteel Ambasadoor soo buuxiyey ergooyin ka kala
socdaylabadda garab ee xisbiga kulmiye kala hogaaminaya oo ay
horkacayaan Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Mujaahid Cabdiraxman
Aw Cali.
Kulankan ayaa waxa uu ku bilawday jawi fiican iyo salaan dhex martey
labada dhinac lakiin jawigaasi mudo yar ayuu hawada ka baxay ka dib
markii sheekadu furantey ee la isku afgaran waayey qodobo dhawra oo
ay ka mid yihiin:
1- In dib shirweyne xisbi qaran loo qaban qaabiyo lagana tanaasulo
sheegasho jagooyinka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka xisbiga
kulmiye.
Arintan ayaa waxay ka cadhaysiisey hogaamiyaha kulmiye garabka Axmed
Maxamed Siilaanyo oo sheegay in markii hore garabka Mujaahid
Cabdiraxman Aw cali ay ka hadlayeen oo kaliya jagada muranku ka
dhashay ee madaxweyne ku xigeen , lakiin ay sii fogaanayaan mar
haday ka hadlayaan jagada Madaxweynaha ee xisbiga kulmiye oo aan
horey muran uga dhalan.
Inkastoo saxaafada albaabada laga xidhay hadana waxa sayalc.com u
suurto gashay in warar xogogaal ah ay ka hesho ergooyinka ka socday
garabka mujahid Cabdiraxman Aw cali hogaaminayo oo shabakada u
cadeeyey inay is taageen mawqif adag si ay u badbaadiyaan xisbiga
kulmiye.
Dhinaca garabka Axmed Maxamed Siilaaniyo waxa noo suurgo gali weyday
inay warar intaa dhaafsan na siiyaan waxaanay noo sheegeen in kulan
danbe lagu balan san yahay is afgaran waaguna dhamaan doono.
Garabka kulmiye ee uu hogaaminayo Cabdiraxman Aw Cali ayaa sii
xoogaysana maalinba maalinta ka danbeysa dhawaana lagu wadaa inay
magaalada Berbera dhoola tus la mida kii ay Boorama dhawaan ka
sameeyeen ay ka samayn doonaan.
Isku soo wada duuboo hada waxa magaalada Hargeysa dadku hadal hayaa
badbaadinta xisbiga kulmiye haday suurto gali weydo side buu
xisbigani uga qayb gali doonaa doorashooyinka inagu soo fool leh
mase suurto gali kartaa in meel dhexe oo cid walba qancisa la iskugu
yimaado? wixii jiraaba horteenuu iman.
Source:SN
|