Gabiley iyo gu'yaal tegey

 



Qaybtii koowaad

1973 kii ayuu hindisihii ugu horreeyey ee ahaa,in ay magaalada Gabiley yeelato dugsi sare; ku dhashay odayaashii magaalada oo maanta waxyari ka sii nool yihiin intii figraddaa lahayd- intii dhimatay Ilaahay ha u nariistee.

Aniga oo yar oo fasalka shanaad ku jira, ayay maalin maalmaha ka mid ah; iigu yimaadaan dha wr oday tukaankii abtigay Maxamuud Muuse Geeddi oo aan inta badan hayn jirey- marka aan iskuulka ka soo rawaxo.

Waxan odayaashaa ka sii xasuustaa: Alle ha u naxariistee: Jimcaale Maax, Aw Aadan Raage iyo nin kale oo aanan haatan xasuusnayn- waxa isna odayaasha la socdey, abtigay Maxamuud Muuse!

Waxay odayaashii (abtiyaashay) iga codsadeen, in aan waraaq u qoro ku socota dawladda; taasi oo ahayd-ogaantey- codsigii ugu horreeyey ee dugsi sare in magaalada loo sameeyo.

Sababaha ay odayaashu u doonayeen, in ay magaaladu yeelato dugsi sare; waxa ugu waawey naa saddexdan arrimood:


Ubadka magaalada oo marka ay dugsiga dhexe ka baxaan tegi jirey magaalooyin kale oo gobolk a ka baxsan oo ay dhibaatooyin kala kulmaan. Sida dugsiyadii sare ee Hargeysa ( First July), Bo orama ( Amoud), Sheekh iwm...


2. Odayaasha oo u arkayey, in yeelashada ay magaaladu yeelato dugsi sare; sharaf iyo magaal ayn labadaba magaalada u leedahay! Waxa kale oo aan iyana meesha ka maqnayn, dareen ay odayaashu ka qabeen; soo korodhka dugsiyo badan oo dhexe oo ah dheey (day schools) oo la ga yaabo; in ay qiimihii iskuulkii Qalax ee hoyga ahaa ay hoos u dhigaan dugsiyadaa dheyga ah i- iskuul Qalax oo ahaa iskuul taariikhi ah oo magaalada magac weyn u soo jiidey.

3. Iyo iyada oo loollan gobolnimo- doon ahi ka dhexeeyey, labadii degmo ee Boorama iyo Gabile y- loollankaasi oo bilaabmay 1974kii oo ahaa sanadkii uu bilaabmay; ololihii la magacbaxay: Ololaha hor-u-marinta reer miyiga.

Waxayna odayaasha magaaladu u arkayeen lahaanshaha dugsi sare, in uu magaalada u soo kordhin doono; magac iyo maamuus miisaan u yeeli doona; arjigeeda gobolnima-doonka ah.

Waraaqdii (first draft) oo kolley khaladaad badan lahayd oo aan ujeedada uun ka raacay iyo odayaasha oo aan qaadi waayey, ayaan u qoray - waxanan ku faraxsanaa, in waraaqda la iiga dambayn doono oo qofka teebgaraynayaa sixi doono khaladaadka ku jira!

Waraaqdaa ma garanayo, in guddoomiyhii magaalada (DC)gii, guddoomiyihii gobolka waqooyi galbeed ee xilligaa joogey ama wafdi xukuumaddii dhexe ka socdey loo dhiibey. Waxanse hubaa in si rasmi ah loo qoray oo la diyaariyey.

La soco qaybaha dambe oo aynu ku soo qaadan doonno qormooyin kale oo xiisa leh!!!

Mahadsanidin,
 


Cabdullaahi Maxamed Cumar
England, Uk
Email: timacadde56@hotmail.com