Ganacsato Maraykan ah oo Madaxweynaha Somaliland xalay casho-sharaf
u sameeyay
Washington-DC (TNN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftigii uu hogaaminaayey oo
weli ku guda jira socdaalka ay ku joogeen dalka Maraykanka ayaa
xalay waxa casho Sharaf ku qaabiley Ganacsato waa weyn oo danaynaaya
in ay Somaliland maalgashi ku sameeyaan.
kulankaasi oo ay hogaaminayeen gudiga ganacsiga heshiiyada caalamiga
ah ee ( Business Council For International Understanding ) loona soo
gaabiyo (BCIU), oo casho sharaftaasi madaxweynaha iyo weftigiisa ugu
sameyey Hotelka weyn ee Willard Hotel oo madaxweynaha u soo
bandhigay sida ay u danaynayaan in ay Somaliland ku yeeshaan gacan
weyn oo wax ku ool ah lana xidhiidha maalgashi ay ku sameeyaan
khayraadka dihin ee Somaliland hodanka ku tahay, ayaa madaxweynaha
ku soo dhaweeyey Willard Hotel .
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud
(Siilaanyo) waxa uu soo dhaweeyeen fikirka ay soo bandhigeen ee ah
in ay Somaliland la sameeyaan xidhiidh ganacsi iyo mid maalgashiba.
Madaxwynuhuna waxa uu uga mahadnaqay sida ay kulankan balaadhan ugu
sameeyeen ee ay u danaynayaan in ay iskaashi ganacsi iyo mid
maalgashiba ay la yeeshaan Somaliland, taasi oo madaxweynuhuna uu u
sheegay in ay Somaliland tahay dal nabad iyo dimu-quraadiyad taami
ka jirto una baahan in la maalgashado oo dadka Somaliland iyo
caalamkuba ay ka faa’iidaystaan khayraadka Alle ku manaystay
Somaliland.
Cumar Maxamed Faarax
|