Ganacsatada Xoolaha iyo Dadweynaha Tog-Wajaale oo Wasii rka Xanaanada Xoolaha Ku Amaaney Dhismaha Xarumaha Xanaanada Xoolaha ee uu Ka Wado Tog-Wajaale

 

 



Tog-Wajaale(TNN)-Ganacsatada Lo'da damaanta ka ah ka dhoofiya Seylada Weyn ee Magaalada Tog-Wajaale iyo qeybo ka mid ah dadweynaha ku nool Tog-Wajaale ayaa uga mahad celiayay Wa siirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir, iyagoo Ku Tilmaamay in uu yahey Wasiirkii u horeeyay ee Wassaaradaa qabsada oo ka hir galinaya Tog-Wajaale dhismaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

Qeybo badan oo kamid Ganacsatada Seylada Tog-Wajaale ka dhoofiya Lo,ada damaanta ah iyo Daweynaha ku nool Magaalada Tog-Wajaale oo lasoo Xidhiidhay Shabakada Wararka Timacade News ayaa Sheegay in ay Soo Dhaweynayaan Talaabooyinka Waxqabad ee Wasiirka Xanaanada Xooluhu ka Qabtey Magaala Xuduudeeda Tog-Wajaale iyagoo Dhinaca kalena ka codsadey in ay ka rajeynayaan in uu usoo dhameys tiro inta ka dhiman oo ay ka mid yihin talaagadaha oo la kordhiyo iyo Gaadiidka Wasaarada oo ay Tog-Wajaale lagama maarmaan u ah, Waxaanay Xuseen in ay uga mahad celinayaan Dhismaha Xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha Tog-Wajaale ee uu hada ka wado Wasiirku Tog-Wajaale

"Anagoo kamid ah Ganacsatada Lo,da damaanta ah ee Deegaanka ku ah Degmada Tog-Wajaale waxaanu halkan bogaadin iyo Mahad celin uga jeedineynaa Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir oo ah Wasiirkii u horeeyay ee Tog-Wajaale ka hirgalinaya Dhismaha Xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha oo laga bineeyay dhismaheeduna hada dhameys yahey , oo la dhigaypo Marmarkii Sibidhka Xafiisyada ka sareeyay aad iyo aad ayaan uga mahad celinaynaa Dhismahaasi, anagoo ka rajeyneyna kana Codsaneyna in uu Dhameys tiro inta ka hadhsan oo ah Kordhinta Talaagadaha Daawada Xoolaha iyo Gaadiidka Wasaarada oo aanay Tog-Wajaale ka maarmin Howl-wadeenada Wasaarada ee Tog-Wajaalena aad ugu mahad celineyna"Sidaa waxa yidhi Axmed Mawliid Muumin oo kamid ah Ganacsatada Lo,da ka dhoofiya Magaalada Tog-Wajaale.

Waxa kale oo iyaguna taa ku taageeray Qeybo badan oo kamid ah dadweynaha Tog-Wajaale oo Sheegay in Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xooluhu yahey Wasiirka kaliya ee intii Somaliland jirtey dhisme Xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha ah oo dhameys tiran maca Deyrkii ka hirgaliya Degmadan Tog-Wajaale oo xudun u ah Xoolaha Nool oo kumanaan in ka badani had iyo jeer marin u tahey Magaala Marsada Berbera Xoolaha ka dhoofa oo Tog-Wajaale iibkoodu ku go, o waxey ku tilmaameen Wasiirka masuul dareemay Degmadani inta ka dhimana u dhameyn doona.
Dhismaha Xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha Tog-Wajaale ayaa dhawaan la dhameys tirayaa kadib markii dhawaana la xeyndaabey nawaaxiga uu marayo Deyrka Xarunta oo ah dhul muhiim ah oo wax ka tari doona Howlaha Xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha Tog-Wajaale.




Timacade News Desk
Tog-wajaale,Somaliland