Ganacsatada Bacadlayaasha Gabiley oo Ka Caban a ya in Wasiirka Arimaha Guduhu Ka Qaadayo Dhulka Ay Dagan yihiin.

 

Gabiley (Timacade News):- Gudida ganacsatada suuqa bacadlayaasha magaalada gabiley ayaa maanta shir-jaraa,id oo ay ku qabteen isla goobtaasi ku eedeeyay wasiirka arimaha guduhu inuu wado mashruuc lagaga rarayo goobta ay dagan  yi hiin.

Mashruucan lagu rarayo bacadlayaasha ayaa soo baxay kadib markii shaqsi reer gabiley ahi ku qabsaday lahaanshaha dhulka oo uu ku doodayay in dhulkani ahaan jiray beertii aabihii.


Shirka jaraa,id ee ay qabteen gudida suuqa bacadlayaasha gabiley ayaa waxay  s heegeen in ay goobta ku dagan yihiin inka badan shanboqol oo ganacsade, suuqu na uu yahay suuq balaadhan oo aan la rari Karin.

“goobtani waxaa la nasoo dajiyay sanadkii 1996kii, taasi oo ay sadex maayar oo Gabiley kusoo kala horeeyay ku cadeeyeen in dhulkani yahay dhul danguud ah oo aanay sheegan Karin cid gaar ahi, ninka maanta ku doodayaana uu joogay  maalin taasi dhulka lana dajinayay meelna uu ka qabsaday markaasi waxanu wasiirka  le enahaye waxa loogu doortaye inaad mudada aad xilka wasiirnimada hayso dadka ugu shaqayso si daacadnimo leh oo aad ugu dhaaratay laakiin laguuma saarin  x ilka inaad ku shaqaysatid oo aad dhulka danta guud ah u siiso shaqsiyaad lacag sita oo aan doonayn horumarka wadanka iyo jiritaankiisaba.


Sacaadatu wasiir waxaan kaa codsanaynaa intaanad qaadan go,aanka lagu  rar ayo shanta boqol ee ganacsi inaad goobta timaado oo aan xaqiiqada meesha  ta ala ogaatid, waxaananu kugula talinaynaa inaad ka fiirsatid waraaqaha aad  sax eexayso adigoo xaqiiqo badani kaa maqan tahay. Wasiir hadaanay adiga dani  ku ugu jirin baabiinta suuqaasi waxaanu ku leenahay inka badan kun qoys ayaa  laga soo saaraa nolol maalmeedkooda ee hadii adiga ay taadu kuu bisishahay  maalin walba ha moodin Axad.


Waxaan ka codsanaynaa dhamaan cidda ay khusayso arrintani in wax laga qabto oo hadii wasiirkii ay khusaysay uu waxba ka qaban kari waayay oo uu dhinac  raa cay in cidda kasii saraysa ee arrintani ay khusaysaa wax ka qabataa.



Waxaan halkan idiinku sheegayaa (saxaafada) in labbo cisho ay meheradaha  suu qani u xidhnaayeen sabobo amni darro awgeed taasi oo uu masuul ka yahay  was iirka arimaha guduhu kadib markii uu shaqsi usoo sexeexay in dhulkaasi looga  rar ro suuqaa dhan ee labaatanka sanno jiray ee badhtamaha magaalada ku yaala.

Waxaa kale oo aan halkan idiinku cadaynaynaa in labaatankaa sanadood  cashu urta lanaga qaadayay. Waxaananu haynaa waraaqihii sadexda maayir ee uu ka mid yahay maayarka Gabiley maanta xilka haya ay ku cadeeyeen in dhulkani  yah ay dhul danguud ah.

Waxaan marlabaad iyo marsedexaadba wasiirka arimaha gudaha C/laahi Cirro, in uu arinta bacadlayaasha inbadan ka fiirsado isla markaana goobta yimaado oo  d adka dagan oo ay baabiinta goobtaasi taabanayso.” Hadaladaasi waxay ka mid ahaayeen ereyadii gudida bacadlayaasha ugu nuxurka badnaa ee shirkaasi  jara a,id xambaarsanaa

Muranka dhulka ay dagan yihiin bacadlayaashu ayaa noqday mid joogto ah  sana dkii ugu danbeeyay iyadoo la adkeeyay amniga bacadlayaasha. Waxaana  habee nkii ilaaliya ciidamo shiciba oo ay bacadlayaashu siiyaan mushaharkoodu.



Gudiga bacadlayaasha ee shirka jaraa,id qabtay waxaa ka mid ah:-


Cali Jaamac Rooble (Gudoomiye)
Faysal Xuseen Yay (xubin)
Ibraahin Cabdilaahi Xagaa (xubin)
Xaliimo Xirsi Cabdi
Shucayb Maxamed Muuse (xubini)

 



Timcade News Desk
Gabiley Somaliland