Foosburburburkii hooryaaleysigii Xusbiga UCID waxaa bura
sida
Faysal Cali Waraabe
Tebiyihii (narrator): Garsoorihii cayaartii
horyaaleysiga ee dhexmartay xusbiga UCID (ka eeg
cayaarta hooryaaleysiga barta Longlivesomaliland),
markuu dhibcihii dadweynuhu kala siiyeen isku geegeeyey
waxaa buntirsiga burosida Faysal Cali Waraabe.
Xusbiga Kulmiye faysal buu la saftay oo duceeyey, UDUB
wuu beerdhigaalaynayaan in uu fadhataysto oo siday
caa dadu dib u riixay shirkii golihiisa dhexe isaga
rajeynaaya bal ay xubnaha qaar u soo diga rogtaan
xagiisa. Isku soo wada duuboo naatiijadii cayaartu ee
garsoorihii ku dhawaaqay waa tan:
* Mudane Faysal Cali Waraabe waxay ku qiimeeyeen in uu
gaadhay darajadii Dhallin Ileeye.
Waxay ku horyaaleysteen waad faras xuntahay. Isna wuxuu
kaga jawaabey sahan danbaad garan.
* Hogaamiyaha kacdoonka aan waafaqsanayn distoorkii
xusbiga iyo dimoqraadiyada, Mudane Cabdiraxman Cirrana
waxay ku qiimeeyeen nin lammaan oo dude siiga yaraa.
Ku dhawaaqida natiijada kadib, weriye goobjoogayaasha
Garoonka cayaartu ka dhacday ee loo yaqaan kursiga iiga
kac iyo kaaga kicimaayo ayaa waraysi kooban la yeeshay
Mudane Faysal ayaa sidan u dhacay:
Weriye: Mudane Faysal waxay kugu eedaynayaan dadka
qaarkii in aad feedh, laag, tantoomo dheeraad ah
adeegsatey oo haraatidii aad dhaaftay. Waxay kugu
eedaynayaan in aad mana sheegatay, qabyaalada sheegatay
oo aad Hargeysa sheegatay.
Faysal: Waxaan sheegtayba waan ahay. Hargeysa maan
sheegan laakiin waa run in aan ahay wiilkeedii.
Hargeysana qabiil ma dego ee qabiilooyinka oo dhan baa
degan. Qolayada tartantaa xaga tolayda tayda ayaa ugu
sahlan. Waayo xusbiga UCID Habro beeleed iyo suldaano
hogaamiya oo dhex hurda ku arkimeysid. Waa dhallinyaro
wiilal iyo gabdhaba leh oo isbedel doon ah. Dhab libaax,
dhab daayeer iyo dhab dayo midna lagama yaqaan.
Weriye: Waxaa lagugu eededaynayaa in aad tahay fucfuc la
rag oo sida dabayl xagaad meel loogu soo hagaaga lahayn
oo meel kadhac badan?
Faysal: Horta Ilaahay ayuun baan gefin. Waxaa kale oo
aan gefin nin intuu geed dooyaysta, xaglo laabtay oo aan
habayaraatee wax dhaqaaqa samayn. Haddaad sidaa yeesho
ceeb yeelan meysid. Laakiin haddaad dhaqdhaqaado nin
habari dhashay hal ma seegi waayee, waxtar iyo
waxyeelaba waad yeelan. Taa waxaa u daliila kooxdan ka
dhex toostay xusbiga, ololihii doorashada way xaglo
laabnaayeen, shar iyo kheyrtoona nagumay soo kordhin.
Maantay laabta yara ruxeenoo maantana min allay gubeen
oo shaadhkay doonayeen in uu weligii daahir ahaa maantay
nija asi ku duushay.
Weriye: Waad mahadsan tahay.
|