Gabiley iyo Gu'yaal Tegey

 


Qaybtii Laba iyo Tobnaad:

Doodeennii dheerayd
Dulucdeedii fahannee
Maba soo dabaalnaa?

Waxaynu soo qallin daraalaynaba, waxaynu walaalayaal soo gaadhney; guntii iyo gebogabadii taxanaheennii la magacbaxay, " Gabiley iyo Gu'yaal Tegey".
Taxanaha ujeeddada aynu ka lahayn, hore ayaynu tix iyo tiraabba isku soo taabsiiney.

Haddiise aynu dulucda sheekada dib ugu noqonno oo aynu is dareensiinno, waxaynu uga dan lahayn:

Dib-u-raaca taariikhdii loo soo maray dugsigii hore ee Timacadde iyo dadaalkii loo soo galay
Dukumdaakumkii ku dhacay iyo halka uu ku dambeeyey
Iyo in aynu xusno taariikh gaaban oo uu dugsigaasi soo maray intii u dhaxaysey bilowgiisii illaa 1980 kii- intii taariikhdaa ka dambeyseyna, waxan u daynayaa raggii u soo joogey!


Maalintii aan soo dhexjoogsadey burburkii iyo baaba'ii ku dhacay labadii iskuul ee Timacadde iyo Qalax ee aan ku soo iftiimiyey qaybtii kow iyo tobnaad ee qormadan, ayaan go'aansaday; in aan qoro waxaan taariikhdoodii ka xasuusto- si aanay u noqon mahadhadoodu mid la illoobey oo burburkii ku dhacay raacday!

Haddaba, waxan kula talin lahaa madaxda qaranka Somaliland; in la sameeyo rugta kayd xasuuseedka qaranka ( national archives) oo lagu kaydiyo taariikhda ummaddani soo martay iyo tii hay'adaheedaba.

Taariikh ummaddaan lahayn
Tafiirteeda u tebin Karayn
Waa timir aan midho lahayn!

Taariikh ummaddaan lahayn
tafiirta u tebin karayn
Waa toosh aan nuur lahayn

Taariikh ummaddaan lahayn
tafiirta u tebin karayn
Waa tusbax aan xadhig lahayn

Taariikh ummaddaan lahayn
tafiirta u tebin karayn
Waa geed aan turuq lahayn
waa ruux aan tamar lahayn!

Ta'dii kale waxan lahaa...

Haddaba, haddii aan taladayda ku darsado tabaha loo soo ururin karo taariikhda dalka iyo dadkaba, waxan ku talin lahaa:

In nin waliba qoro waxa uu ogyahay ama uu duubo si looga faa'iideysto
In ardayda jaamicadaha ka qallinjabinaya loo diro hay'adaha iyo dadka lagu tuhunsan yahay, in ay sooyaalkii dalka wax ka hayaan
In la aasaaso hay'ad xasuusreebka dalka qaabilsan oo kaydisa
Iyo in arday hore ee iskuulada dalka ka baxday oo qaarkood da' yihiin, laga reebo waxa ay ka sii xasuustaan ee xilligaa joogey.

Iskuulada u baahan raadraac taariikheedna waxa ka mid ah:

Dhammaanba iskuuladii hooyga ahaa (boarding schools) ee dalku lahaa oo isugu jirey, kuwa hoose, kuwo dhexe iyo kuwa saraba. Sida: Sheekh, Cammuud, Cadaadley, 1st Juulaay, Sheekh Bashiir, Qalax, Dayaxo, Bulaxaar, Sallaxley, Oodweyne iyo iskuuladii gabdhaha ee hooyga ahaa oo xasuus gaar ah lahaa!


Waxan qormadii " Gabiley iyo Gu'yaal Tegey" ku soo gunaanadey, intiinii ku taxnayd oo aan idin idhaahdo; Ilaahay baa mahad lehe waxad mudan tihiin maamuus iyo qormooyin kale oo xiiso leh idam Allah.
Mahadsanidin,



Wa bilaahi At-towfiiq

Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@Hotmail.com