Gabiley iyo Gu'yaal Tegey

Qaybtii Afraad:

Akhristayaasha qiimaha lehoo, intiinii la socotey qormadan la magacbaxday, " Gabiley iyo Gu'yaal Tegey"; Waxaynu ku soo qaadanay qaybteedii saddexaad dhawr arrimood oo ay ka mid ahaayeen:

Habkii uu dhismaha iskuulka Timacadde ku bilaabmay
Ololihii magacbixinta ahaa ee dhismaha garabsocdey iyo
Baqihii laga qabey magaca Xalane iyo waliba halka ay xidhiidhka ka yeesheen Xalane iyo Gabiley!

Haddaba, waxaynu haddii Eebbe idmo ku soo qaadan doonaa qaybtan afraad; su'aal aynnu ku soo qaadanay qaybtii saddexaad ee qormada oo aan ballanqaaday, in aynnu jawaabteeda ku bixin doonno qaybtan afraad.

Su'aashaasi waxay ahayd, ayaa ololahan magacbixinta waday? Habkee iyo hannaankeese loo waday?
Haddii aad u fiirsato qaybta hore ee su'aasha, waxad mooddaa; in aynnu hore uga soo jawaabney oo aynnu nidhi; waxa waday oo bilaabay dhallinyaro reer Gabiley ah. Waxase dhici karta, in dad kalana dhinaca kaga jireen- sida: odayaasha, haweenka iyo qaybaha kale ee bulshaduba.

Habka magacbixinta loo maray wuxu ahaa saddex heer oo is-dab-joog ahaa.Kuwaasi oo kala ahaa:

Heer abaabulka dadweynaha iskaa-wax-u-qabsada ku soo shaqaynaya loo maray oo ahaa boroobaganda lagu dabaqay habka kaariyada istaanku baabuurta u raraan oo ahaa mid lagu dhawaaqo; Timacadde, Timacadde iyo dadka oo la sii weydiiyo maalinimada, in uu galabta soo ka shaqaynayo iskuulkii Timacadde iyo in kale!!
Waxa kale oo la qoray dhawr waraaqood oo ogeysiis ah oo loo diray Reedhiyow Hargeysa- in kasta oo aan qaarood laga siideyn idaacadda- oo dadweynaha reer Gabiley lagu ogeysiinayo, in maanta ama berri laga soo shaqayn doono dugsigii Timacadde. Taasi oo ay dadweynuhu iskaga qaateen; in iskuulka loo bixiyey Timacadde!!
Waxa kale oo iyana barbar socotey arrimahaasi aynnu soo sheegnay, dood aan badnayn- inta aan ogahay- oo lala galay madaxdii Gabiley qaar ka mid ah oo kow ka ahaa nin Khaliif la odhan jirey oo kaaliyaha xisbigii Hantiwaagga (PRO) iyo guddoomiyaha degmadaba noqday.

Khaliif wuxu ahaa nin iska miskiin ah oo aan balwado lahayn - inta badana laga heli jirey meeshii loo yaqaanay hanuuninta oo uu xafiiskiisu ku oolli jirey. Ninkani isaga oo xilka DC ga sii haya ayuu dhawr maalmood dadweynaha raacay oo uu nala ururin jirey dhagaxdii jayga ee aan ku soo sheegay qaybtii labaad ee qormadan.
Halkaasi ayaannu fursad ka helnay aannu isagana dhegta ugu ridno, magacii aannu bixinay ee Timacadde. Dhawr maalmood kadibna, inta aanu u tagnay ayaannu weydiiney; magaca ay dawladdu u bixinayso iskuulka!! Wuxu noogu jawaabey, imika waa bilow oo xilli magac lama joogee; marka uu dhammaado ayay wasaaradda waxbarashadu u magac bixin doontaa.
Waxannu ugu jawaabney, annagaa u magacbixinaye wasaaradda noogu sheeg! Inta uu qoslay buu na weydiiyey magaca aannu haynno. Meel dheerba u maanaan doonine, waxannu la soo boodney kaayagii diyaarka ahaa ee kuma?....Wuxu nagu yidhi, " Waan gudbin." Mase hubo, in uu gudbiyey iyo in kale!

Khaliif, waxannu 1980kii ku kulanay dugsigii tababarka ee Xalane. Wuxu markaa ku jirey, machadka culuumta siyaasadda oo halkaa ku yaaley. Markii aannu kulanay, ayaan ku idhi ma garanaysaa? Intuu cabbaar I eegay ayuu yidhi, " Maya ee isku kay sheeg!"
Markaasaan ku idhi, " Inna Gabiley iyo dooddii magacii Timacadde ma xasuusan tahay?" Markaasuu si fiican ii gacanqaaday oo uu magaalada iga waraystay.

Waxan sheekadaa khaliif uga dan leeyahay:

In aan aar sidiisii
abaal iyo nac leenahay
Abriskii na cunayiyo
arxan ruuxii noo galay
in aan kala ogsoonnahay!!!

Inta aynnu qaybo kale oo xiisa leh ku kulmi doonno Ilaahay idamkii, ammaano Allah.

Wa Bilaahi At-towfiiq

C/llaahi Maxamed Cumar