Gabay la yidhaa Cidhib la'a

 


Marka hore waxaan salamayaa dhamaan umadda Somaliland , si gaara Timacade Group iyo hawl w adeenada sharafta leh.Halkan waxaan ku soo lifaaqay gabay la yidhaa Cidhi La'a.Waa duco iyo til maan waxa maanta ka jira Dalkeenii.
 

 


Ceelal yada kuwii loo diriyo
Cudur dawayn tiisa
Cashuur ti kuwii aan lahaa
Calaf ka way muujin
Iyagaa culays nagu hayiyo
Caal kan noloeede
cilad daba iyagaa beera oo
Curiya daacuune
Iyaba waa cibaarada adduun
Cayn kan ay tahay
Ceeryaan tan nago meersan iyo
Ciiradaa badatay
Caad kaa indhaha saran ee
Garashadii ciilan
Ciyawgaa habeen kii cidlada
Fiin ta la ciyaaya
Cudur kaa qabiil kii nabaday
Cabashadaa joogta
Caqligani xilkii uu lahaa
Caawa kala tuuray
Iyaba waa cibaarada adun
Cayn kan ay tahay

*****

Ciil tire maalin tii la sudhay
Calan kan kuu muuqda
Cadaawaha markii laga tiritiray
Carrada aan joogno
Cugashadii markhaatiga lahayd
Curin tii taariikh da
Caruur iyo ciroolaba markii
Cudud laguu keenay
Maalin tay cilaaq iyo hadheen
Garasho ciir ciirta
Cirooluhu maalin tuu xantaday
Cagajuglayn diiday
Caqligiyo maalin tay tasheen
Caaqil talo fiican
Curfigiyo heshiis kii la galay
Caabuq lagu reebay
Cidhif yada dalkoo idil maalin tii
Caad ka laga qaaday
Cizi iyo halkii aan ka filay
Dawlad lala Ciseeyo
Iyaba waa cibaarada aduun
Cayn kan ay tahaye
Maan tana maxaa ciil I baday C
eliyay taariikh da

*****
Curduduub ka maatida ku dhacay
Ceesh ki lagu haysto
Cidhiidhiga dad kii lagu hayee
Cagajuglayn joog ta
Habeen iyo dharaar caag lahaa
Caydha furanaaya
Kii loo cumaamaday halkuu
Cunayo xaraan ta
Calooshuun kuwaa laga amree
Cunaha dhawraynin
Carrb dalab leh, ceebahan qarsoon
Cuud ka lagu boobay
Sharci gii halkaa lagu casilay
Laguna caarcaarshay
Calool yawga waa lagu yiqiin
Waalid caasiyahe
Waa camaladii Reer Fircoon
Cirir kan muuqdaaye
iyagaba ciqaab baa la baday
Cayn ki loo jaraye
Cirloohana is yeel yeelayaa
Yaanu ii cabane
Wax ba hay calaacalin adaa
Ciil kabay badaye

*****
Umadaa cirooliyo Caruur
Cadhada qiiqaysa
Dhalaan kaa caraabaaya ee
Cadawgu boobaayo
Caqligii inoo kacay halkuu
Ciil ka hoganaayo
Cibaadada halakay wada naceen
Madax dii ceel keenu
Caddradihii dalkeenuba halkay
Ciirse kale wayday
Cuqubada nin kii galay
halkuu Wali cawaynaayo
Caruus yada halkay wada yihiin
Madax du ceeryoon tay
Cidhib laay dad kaagii hadduu
Gaajo wada ciiray
Ciyaal kii haddii lagu sasabo
Calaf la meelaystay
Cidhiidhigaa dad waynaha la baday
Ciiddan la xaraashay
Camal kii iblayd kaan arkaa
caawa say tahaye
Cadka ciida loo dhigay kuwaa
Calaf ka moodaaya
Golayaashan ciir ciirayee
Galin ba cayn jooga
U ciyaara waa taa rabteen
Cirir ka joogaaaye

*****
Maalin tay cabsootaba Ilaahii caymin jirayoow
Cirka sare ilaahaii ,u caraab shay nabegii cirshi giisa geeyee, ku casuumay diintoow Camuud iyo ilaahaan ,,Cirrka tiir ku xidhinee Caynkaa u taagoow

*****

Caradana balaadh shee, ku culays shay buurtoow
Maan ta way cadiban too,Caasigaa ku badanoo Cudur daar ma haynooQabiil bay u ciirtoo, Garaad kii colaystoo Ciirsi kale ma haynee, naga saar

*****

 

Abdulkhaliq Mohamed