Fosiya X Aden wa cayaayire ragg ba haatan ceymadii haddii an maamulka kulmiye laga wada tashan


 



Saaka waxan kuso waabariistey Fosiya X Aden ba Xamar ka dagtey, waxan idhi Wallee Fosiyi X Aden wa cayaayire ragba haatan caymadi, runti waxa somaliland kuso fool leh haddan eebe ka baajin duufano dabeylo wata oo siyaasadeed o dhibaato weyn u geysan doona qarannimada JSLand, sheekadeenu waxay ku danbeyn doonta taarikh iyo oday ka sheekee haddaan eebo in caymin maanta..

Haddii anu maanta shacabka somaliland gacmaha iswada qabsan o anan meel looga soo wada jeedin midnimada iyo qarannimada JSLand, maanta rajo ayeynu leenahay runtiii oo taladu gacanteena ayey ku jirta lkn maalin ba iman doonta ay gacanteena ka bixi doonto haddii an loo guntan maanta badbaada qaranka, midnimo iyo wadajir

Waxaynu mudo dhan 21 sano ku naalooneynay in aynu nahay dawlad madaxbanaan oo la yidhaahdo somaliland islamarkan dooneysa iney ictiraaf ka hesho bulshada caalamka.

Waxa haddaba nasiib daro ah in 21 sanadood e aynu dawlada madaxbanaan sheeganey ay isku fuuqsatey labadii sanadood iyo dhawrkii bilood e u maamulka kulmiye dalkeena taladiisa gacanta ku hayay, waxa labadaa sanadood inoo iftiimay o aynu ogaaney in rajadii iyo himiladii in dalkan la ictraafo la so afjarey o anu muuqan dadaal iyo hawlgal loogu jira, waxa inoo iftiimay in anu maanta dalkeeni ka jirin horumar wax ku ool ah o la taaban kara, waxaynu ognaay in aney jirin ha'yadihi iyo golayaashi sharcigu oo u wadanku marayo maraxaladii ugu xumeyd e u so maro 21kii sanadood e aynu dawlada sheeganeynay, himilooyinkii qaranka iyo wixi lagu naalooneyayba waxa albaabada uso xidhay xisbiga talada haya e KULMIYE oo fulineyay mashaariic u la so galay dalal shisheeye o an ogoleyn marnaba gooni isu taaga somaliland. somalidu waxay tidhaahda KARIS XUN IYAN WAX KU LA'

Haddaba waxa maanta dalkeena ka jira o aynu ognahay in maanta loo kala baratamayo sidii lixdankii somaliweyn iyo Xamar, haddaba aakhristow ma isweydiisay nasiib daradan inagu habsatey iyo sababta keentey waxa ay tahay iyo meesha la inaga raacey..dhawr su'aalood baan raba in an ka jawaabo akhristoow..

Distoorkii qaran ya furfurey o buriyay qodobadii muhiimka ah ee shacabka somaliland lagu xakameynaya e aha in an koonfur lala fadhiisan karin miis wada hadal ila la helo dawlad lo dhan yahay o ka aloosanta gobolada somaliya e koonfur

Ya albaabada u xidhey golayaashii qaranka e la dugsanayay..
Ya axsaabti qaranka e mucaaridka aha dhulka la simay e dhidibada u saarey.
Ya baayacmustarkii caashuur dhaafka usameyay e bila cashuurta ka dhigay dekadaheeni iyo xuduudaheeni..
Ya ciidamadii qaran somaliland niyad jabka ku ridey e geesinimadii iyo sharaftii iyo karaamadi ay laheyn ka qaaday
Ya cadaaladii iyo sinaantii god madoow ku riday.. '
Ya dhaqaalihii iyo hantidii umada boobey
Ya dagaalada sokeeye ya ka hurineya shacabka somaliland dhexdooda wa
Ya haldoorkii, waxgaradkii, madaxdhaqmeedkii iyo mujaahidiintii sharaftii iyo karaamadii ay laheyn ka qaaday e maalinba aqoonyahay qaawineya,
Ya waxmagarata an aqoonta laheyn talada dalka gacanta u galiyay,
Ya taladii qaranka iyo masiirkiishacabka somaliland dhawr hablood gacantood gashey..
Ya biyo la'aanta iyo wado xumadan iyo xashiiskan magaaloyinkeena dhooban ka masuul ah
Ya shuruucdii wadanka maalinba qodob burineya.
Ya xagla toosiye oo shalay geed dheer iyo mid gaaban ba u fooshan inu qaranimada somaliland dhulka dhigo darajada ku tolay
Ya Mujaahid Fuaad Aden Cade iyo madaxdii dulbahante e dhidibada u taagay somaliland bahdilay ee yidhi waxba ma tihidin
Ya gobolka awdal daaqadii ka dalcaday ee quursaday..
Ya Fosiya Xaaji Aden Qabile ku kalifey in ey Xamar ka dagto..
Ya SSC lacagta iyo darajada ku tolay, hadda wa kuwii geed dheer iyo mid gaaban ba u korey in ay qarannimada somaliland dhulka so dhigaan
Ya taladii dalkan gacanta u galiyay dhalinyaradan ku garaadsatay kacaankii Siyaad Bare ee u dhaqmaysa habkii MORGAN IYO GAANI
Ya Gudoomiyaha kulmiye ee an sharciga waafaqsaneyn u cumaaday..
Ya Gudoomiyaha golaha wakiilada ee ka falaagoobay xisbiga ucid kursiga ku haya golaha wakiilada..
Ya fuleynimada ina baray..
Ya sicir bararka iyo maceeshada cirka inagu geeyay
Ya labaatan sano dib inoo celiyay
Yu dalkani iyo dadkani eersan doona mustaqbalka..

HADDII AN KA JAWAABO SU'AALAHAASI AN KOR KUSO XUSEY WA KULMIYE IYO MAAMULKA SIILAANAYO e ma dhaleyska ah..

Waxan kuso gabagabeynaya qormadeydan maanta marxalada adag beynu ku jirneye wa in gacmaha la iswada qabsada o qarannimada la difaaca o maamulka kulmiye laga tashada o an waxdanbe lagu haleyn.. maanta tuhun danbe o inoogu hadhey ma jiro Siilaanayo, wa wa nin weyn o da' ah wa nin weyn o dhalinyaro waxmagarata ahi gacanta ku dhigeen wa oday cimrigiisi intii badaney so qaatey ilama aha in aynu waxbadan ka sugno ama rajo danbe Siilaanayo iyo KULMIYE toona.. ragga maanta ina xukumaya waad aragtan wa kuwo sidii MORGAN IYO GAANI U DHAMAYAY o runtii ku garaadsaday kacaankii digtaatooriga ah.. ee Sayid BARE

GUUL BAAN U RAJEYNAYA SOMALILAND IYO MUSTAQBAL WANAAGSAN INSHALLE
 

 

 


Omar Darood Hassan
Norway