Feysal Cali Waraabe oo sheegay Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin inay cid la ka joogaan
 



Feysal Cali Waraabe oo sheegay Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin inay cid la ka joogaan ...


Hargeysa(TNN):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa sheeg ay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Maxamed Kaahin Axmed iyo C/raxmaan Talyanle ,in ay cidla fadhiyaan oo aanay talada xukuumadooda waxba ku lahayn.

Feysal Cali Waraabe waxa uu sidaas u sheegay Telefishanka Somalisat oo shalay waraysi ka la yeeshay Isku shaandhayntii Madaxweyne Siilaanyo iyo wada shaqaynta Kulmiye iyo Xuku umadda, waxaanu tilmaamay in ay Xisbiga iyo Xukuumaddu kala fog yihiin oo banaanka la dhi gay Xisbiga.

Hadalka Feysal Cali Waraabe ayaa ku soo beegmaya wakhti dhawaan uu Gudoomiyaha Xisbi ga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi dalbaday in uu ka qayb galo shirkii Golaha Wasiiradda si uu uga la hadlo in xisbiga iyo Xukuumaddu xidhiidh wada yeesheen. Isagoo hadal uu ka jeediyay ku tiraabay in loo baahan yahay wada shaqayn dhex marta.

Qudbada Muuse Biixi waxa si weyn uga hor yimi Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale, kuwaas oo la sh eegay in ay Muuse Biixi ku eedeeyeen in uu isagu kala fogeeyay Xukuumadda iyo Xisbigeeda

Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiir Samaale oo isaga danbeeyay jawaabta ay Muuse Biixi ka s iinayeen qudbadiisa, ayaa ku weeraray in uu xisbiga la hadhay isla markaana Doorashadii G olaha Deegaanka ee ay axsaabta iyo Ururadii siyaasaddu ku tartamayeen haddii aanay Xuku umaddu dedaal dheeraad ah la iman lahayn in uu Xisbigu hadhi lahaa.

Siilaanyo iyo Samaale waxa ay Muuse ka dalbadeen in uu joojiyo shir beeleedyada uu abaab ulay, iyagoo eeda kala fogaanshaha Xukuumadda iyo Xisbiga ku tilmaamay in ay ka mid yihiin shirarka Beesha ee uu wado.
 

Source:Waaheen