Gaboobe oo soo calyo ceshadey dacaayad gabawdey oo baraka beeshay
Yuusuf Cabdi Gaboobe
“Waryaa ina dan sheegow, shalay kii Xamar tegey, ka maanta tagey iyo
ka tagi doona ee aad Boobe ku tilmaanta,
sedexdaa midkaa daran, eed
daafacaysaa?”
Daacaayadaha rakhiiska haddii aad isbarbar dhigto laftoodu kala door
roon oo mid waliba, wa xay leedahay xilligeegda iyo waafigeeda.
Haddii aad mid baali ah soo calyo ceshato waa lagula yaabi,
diirimaadna ma yeelaynayso. Bal kuwan u fiirso uu maanta soo calyo
ceshadey Wargey ska weyn ee HAATUF iyo
inna Gaboobe.
Sagaashanaadkii xilligii Cabdiraxman Maxamud Cali hogaamiyaha ka
ahaa Somaliland, dacaady adaha rakhiiska, waxaa lagu soo koobay “Waa
laga danbeeyaa” iyo “Somali weyn buu doonay aa”. Daacaayad darajo
Sare ah, waayo xilligaa meel mar bay ahay., Ilaa ay hooyo Somaliland
ahi ka jawaabtey oo tidhi: “Maxaa ka danbeeya, dee hadhkiisa oo
keliya ayaa ka danbeeya ”.
Xilligii Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal-na dacaayadaha rakhiiska waxaa
lagu soo koobay in M/w eynaha iyo wixii la shaqeeyaaba ay doonayaan
darajo sare oo hanweyniyi ku jirto. Waxaa la odhan jirey
wuxuu
doonayaa in uu noqdo M/weynaha Somali weyn oo dhan. Iyada oo aan wa x
daliila iyo dila midna loo hayn. Taana wadkaan cidna deyneynbaa ka
ajiibey, oo waa tii mawd ka adeegey.
Dawladdii Riyaalana iyo xusbiyadii qaranka ee xilligaa jirey.
dacaayadaha rakhiiska ah waxaa ka mid ahaa Riyaale wuu hagranayaa
dalkan in la ictiraafo. Bahalku daaqada ayuu iska saran yahay, wax
soo dhufta ayuun buu u baahan yahay.
Taana waxaa biiyey kuwii sidaa ku doodi jirey markii xilkii loo
dhiibey, Riyaalana cod lagu diray ee bahalkii la lahaa daaqaduu
saaraan yahay, shaashaan ka dhacay, shalanboodna lala tagey, ee la
yidhi shib dheh shar iyo khayr.
Labada dacaadyadood ee hore waxay muujinayaan in qofka reer
waqooyiga ah ee xuduuda ka gudbaa xilliyadaa, qaali ka ahaa
koonfurta, Somaliland ka ahaa denbiile xadhig maleegaaya. Ta
sedexaad waxay ku soo ururtay in manta arrintu tahay biyo yaa shuban
oo taladii noqotay hebel safiir buu doonaya, xiitaa wasiir buu
doonayaa lama laha. Waa daacaayad gabawdey oo nin gaboobe soo calyo
ceshanayo.
Waxaa taa daliil u ah maqaalkii, isaga oo aan mudnayn, lagu daabacay
boga hore ee wargeys ka Haatuf ee nuxurkiisu ahaa in
Boobe uu doonayo
safiir oo ay M/weynaha Somaliya iyo wasi irkiisa arrimaha dibada ay
aqoon dheeraad ah Isku leeyihiin.
Taxanaha waxaba kama odhan, kumuu faaloon, mana faaqidin, Boobe iyo
damacyadiisa ayuu mala awaalayaa, waayo wax daliil ah muu sheegin,
marka laga reebo ila wareedyo dalqada wax ka arka oo M/weynha
Somaliya iyo wasiirkiisa arrimaha dibebada ka ag dhaw oo aanu
magacaabin. Wuxuu iloobey in dunidu manta isku wada dalooshanatay oo
cidna marti looga ahayn warka.
Waa dacaayad rakhiis oo muddoo dheer la soo adeegsanayey oo Baraka
beeshay. Waa baali. Markaa wargeyska maanta addeegsanaysaa eyni u
kordhay mooyee aqli umma siyaadin wax aan leeyah dacaayadaa rakhiiska
ah, aniga oo cuskanayaa murti sannadeedkii, iyo hadaladii
dhaxalgalka ahaa ee ka soo maaxdey masgaxda baaluqday ee Mudane
Axmed Maxamed Siila anyo, M/weynaha JSL : “uf , uf, uf , cankag,
cankag iyo cankaga, weedhadu waa cuuc iyo caac”.
Anigu Taxanaha Cabdiraxman Yusuf Ducaale ee uu ka diday Wargeyska
Haatuf, warbaahinta kalana ku indho kuulato, balaayo kuma arag,
kamana filayo
Ilaa hadda, Faa’iidooyinka taxanah Boobe waxaa ka mid ah, beelaha
qaarkood ayaa ka raysta y warbaahinta qaarkood oo si toos ah u maagi
jirey, aflagaadeen jirey, gaar ahaan beesha M/weynuhu ka soo jeedo
iyo wasiiradeeda. Warbaahintii aflagaadooyinkaa ku qadhaaban jir ey,
war beeleedyada daajin jirey, alleyleh Boobe wuu ka ciideeyey oo dib
looguma arag baala sha wargeesyada.
Waxaan hadalkii ku soo gunaanadayaa waaryaa inna dantii sheeg, dadku
maahaa kii shalay waxkastood dudubisaan duuduub ku liqi jirey.
Doorkan waxay hubsanayaan dirxi innuu ku ho os jiro dacayadaha
rakhiiska ah een looba awr dayin iyo ila wareeyada aan sal, raad iyo
maga ctoona lahayn, ee lagu andacoodo iyagaan ka soo xigtey..
Sir culus, qarsoodi iyo war dadaba sanduuq dunidu way ka gudubtey.
Waxaan dillo iyo daliil lo o hayn waqti laguma daayaco. Warku waa
Daahir yaa shamis, waana elektiroonik.
Waryaa inna dan sheegoo, dilaal iyo malaaloo maadigaa dib u celin
kara dadkan soo baraarug ey, murti dhaadhiyada,
qallimaanta
fiiqfiiqan.
|