GAARIYE OO LOO
AQOONSADAY CURIYAHA KOWAAD EE MIISAANKA
MAANSADA
Guddidii loo xilsaray in ay
xalilaan qilaafkii soo kala
dhex galay labada aqoonyahan ee Gaariya iyo Carale oo soo saaray
warsaxafadeedkan hoos ku xusan:-
War saxaafadeed
Aaraar
Guddida war saxaafadeedkan waxa soo saartay waxay ka koobantahay
sagaal xubnood oo kala ah:
1. Professor Hussain Hassan Gulaid (Guddoomiye)
2. Abdillaahi Saleeban Bidde
3. Ahmed Awad Ismail
4. Ahmed Warsame – Ahmed Dheere
5. Ali Osman Egeh
6. Adan Looshade
7. Abdirazaq Osman Fadal
8. Ahmed H Nur
9. Mohamoud Xaaji Ibrahim
Guddidan waxa laga magacaabay wax garadka iyo odeyaasha jaliyadaha
Somaliyeed e ku nool Oslo, waxaana loo xilsaaray in ay soo darsaan
dood iyo andacooyin in muddo ahba dhextiilay laba aqoonyahan, oo mid
waliba geestiisa aqoon miisan leh u leeyahay suugaanta Somaliyeed:
Waa Prof. Cabdilaahi Diiriye Guuleed(Carraale) iyo Abwaan Maxmed
Xaashi Dhamac (Gaariye).
Muranka ka dhex aloosnaa labadan aqoonyahan ayaa ku salaysnaa kooda
daahfuray (discovered) miisaanka maansada Somaaliyed. Miisanka
Maansadu waa qaaciidada amma qaabdhismeedka ay ku salaysantahay
maansada Somaliyeed, noocay doonto ha ahaatee. Waxa guddidani
ogaatay in murankani muddo dheer jiray, hase yeeshe dardarqaatay ka
dib waraysiyo la isku waydaarsaday WardheerNews.com. Waraysiyadaa
ayaa kii ugu horeeyey ku soo baxay WardheerNews.com bishii May,
20-dii ee sannadkan 2008, halkaas oo Prof Carraale ku sheegay,
isagoo cuskanaaya buug uu qoray oo la yidhaa “Gorfaynta Gabayga, in
uu isagu yahay coriyaha miisanka maansada iyo xeerarka ay ku fadhido.
Bishii September, 28-keedii ee sannadkan 2008, ayaa Abwaan Gaariyana
siiyey waraysi WardheerNews.com, halkaas oo uu ku caddeeyey in isagu
yahay qofkii ugu horeeyey ee Miisaanka Maansada u soo bandhiga
dadweynaha Somaaliyeed. Waxaa uu Gaariye taa daliil uga dhigay
qoraaladiisii ku soo bixijiray Xiddigta Oktober, ee uu ugu horeeyey
qoraalkii ku soo baxay cadaadkii wargeyska ee 17-kii Janauray, 1976.
Waraysi kale oo isna ku soo baxay WardheerNews.com 25-kii october,
2008, ayaa Prof caraale mar kale ku dadafeeyey andacooyinka Gaariye,
waxaanu sheegay in uu isagu leeyahay daahfuridda Miisaanka Maansada,
isagoo inta badan daliil uga dhigaaya buugga “Gorfaynta Gabayga” ee
uu yidhi wuxuu dhamaaday 1976.
Maxamed Xaashi Dhamac wuxuu hadda jooga Norway, isagoo macalin
(visiting professor) ka ah dugsi sare oo ku yaal Lillehammer.
Professor Caraalena wuxuu deggenyahay magalada Helsingör, Denmark oo
aan sidaa uga fogayn Oslo.
Iyadoo fursaddaa laga faa’iidaysanaayo, ayaa odeyaal iyo wax garad
reer Oslo ehi garteen in labadaa aqoonyahan la isu keeno, oo loo
fidiyo gogol iyo gole ay ku doodaan.
Gogoldhig hor dhac ah
Markii labada aqoonyahan midwalba geestiisa loo waraystay, ee la
waydiiyay waxa muranka u dhexeeyaa ku qotomo, ayey soo baxday in
muranku salka ku hayo lama arrimood: Waa mid eh, waa kuma curiyaha
miisanka maansada; waa ta kale eh, labadooda daraasadood, amma
cilmibaadhitaan (research) iyamaa shilis, amma muc badan.
Guddidu waxay isku raacday in gole saaxiibtinimo oo hor dhac ah loo
sameeyo labada aqoonyahan. Sababta sidan loo yeelay waxay
daarantahay, in guddidu, inta aan goleweyne la tegin, isu dhagaysato
labada aqoonyahan, oo aan hadda ka hor is hor fadhiisan.
29-kii november (sabti) ayaa labada aqoonyahan iyo guddidi isugu
timi guri ka yaal Oslo. Guddidu waxay dhagaysatay dood dhex martay
labada aqoonyahan, waxayna aragtay qoraalo loo soo bandhigay
markhaati ahaan (documention). Qoraalada Guddidu arragtay waxaa ugu
muhiimsanaa kuwan:
1. Maqaal ka hadlaaya miisanka maansda Somaliyeed oo ku so baxay
wargeyskii la odhanjiray Xiddigta Oktoober, cadadkii 17-kii January,
1976. Maqaalkaa waxa leh Gaariye
2. Buug aan la daabicin (Type written Manuscript) oo la yidhaa
“Gorfaynta Gabayga”. Buuggaa waxa qoray Prof. Cabdillahi Diiriye
Guuleed (Carraale), waxaanu ku dacwiyey Prof Carraale in buuggaasi
dhamaaday 1976, ka dibna uu Jaamacdii Somalia ka iibiyey.
3. Buug kale oo uu qoray Prof Carraale, oo isna aan la daabicin
(type written manuscript), kuna saabsan miisanka maansada,
taariikhdiisuna tahay 1977.
4. Buug daabacan (magac?) oo uu yidhi Prof Carraale waxaan isugu
geeyey labada buug ee kor xusan. Buuggaasi waxa la daabacay 2003.
Qeexid
Markii doodda labada aqoonyahan dhamaysteen, ayaa guddidu u soo
jeedisay in arrinta loo abaaro sidii oodo dhacameed loo kala
gurijiray. Arrinta ku saabsan tayada iyo mucda gorfaynta labada
aqoonyahan sameeyeen, waxay u baahantahay in dad yaqaanna suugaanta
ka garnaqaan. Waxa kale oo Guddidu soo jeedisay in la samayo dood
dhexmarta labooda oo dadweynaha loo bandhigo, oo la isu dhagaysto.
Waanagga iyo sida ay u kula tayo roonyihiin waxaa kala saaray kara
dadweynaha Somaaliyeed iyo aqoonyahanno si khaas ah u dhaadhiyey
barashada suugaanta. Sida awgeed, waxay Guddidu ku talisay in
arrinta dhex taal labada aqoonyahan loo qaybiyo laba qaybood:
1. Ta ku saabsan yaa hor curiyey miisaanka maansada, way ka garniqi
kartaa Guddidani, iyaado markhaati looga looga raadinaayo qoraaladii
la soo bandhigay iyo dooddii labada aqoonyahan.
2. Arrinta ku aaddan tayada iyo sida ay u kala waafisanyihiin, ha
loo daayo dadweyne isu kiin dhagaysta, waana sida caalamkaba caadiga
ah. Laba amma ka badan oo wax isku mid ah wada qoraba ,
akhristayaashaa kala saraa.
Markii qeexiddaa lagu heeshay, ayaa Guddidu gooni u baxday si ay
go’aan uga soo gaadho labada aqoonyahn kooda loo aqoonsado curiyaha
Miisaanka Maansada. Guddidu waxay ka doodday qoraaladii la keenay,
ee kala ahaa maqaal lagu daabacay Xiddigta Oktoobar, iyo boogaag aan
la daabicin, keeba la aqoonsan karaa qoraal ka markhaati kici kara
kala horraynta soo saarka miisanka maansada. Dood dheer ka dib,
waxay Guddidu isku raacday in aan qoraalada aan la daabicin, loo
aqoonsan karin markhaati. Qoraalkii ku soo baxay Xiddigta Oktoobar,
17-kii January 1976, ee uu lahaa Abwaan Gaariye, ayaa markaa Guddidu
u aqonnsatay in uu yahay markhaatiga qiraya cidda soo hor saartay
miisanka maansada. Iyadoo isu dhan, ayaa Guddidu go’aankaa ku
maqashiisay labada aqoonyahan, waanay aqbaleen.
Dood cilmiyeed
Golahaa koobnaa ee Guddidu isugu keentay Carraale iyo Gaariye, wuxuu
misha ka saaray qodobkii ugu xasaasisanaa ee ahaa yaa hor curiyey
miisanka maansada. Wuxuu noqday gole lagu guulaystay oo aad isugu
soo dhawaysay lababdii aqoonyahan ee muranku dhexyiil. Waxa marka
loo gudbay lugtii labaad arrinta. Salaasadii bishan diisambar 2-da
ahayd ayaa Jaamacadda Oslo laga diyaariyey dood balaadhan oo
dhexmartay Prof Cabdillaahi Diiriye Guuleed (Carraale) iyo Abwaan
Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye). Waxay ahayd dood cilmiyeed aad iyo
aad u qiimo badan, oo labada aqoonyahanba, si heer sare ah u soo
bandhigeen aqoontooda iyo daraasadda ay ku sameeyeen miisanka
maansda Soomaaliyeed.
Abaar kala duwan (different approaches)
Sida ay u abaareen gorfaynta miisaanka maansada ayaa kula duwan,
hase yeeshe labaduba waxay soo bandhigeen gorfayn xisaab (maths) ku
taagan, oo nuxurkeeda isku mid yahay. Labada aqoonyahanba way sii
kuda galeen gorfaynta miisaanka maansada, waxaanay soo bandhigeen
daraasado cusub oo aan hore loo maqal. Waxay muujiyeen in ay yihiin
aqoonyahano isu haya ixtram iyo is qadarin ay isu hayaan, oo isu
qiraaya midba waxa uu kuu soo kordhiyey cilmigan ku cusub suugaanta
Soomaaliyeed.
Dooddani waxay indhofur u noqogay dadweynaha fursadda u helay in ay
dhagaystaan labada aqoonyahan.
Prof Carraale wuu daabacay (published) cilmabaadhistiisaa cusub ,
waxaanu ku soo ururiyey buugga la yidhaa Miisaanka Maansada ee uu
Sweden ku daabacay 2003. Markaa waxaa xus gaar ah mudan in buugga
Prof Carraale yahay qoraalkii amma buuggii ugu horeeyey ee lagu
daabacay (published) Miisanka Maansada.
Prof Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) wax badan ayuu ku kordhiye
daraasadiisii 1976 oo soo bandhigay, welise kumuu soo saarin buug
daabacan, waase uu ku tala jira sidoo ka sheegay kulankii dood
cilmiyeedka.
Jamhuuriya Online
|