Gabiley iyo Gu'yaal Tegey

 

 


Qaybtii saddexaad:

Gabiley iyo gu'yaal tegey
Waxan uga gol leenahay
Taariikhda guunkiyo
Guyaashii la soo maray
gadaal eegiddeediyo
Odayaasha gabax yidhee
Gadhku uu cirraystiyo
Inay gaari dumaroo
Guudku uu caddaadoo
Gabax tidhi da' awgeed
Inay (golden year)iyo
Gabiley xasuustaan!

Akhristayaasha sharaftaloo, intiinii soo akhriday qaybtii labaad ee qormadan la magac baxday, " Gabiley iyo Gu'yaal Tegey"; waxaynu soo qaadanay, in dhismaha iskuulka oo markaa bilow ahaa uu garab socdey, olole magac bixin ah oo ay wadeen dhallinyaro reer Gabiley ahi- Haddii loo baahdana aan magacyadooda sheegi doono intayadii is ogeyd-Haddii ay xagga Alle ka ahaato.
Waxa isweydiin leh, maxaa laga baqayey ee loo kaambeyngaraynayey (campaigning)? Sideese ololahaa loo hirgaliyey?

Haddii aynnu ku horrayno jawaabta su'aasha koowaad, waxa laga baqayey; in iskuulkaa dhismihiisu socdo loo bixiyo Xalane!!
Haddaba, haddii aynnu ka jawaabno su'aasha ah, Xalane xagguu Gabiley ka soo galay? Waxa lagama maarmaan ah, in aynnu taariikhda dib u milicsanno.
Dagaalkii Soomaalida iyo Itoobiya dhexmaray 1964 kii, ayaa dhaliyey taariikh Gabiley iyo Maxamed Cabdille Xalane isku xidhay. Xalane wuxu ka mid ahaa askartii Soomaaliyeed ee ka dagaalameysey magaalada Togwajaale oo markaa ahayd tuulo ka tirsan degmada Gabiley. Sida taariikh ahaan la innoogu sheegay, askarigani wuxu muujiyey geesinimo oo wuxu ka dhiidhiyey, in ay xabashidu furato calankii Soomaalida ee xarunta bileyska ee Wajaale sudhnaa?!
Waxa la innoo sheegay, in isaga oo birta ka furaya calankii Soomaalida; ay laba xabbadood ku dhaceen oo uu dhaawacmay. Kadibna, uu calankii la galay dhufays ay ciidanka Soomaalidu qoteen oo halkaa ku yaalay oo inta uu calankii jeexjeexay; badh calanka ka mid ah uu cunay, intii kalana ciidda galayey!

Haddaba, waxa ninkaa Gabiley uga dhisnaan jirtey taallo yar oo kur ah iyo birtii uu calanka ka furayey oo xabbado ku yaaleen oo inta laba kaabadood loo dhisay la duldhigay- iyada oo ranji cas oo sidii dhiigga ah la mariyey halkii ay xabbaduhu ka baxeen. Taalladaasi waxay ka hordhisnayd xafiiskii guddoomiyaha degmada Gabiley- sanad walbana mar baa salaam iyo ubaxdhigid loo samayn jirey!!! Halka ay Gabiley iyo Xalane iska soo galeen ee baqaha keentayna taasi ayay ahayd.
Haddaba si aynnu uga bogono, sidii arrintaa magaca Xalane looga ololeeyey iyo waddooyinkii loo maray ololahaasi iyo waliba sidii loo hirgaliyey, in dugsiga sare Cabdillaahi Suldaan (Timacadde) loo bixiyo magaca uu ku caanomaalay ee Timacadde; la soo qaybaha soo socda ee qormadan oo aynnu ku soo qaadan doonno- haddii Ilaahay idmo- sheekooyin xiiso iyo xasuusba xambaarsan.

Mahadsanidin,

Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com