Gabadhii ugu horeysay ee Reer Somaliland ah ee Deeq Waxbar as ho oo culuunta dhinaca Saxaafada ah ka hesha Jaamacada Qaranka ee Uganda.
 


Hargeysa (TNN)-Saynab C/raxmaan Ismaaciil oo ah gabadh reer Somaliland ah, isla markaana wax ka baran jirtay machadka Albaraka ayaa waxay deeq waxbarasho oo dhinaca Saxaafada ka heshay  Ja amacada Qaranka ee Uganda, gabadhan oo ah gabadhii ugu horeysay ee Somaliland u dhalata isla  ma rkaana deeq waxbarasho oo dhinaca Saxaafada ah ka hesha dalka debediisa ayaa maanta xaflad  sag ootin ah loogu qabtay xarunta Dugsiga Albaraka qaybta Dugsiga Sare, waxaana ka soo qayb galay Xafladaasi Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Hargeysa Xasan Abokor Yoonis, Maamulaha Guud ee Dugsiyada Albaraka Nuuradiin Maxamed Yoonis, Maamulaha Qaybta Dugsiga Sare Ismaaciil Cumar iyo marti sharaf kale, waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay Maamulaha guud ee Dugsiyada  Albar aka Nuuradiin Maxamed Yoonis, waxaanu ka warbixiyay xaaladihii kala duwanaa ee Dugsiyada  Albara ka ay soo mareen iyo sidii ay ula soo tacaaleen, isaga oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in maanta ay ardeydiisii ay deeq waxbarasho ay dalka Debediisa ka helaan, isla markaana ay faa’iido weyn u tahay Dugsiga iyo Dalkaba, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaanu xafladan u qabanay inaanu ku dhiiri galino Ardeyadan oo ay ku daydaan ardeyda kalena, waxaanan rajaynayaa inay  noq oto Saynab tii ka gun gaadha Deeqdan waxbarasho ee ku anfacda dalkeeda, dadkeeda iyo  Qoyske edaba”.

Waxa isna halkaasi ka hadlay Maamulaha qaybta Dugsiga sare ee Albaraka Ismaaciil Cumar, waxaanu sheegay inay farxad weyn u tahay in midhihisii ay maanta dalka debediisa ka helaan deeq  waxbaras ho waxaanu kula dardaarmay ardeyadaasi in ay ku fikirto sidii ay uga midho dhalin lahayd hamigeeda, isla markaana ay noqoto tii dalka iyo dadkaba faa’iido u keenta.


Waxa sidoo kale halkaa ka hadashay ardeyda deeqda waxbarasho ka heshay dalka debediisa, waxaa na hadaladeedii ka mid ahaa “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan dalka debediisa ka helo deeq waxbarasho oo dhinaca Saxaafada ah, waxaanan rajaynayaa inaan ka midho dhaliyo in kasta oo aanan aniga hamigayga ahayn hadana waan ku qancay”


Ugu dambayntii waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Xasan Abokor Yoonis, waxaanu ugu baaqay ardeyda kale inay ku daydaan ardeyadaasi, waxaanu uga digay inay ku dhex milanto dalkaa ay tagayso dhaqanadiisa xun xun, isaga oo ILAAHAY uga rajeeyay inay noqoto tii  Wa xbarashadeeda horumarisa si ay hadhaw dalka uga faa’iidaysa.

Waxa sidoo kale iyaguna deeq waxbarasho helay sadex ardey oo ka baxay Dugsiyada Albaraka, kuwaas oo ka kala helay Jaamacada Hargeysa, Fairland iyo meelo kale.

 



Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqale_88@hotmail.com
Hargeysa Somaliland.