GABILEY OO NOQOTAY HALKII UGU HOREYSAY EE MADAXWEYNE AXMED SIILAANYO
UMMADDA UGU QUDBADEEYO. Ahmed Arwo
Kulanka aan loo kala hadhin iyo fagaaraha weyne ee uu Madaxweyne
Axmed Siilaanyo kula hadal reer Gabiiley, waxay ka dhigtay
magaaladii ugu horeysay ee uu inta xilkan loo doortay uu fagaaare
kala hadlo. Waa astaan muujinaysa mudanteeda. Gabiley waa mudanta
Kulmiye, waa gobalka halgankii SNM ka hanoqaaday. Waa gobal ku caana
muruq maalnimo, xaq doon iyo milgo ay u hayaan madaxda qaranka. Goob
soo dhoweyn iyo gacmo furan la barbar taagan madaxdooda. Madaxweyne
Siilaanyo iyo Gabiley waa dad ay ka dhaxayso xishmad iyo maamuus,
qadarin iyo abaal-marin. Waxay tahay meel aan KULMIYENIMADEEDA caad
sarnayn, meel madaxweynaha la wadagta fikir siyaasadeed iyo mabda’..
Waxaana marag ka ah kalsoonidda iyo taageerada ka dhaxaysa
Madaxweynaha iyo gobalka.
Taas macnaheedu ma aha inay tahay goob guulwade sida raqiisnimada ah
ee qormooyinka qaar ku tilmaameen. Ka dheer oo ka qaayo weyn in taas
loo xanbaariyo. Waxay taqaan milgaha loo maro qadyadeeda,
tabashadeeda, tilmaanteeda iyo diidmadeedaba. Ka daaya ceebeenta
gobalka oo eega boqolaalka kun ee farxadda la wadaagay madaxweynha.
Inta garatay inkasta ooy wax tabanayaan, haddana in guusha sanadka
la hantay tahay mid qadarin mudan ooy farxadeeda ummadda la qabaan,
iyagana waa u gaar oo guusha si gaar ah ayey u tirsanayaan. Ma aha
Gobal sadbursi iyo awood boob looga bartay, ma aha gobal la duda naf
jacleysi iyo dan qofeed.
Dalku waa dimuquraadi. Rayiga oo afka leyskaga duuba ma jiro,
gacanta oo qalinka leyska qabtaa ma jirto, hididaad iyo
cago-juglayni ma jirto, ee sida inta yari xaq u leedahay ha loo
siiyo inta badana. Ishaadu ha qabato boqolaalka kun ee damaashadka
ku soo dhoweynaaya Madaxweynaha oo xaqooda sii, yeyna ku indhotirin
dacaayadda la subkay, dhugo shacbiga garabka isku haya, dhegeyso
reynka iyo ululugta dibnahooda ka soo baxaaya, maqal sacabka iyo
durbaanka isu jiibinaaya.
Gabiley waa Kulmiye, KULMIYANA WAA GABILEY..Madaxweyne Axmedna waa
aabaha Kulmiye, waana madaxa ay sida deeqsinimada ugu codeeyeen..Waa
Gabiley tii uu Mad. Axmed Siilaanyo uu hiilka ka heli jiray kol
kasta ooy marxaladdii mucaaridnimo cakirantaba. Inkasta oo dalkoo
dhan looga codeeyey si mug leh haddana hab-degaan siyaasadeedka
Somaliland (Geo-politics) waxa la ogyahay in Gobalka Gabiley iyo
Waqooyiga Hargeysa yihiin lafdhabarka xaqiijinta guusha Kulmiye,
maantana taageerda buuxda la barbar taagan Madaxweyne Siilaanyo. Ma
aha wax walba waa sax iyo hagaag. Dunidaba sidaas looma uumin.
Qaladbaa jira, cabashaa jirta, waxbaa la tabanayaa. Waxa se hubaal
ah in sanadkan wax badan la qabtay, xawaaraha waxqabadkuna yahay mid
dhowr jeer ku laban-laabmaaya kii xukuumaddii hore.
Xaasha, Madaxweynaha umeynu dooran dan gaara iyo xukun eexo. Waxa
Gabiley u dan ah ayaa gobalada kalana u dan ah, waa iyadoo dalkoo
dhan la horumariyo iyadoo la eegaayo meel kasta baahideeda,
qabnigeeda, iyo kheyraadka u gaarka ah. Waa ha la qabto kolba inta
ugu wacan ee la qaban karo iyo goobta laga qaban karo.
Beenta la buunbuuniyey ee la gobaleeyey ee la faafiyey, waxay
noqotay mid cimiri gaaban . Maanka fayoobina horeyba wuu u diiday,
kii kalena indhihiisa iyo dhegehiisaa manta qanciyey. Waxa ina hor
timid xaqiiqda dhabta ah iyo taageerda salka ballaadhan ee gobalkani
u hayo Madaxweynaha siday horeyba ugu xaqiijiyeen marar badan codka
ay siiyeen xisbiga Kulmiye.
Xukuumaddu shacbiga ayey shaqaale u tahay. Waana waajib la-xisaabtan,
tabasho, cabasho, tilmaam iyo dhaleecaynba. Sharcigaa ogol. Hab loo
maraa jira. Ma nihin dal car-juuq dhe iyo tacadi lagu hayo fikirka
xorta ah. Waxa se habboon in si asluub ah oo nidaamsan loo maro.
Sheeg fikirkaaga si xor ah oon cabsi lahyn, ka daa aflagaado iyo
cay. Waxii qaldan tilmaam, la kaalay barnaamaj mucaarid. Waayo
mucaarid laáani waa dimuquraadiyad laáan.
Waa inagoo dhammaan wadajir ahaan u ilaalin xaqqa fikirka xorta ah,
iskana jirna cayda iyo sharci-jebinta iyo wax kasta oo nabadda iyo
nidaamka inaga qasaaya. Mana nihin dalalka keli-talisku ku habsaday
een haysan sifo sharci oo ay mucaarid ku noqdaan amba fikir ka duwan
kan xukunka haya la yimaadaan.
Waa Saoomaliland oo wada jirta, dalkoo dhammaan la horumariyo,
cadaalad iyo sinaan lagu maamulo, iyo rumeynta maamul daah-furan oo
ilaaliya sharciga, sharciguna qabto.
Nabad iyo Mahad Alle,
Ahmed Hassan Arwo
Samotalis@gmail.com
http://www.facebook.com/pages/Ahmed-Hassan-Arwo/150753478331907
http://samotalis.blogspot.com/
http://www.facebook.com/groups/SAMOTALIS/?ap=1
|