Ganacsiga iyo siyaasada: Guul darooyinka Qaranka Somaliland (Q.
2-aad)
Akhriste qaybtii hore ee mawduucan ganacsiga iyo siyaasada waxaan
kusoo tusaaleeyay xidhiidhka ka dhexeeya ganacsiga iyo siyaasada,
siiba intiisa wanaagsan, haddii ay tahay caalamka intiisa kale iyo
dalkeena Jamhuuriyada Somaliland-ba, taasoo beenisay fikirka ah
ganacsi iyo siyaasadi isma galaan. Qaybtan 2-aad ee mawduucan iyo
mawduucyo kaloo aa n soo wadaaba waxay qayb ka yihiin taxanaha aan
ugu yeedhay “Guul Darooyinka Qaranka Somaliland”, waxaanad ka
dheehan kartaa qaybtii hore iyo ciwaanka mawduucyada soo socdaba
link-kiga hoos ku qoran:
http://golisnews.com/ganacsiga-iyo-siyaasada-guul-darooyinka-qaranka-somaliland/
Haddii aan qaybtii horee qoraalkan kusoo guud maray wanaaga uu
leeyahay xidhiidhka ga nacsatada iyo siyaasiyiintu, qaybtan waxaan
ku eegi doonaa ceebta xidhiidhkaasi yeelan karo amma uu u
leeyahay-ba qarankeena Somaliland. Sideedaba xidhiidhka ka dhaxeeya
ganacsatada iyo siyaasiyiintu wanaag (positive) iyo xumaan-ba
(negative) wuu yeelan ka raa amma leeyahay-ba ee laakiin marnaba
adduunka kama dhacdo in xidhiidhkaasi fudaydi yo amma ogo-laanshe
siiyo dhaqan qaran-nimada dalka lidi ku ah.
Marka laga yimaado xumaan-ta amma dib u dhaca uu xidhiidhkaasi (ka u
dhaxeeya ganacs atada iyo siyaasiyiinta Somaliland) saamaxay ee ay
ka midka yihiin cashuur la’aanta talafo onada, isku xidhka
shirkadaha talafoonada ee dalka ka jira, cashuur la’aanta lacagaha
xaw aaladaha, ayaa hadana waxa jirta guul darada ugu wayne ah in
xidhiidhkaasi saamaxo in qaranimada Somaliland loo ilduufo danta
shaqsiga amma shaqsiyaadka bayacmushtarka ah ee reer Somaliland.
Waxa xaqiiq laga doodi karin ah in dhammaan shirkadaha dayuuradaha (marka
laga reebo Ehtiopian Airline) iyo dhammaan shirkadaha xawaaladaha (marka
laga reebo World Remit) ay dalka Somaliland jiritaankiisa
aqoonsanayn. System-yada ay shirkadahaasi ku shaqayst aan ayaa haba
yaraate aan si ulla kas ah loogu darin magaca Somaliland sidaa
daraadeed waxay magaaloyinka ay Somaliland ka koobantahay
shirkadahaas uga mid yihiin Somalia.
Shirkii magaalada Brussels ka dhacay bishii May 25-keedi ayaa waxa
qaybtiisii hore lagaga hadlayay dhaqaalaha geeska Africa oo waxa
martidii ka mid ahaa mudane Cabdirashid Max amed oo ah madaxa
xawaalada Dahabshiil. Sida ajendaha shirku dhigayay amma naloogu
sheegay Cabdirashiid waxay ahayd innuu ka hadlo mawduuc ah fursadaha
ganacsi ee Geeska Africa ee laakiin wuxu lasoo kala baxay bandhig
(power point presentation) uu ciwaan uga dhigay Somalia iyo
fursadaheeda, isla markaasna uu ku jiro map-kii dalkii la odhan
jiray Jamhuuriyada Soomaaliyeed (Somali Republic). Markuu mudane
Cabdirashiid dhameeyay hadalkiisii ayaan su’aal waydiiyay oo aan ku
idhi haddii aad dawlad dhiiran (mid ay ka dhab tahay qaranimada
Somaliland) oo idinku khasabta waydeen muxuu damiirkiinu idiin siin
waayay inaad ixtiraamtiin qaranimada Somaliland (madaama uu
Somalilander yahay). Cabdirashiid wuxu si kalsooni ku dheehantahay
iigu jawaabay:”anagu aqoonsi ma bixino ee barlamaanada sida kan aynu
joognoo kale ah ayaa bixiya ee kuwaa ka raadi aqoonsiga”. Jawaabtaas
Cabdirashiid kamay keenin aqoon darro ayeey ila tahay ee waa yasid
uu yasayo caqliga iyo fahamka (insult to the intelligence of the
Somalilanders) reer Somaliland ayaan isleeyahay.
Isla shirkaas waxa fadhiyay oo martida shirka ka mid ahaa
Gudoomiyaha Barlamanka JSL, mudane Cabdiraxman Cabdillahi Cirro,
xildhibaan Cabdilqaadir Jirde iyo marwo Adna Aden ismail. Qaybtii
horee shirku markuu dhammaaday ayaan waxaan 2-da xildhibaan,
Cabdiraxman Cirro iyo Cabdilqaadir Jirdeh, sheeko kala yeeshay bal
sababta keentay iyagoo ilaaliyayaashi Dastuurka Somaliland ah inay
ogolaadaan in qaranimada Somaliland lagu dafiro JSL gudaheeda oo ay
markaas dalka u ogolaadaan shirkadaha magaca Somalia dalka kaga
shaqaysanaya. Mudane Cabdilqaadir Jirde ayaa iigu jawaabay: “Adeer
waxaad sheegaysid waa runtaa ee laakiin dhaqankan waxa kalifaya
duruufo oo anigaba duruuf ayaa igu kaliftay inaan Passport ajanabi
ah qaato”. Waa nasiib darro wayn in kuwii ay ahayd inay ilaaliyaan
qaranimada Somaliland sidaa u hadlaan, waana ta maanta qaranimadan
jilbaha u dhigtay ee ay 21 sanadood ka dib walli u istaagi la’dahay.
Ta la yaabka lahi waxay tahay fikirka odhanaya haddii ay shirkadaha
ganacsigu Somaliland xaqeeda siiyaan waxay ku keenaysa inay waayaan
ganacsigooda ku xidhan Somalia. Fikirkani waa mid jahli ku
dhehanyahay khatar-na ku ah jiritaanka Somaliland madaama uu meel
marinayo sareen (superiority) ay reer Somalia ka sareeyaan reer
Somaliland mar haddii dareenkooda la tixgalinayo ka reer Somaliland-na
lagu tumanayo. Ganacsigu xad malaha, waana innuu u hogaansamo kolba
dalka ay dantiisu ka gasho markaas haddii ay reer Somalia ay
xaqdhawri waayaan xadla’aanta ganacsiga waa in iyagana laga mamnuuco
inay ka gancsadaan dalka JSL. Runtii fikirkan khaldan imikaba waa la
arkaa raadkiisa ee haddii laga hortagi waayo oo dawladu ku khasbi
waydo ganacsatadu inay dastuurka dalka u hogaansamaan, waa mid
raadkiisu khatar galin karo dalka iyo dadka JSL.
La soco mawduucyada kalee taxanaha Guul Darooyinka Qaranka
Somaliland.
Wa bilaahi tawfiiq,
Iid Xasan Aw Muuse,
Somaliland Activist
London
iidsl@hotmail.com
|