Faysalow Afkaaga Dadka Ha Ku Eryin. Xirsowna inaad wax iska celi tidhaahdo maaha

 

 


"Xirsi waxa aan leeyahay adigu madax baad tahay laantii u sarreysay ayaad tahay mansabkaa ku caawinaya hadduu Faysal qaldamo oo uu meel ka dhaco inaad adna ka da, "Xaaji Cabdi waraabe

Hargeysa (TNN):- Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Odayaasha Somaliland Md Xaaji C/Kariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) ayaa baaq hogatus iyo erey-guurtiyeed ah kaga hadlay eedaymo ay dhawaan saxaafadda isku weydaarsadeen Guddoomiyeha Xisbiga UCID Engineer Fay sal Cali-Waraabe iyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaa nu kula dardaarmay guud ahaan siyaasiyiinta inay ka waantoobaan tiraabaha xanafta leh ee war baahinta la isku mariyo isla markaana aanay fursad siinnin shaydaanka doonaya inuu dab ku huri yo kana faa,iidaysto khilaafka musliimiinta ka dhex oogma.

Xaaji Cabdi oo maanta wareysi gaar ah siiyay hawl-wadeenno ka tirsan Akadamiga Suugaanta iyo Cilmi-baadhista ayaa xog-bixintiisa ku waxaanu yidhi “Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Waxa aan ka x umahay oo hadal yar aan ka odhanayaa hadallada dhex maray Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Faysal Cali Xuseen, awalka nin ma habboona in nin madax ahi wax caayo ama la caayo, haddii masuul af-lega addo loo jeedinaya derejadaa la caayayaa” ayuu yidhiXaaji Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Faysalow xisbi weyn baan dhisayaa iyo waan ilaaqtamayaa, madaxdana waan caayayaa waa kala laba isumana dhawa. Xisbigu sidaas waa ku baaba,ayaan iyagana sharafkii waa ka duulayaa, halk aa waxa aan leeyahay Faysaloow waddadaa ka noqo magac baad leedahay, mid iyada inaad Som aliland tahay caamku waa ku yaqaannaa laakiin dadka ha iska eryin afkaaga ayaa dadka kaa  . Nin masuula oo meel gaadhay inuu isagu degdeg wax u qabto mooyaane in la qabtaa waa xaaraan. Fa ysaloow waxa aan kugu wacdiyayaa inaad qadafkaa ka noqoto.”


Dhinaca kale Xaaji Cabdi Xuseen ayaa waxsheeg odaynimo hawada u mariyay Wasiirka Wasaarad da Madaxtooyada waxaanu yidhi”Xirsi waxa aan leeyahay adigu madax baad tahay laantii u sarre ysay ayaad tahay mansabkaa ku caawinaya hadduu Faysal qaldamo oo uu meel ka dhaco inaad ad na ka daba tidhaado ma aha, waa inaad ka aamustaa. Aamuuskaa ku caawinaya oo kaaga sharaf roon. Sharafku waxa uu ku jiraa ninka ku caaya oo aanad caayin. Kol haddaad derejadaa gaadho oo aad Jamhuuriyadda madaxdeeda ka tirsan tahay inaad wax iska celi tidhaahdo maaha. Xishoodku wuu ku saacidayaa oo dadka oo dhan baa kugu raacaya. Xirsina waxa aan leeyahay ha u noqon hal-celintaa?.


Ugu dambayntii Odayga ugu da,da weyn Golaha Guurtida Somaliland ayaa xusay qaab maagal ah oo ay mucaaridku si bilaa turxaan ah ugu dhaliili karaan xukuumadda, una horseedi kara inay kasb adaan taageerayaal, isaga oo si adag uga digay adeegsiga kelmado curin kara naxli kala fogeeya bulshada waxaanu yidhi ?Mucaaridku waa inuu garsheegaa oo wax shicibku ku raaco tilmaamaa oo maxay ah wershaha ha la sameeyo, waddooyinka ha la dhiso, nabadgelyada ha loo feejignaado, shidaal ha la loo saaro, dhallinyarada shaqo ha loo abuuro, dumarka ha la horumariyo. Ninkii xisbi doonaya waxa aan leeyahay mucaaridku waddooyin ayuu leeyahay"
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland