Faysal
intuu cadhooday oo Telefoonkii igu dhigay ayuu
yidhi waxaanu samayno waad arki doontaa
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro),
ayaa ka hadlay sababta ay Xukuumad ahaan shalay uga horjoogsadeen
Wefti uu hoggaaminayo Guddomiyaha Xisbiga UCID oo socdaal ku tegi
lahaa Magaalada Gabiley. Waxaanu sheegay inaanu jirin ogolaansho ay
siiyeen Xisbiga in uu ugu kicitimo Gobolka Gabiley.
Wasiirka oo isaga oo Magaalada Saylac jooga xalay Khadka Telefoonka
ugu waramayay Wargeyska Ogaal mar aanu wax ka waydiinay arrintan,
ayaa sheegay in ay Xukuumad ahaan hore ugu gudbiyeen Axsaabta iyo
Taliyayaasha Ciidamada Wareegto ka dhan ah dhaqdhaqaaqyada u muuqda
Kaambayn Siyaasadeed ee Xisbiyada. Sidoo kale waxa uu Wasiirku ka
hadlay arrimaha dhaqaalah Dawladda iyo qoddobo kale.
Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan;
S: Wasiir, waxa Xukuumaddu ka baajisay safar uu Wefti uu
hoggaaminayay Guddoomiyaha Xisbiga UCID ku tegi lahaa Magaalada
Gabiley, horena waxaad uga baajiseen Wefti la sheegay in ay Xisbiga
Kulmiye ka tirsanaayeen. Markaa maxaa sabab u ah arrimahan?
J: Sidaad ogtahay waqtigii ololaha Doorashada lama gaadhin, Xeerka
Doorashooyinkana Qoddobadiisa 27aad iyo 28aad ayaa qeexaya in
waqtiga Ololaha uu Komishanku fasaxayo, waqtigaas oo ah marka
murashaxiinta la soo dhejiyo ayay Komishanku muddada qabanayaan.
Maadaama, aan muddadaa la gaadhin Wasarad ahaan waxaanu soo saarnay
Wareegto aanu saddexda Xisbi, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo
Badhasaabbadaba aanu ku amrayno in la ixtiraamo Xeerkaa oo ay
reebban tahay inta ka horraysa waqtiga ay Komishanku fasaxayaan in
Bannanbaxyo iyo Olole Xisbiyeed la sameeyo, taas ayuun bay ahayd.
Shalay (Dorraad) waxa ila soo hadlay Faysal Guddoomiyaha UCID, wuxuu
igu yidhi waxaanu doonaynaa inaanu tababaro qabsano oo aanu Gabiley
tagno. Dabadeed waxaan ku idhi soo maydun helin Wareegtada aanu
idiin soo qornay, waxa uu yidhi waanu helnay oo waanu ku qanacnay oo
waliba qolada kale way ka soo horjeedsatay, laakiin anigu yaynaan ka
jawaabin ayaan idhi. Si kastaba ha ahaatee, waxaan ku idhi haddii
aad Xafiiskiina gudihiisa ku qabsanaysaan Sharcigaa idiin ogol oo
idiinma diidi karno, laakiin inaynu Xeerkii ixtiraamno ayaa inaga
dhaxeeyee, Xeerkaa isaga oo jira aanu idin xusuusinay ha la
tixgeliyo. Intaa markaan idhi ayuu inta uu Telefoonkii igu dhigay oo
uu xanaaqay igu yidhi, waxaanu samayno waad arki doontaa. Nasiib
darro goor dhawayd (shalay) oo aan BBC-da dhegaystay ayaa waxa uu u
sheegay inkasta oo aanan sidii uu Guddoomiyuhu u aflagaadoonayay
aanan u aflagaadaynayn isaga shaqsi ahaan iyo Xisbi ahaan toona,
haddana wuxuu ka sheegay in markii uu ila soo hadlay aniga oo jooga
Xariirad aan ku idhi Wasiiru-dawlahayga la hadal, kumanaan odhanin
ee anigaa shaqsiyan ugu jawaabay oo qoraal baan amar ku siiyay
Taliyayaasha Booliska, Badhasaabbada iyo iyagaba (Xisbiyada) in
qoddobada Xeerkaas Doorashooyinku sheegayo la ixtiraamo oo la
tixgeliyo. Markii uu ila soo hadlayna sidaas ayaanu ku wada hadalnay,
inkasta oo uu isagu cadhooday oo Telefoonkiina igu dhigay oo uu
waliba raaciyay haddalladaa kul-kulul.
S: Laakiin Wasiir, waxa la sheegayaa Hudheelkii Gabiley ee ay
Xafladda ku qabsan lahaayeen in Ciidanku ay waxyeello u geysteen,
idinku taa ma la socotaan?
J: Wallaahi, ilaa hadda wax warbixin ii soo sheegay haddii ay yihiin
Mulkiilayaasha Hudheelka iyo haddii ay Maamulka tahay iyo haddii ay
dad kale tahayba ma jiraan oo layma soo sheegin, haddii ay jirto
Hudheel wax la yeelay ama hantiile hantidiisii wax la yeelay haddii
ay jirto waa qalad. Laakiin, inkasta oo aan safar ku maqanahay oo
aan imika (xalay) Saylac kaala hadlayo, haddana cid ii soo sheegtay
ma jirto.
S: Wasiir, beryahan waxay u muuqataa in Deegaanada galbeed ka xiga
Caasimadda, ma Gabiley ha ahaato ama Awdal ha ahaatee in aydun
Xukuumad ahaan xoogga saaraysaan oo in aanay Xisbiyada Mucaaradka
ahi ka muuqan aad ku dedaalaysaan siday Xisbiyada Mucaaradka ahi ku
doodayaan, oo ay shegeen inay u arkaan cabudhin aad ku samaynaysaan.
Maxay tahay sababtu, ma dhaqdhaqaaqoodan ayaa nabadgelyo-darro
keenaya?
J: Wallaahi taa anigu uma arko ee waxa weeye Xeerkan ayuun baanu
leenahay ha la ixtiraamo, waxaanay nagu eedeeyaan in aanay Dawladda
Somaliland Xeerka u hoggaansanayn, anaguna Xeerkii ayaanu imika
leenahay waar Xeerkan inagaa dhiganay oo Baarlamaankeenaa ansixiyay
ee aynu ixtiraamno’e oo Xisbiga Xukuumaddana kama saarayno oo wuu ku
jiraa, isagana uma ogolin oo imika Bullaale inta uu Mikirifoono soo
qaato uma ogolin oo waanu celinaynaa berrito haddii uu Burco u bax
is-yidhaa iyo haddii uu sidaa sameee is-yidhaahdoba. Maadaama, imika
waqtigii Doorashadu soo dhaw dahay oo imika lagu jiro hawshii
Diiwaangelinta in hawl kale Gobolkay doonto ha ahaatee lagu
carqaladeeyo oo dadkii lagu jaha-wareeriyo maaha, iyada oo Xisbiyada
qaarkood ay diiddanayeen Diiwaangelintan oo ay ka soo horjeedeen
markooda horeba.
S: Wasiir, idinka laf ahaantiina waxa la aaminsan yahay inaad Olole
waddaan, markaa idinku ka Wasiir ahaan maxaad Deegaannadaa ka
qabanaysaan?
J: Gobolkan anigu imika waxaan ka qabanayaa, waxaan wadaa
Badhasaabkii cusbaa ee loo bedelay Salal oo Xilkii baan u kala
wareejinayay Badhasaabkii Awdal iyo isaga.inkasta oo aan saddexdii
biloodba mar kormeer u baxo bari iyo Galbeed ka ay doonto ha ahaatee,
haddana socdaalkaygu imika taas ayuu ku salaysan yahay. Xalayna (Habeen
hore) Xariirad baanu Guddoomiyihii loo soo magacaabay ee cusbaa iyo
Guddoomiyihii hore ee Saylac ee xukumi jiray aanu u kala wareejinay
saaka (Shalay), imikana Badhasaabka Salal baa halkan (Saylac) jooga
oo markaanu aroorta (Maanta) Xilka u kala wareejiyana haddana waxaan
imanayaa tuulo Garbo-dadar la yidhaahdo oo Guddoomiye cusub oo loo
magacaabay iyo Guddoomiyihii xilka hayay aanu u kala wareejinayaa.
Dabadeed dhaqadaydii caadiga ahayd ayaan ku soo noqonayaa.
S: Waxyaabaha Guddoomiyaha UCID sheegay waxa ka mid ahaa in aan
dalka Dagaal loogu soo gelin in la sameeyo oo la abuuro 50 Tujaar oo
ay hoos joogaan 3-Milyan oo faqiir ahi, taana wuxuu idiinla jeeday
idinka Xukuumad ahaan oo loo arko in Musuq-maasuq ay ku xoolaysteen.
Maxaad ka leedahay taas?
J: Inkasta oo aanan dhegaysan hadalkaa, hadalksiisii BBC-dana aanay
ku jirin. Hadana idinka (Saxaafadda) ayay idinku fiicnayd inaad
waydiisaan cidda uu ula jeedo 50-kaa Tijaar oo uu qaar idiinka
magacaabo.
S: Dabcan, adiga laftaada ayaa ka mid ah kuwa loo arko inay ka mid
yihiin?
J: Dee horta inaad waydiisan ayay ahayd oo haddii uu idin yidhaahdo
Cabdilaahi-Ciro waa ka mid oo uu I magacaabay, waa su’aal kale.
Laakiinse markii uu yidhi 50 Tijaar ayay Dawladdu samaysay,
Suxufiyiinta ayay ahayd in ay 50-kaa Wasiir waydiiyaan oo ay
yidhaahdaan noo magacow.
S: Adiga iyo Wasiiro kale oo Xukuumadda ka mid ah mid ayaa mid ka
mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilladu wuxuu idinku tilmaamay
inaydaan Xisbiga UDUB ka mid ahayn oo aydaan maalgashan, sidaad
Wargeysyada ku arkayseen. Maxaad ka odhanaysaa taas?
J: Xildhibaano caynkaa yidhi maan arag, tan maanta (shalay) safar
baan ku maqanay oo maan arag. Markaa bal aan soo noqdee, su’aashaa
jawaabteeda dib iigu dhig.
S: Laakiin qoladan UCID iyo qoladii Kulmiye ee ka horraysay ee aad
soo celiseen labadooda midna kaambayn ma wadin, waxase laydinku
dhaliilayaa inaad idinku ku af-gobaadsanaysaan oo aad leedihiin
safarradooda fawdo ayaa ka dhalanaysa. Markaa miyaan la odhan Karin
arrin siyaasadeed baa ku hoos jirta, maadaama aad idinkuba meel
walba maraysaan oo aad Kaambayn ka waddaan?
J: Maya, anigu waan kuu sheegay shaqada aan imika u socdo,
Warbaahinta ama TV-yada nala socda waad ka arki doontaan haddii aan
ka hadlay arrimo Siyaasadda UDUB iyo taageerada Dawladda toona,
marka laga tago Nabadgelyada iyo waxqabadka. Haddii aan kelmad kale
yidhi waxa laga yaabaa inaan ka hadlo oo aan Dadweynaha ku
dhiirigeliyo oo aan idhaahdo fursaddan ka faa’iidaysta
Diiwaangelinta oo qof kasta oo Muwaadin ahow si aad xuquuqdaada u
heshid is-diiwaangeli. Maan odhan marnaba UDUB isu-diiwaangeli ee
waxaan leeyahay dadka aan la hadlayo fursad Dahabiya ayaad haysataa
ee ka faa’iidayso oo muwaadinimadaada caddayso. Taana meesha aan ka
hadlaba waan ku daraa, laakiin UDUB ugu rida codka, Madaxweynaha
doorta, Xukuumadda noo cusboonaysiiya iyo olole siyaasadeed toona
kama hadlo oo waqtigeedii lama gaadhin, ee marka la gaadho ayaanu ka
hadli doonaa haddii aanu Xukuumadda nahay oo wixii ay Mucaaradku
nagu dhaliilayaan aanu iska daafici, wixii kale ee Kaambayn kale
aanu ku soo galayno iyo qorshahaygana aanu soo bandhigi doonaa.
S: Laakiin, waxa la sheegayaa in Madaxweynuhu Shirkii Wasiirada uu
xubin walba oo Golaha Wasiirada ka tirsan uu ku amray xubin walba
sidii uu Kursigiisa u difaacan lahaa uu yeelo oo uu Cod raadsado.
Kuwaas oo la filayo in ay dhawaan safarro ugu kala baxaan Gobollada
dalka dhawaan. Arrintaasi ma jirtaa?
J: Horta, arrintaa aniga iyo Maayarka ayaa Mashaariic soo fulinaynay
oo Isniintaa-Isniinteedii ayay ahayd oo goob-joog maan ahayn. Hase
yeeshee, haddii lagu soo hadal qaaday arrintaa Golaha Wasiirada
wixii lagaga hadlo suuqa uma soo baxaan. Waxa weeye ku-tidhi-ku-teen
iyo male-awaal, golaha Wasiiraduna waxay umadda u hayaan Xilkii
Qaranka. Markaa wixii ay Wasiiradu ku shiraan ee ay ku hadlaan ama
Madaxweynuhu kula hadlo waxay doonto ha ahaatee, dee bannaan-yaal
maaha.
S: Wasiir, waxa la leeyahay Shaqaalihii Dawladdu Mushahar may arag
oo dhaqaale-la’aan baa jirta oo Dhaqaalihii xoog buu u dhacay, oo
Dawladdu dhaqaale ahaan way diciiftay waxaana u sabab ah
Musuq-maasuq baahay. Horena Madaxweynuhu guddi Wasiir ah ayuu u
saaray. Waa sidee dhaqaalaha Xukuumaddu?
J: Wallaahi, inkasta oo aanan Guddigaa dhaqaalaha ku jirin, haddana
waxaan ogahay in Dhaqaalihii dawladdu ay meel fiican marayso ayaan
ogahay, Dakhli-ururintana olole fiican baa loo galay. Shaqaalahana,
kulama qabo oo kuwa Wasaaraddayda ayaan ogahay oo bishan October ee
socota mooyaane bilihii kale oo way qaateen. Markaa ma ogi shaqaale
Wasaaradeed oo ka cabanaya Mushahar-la’aan, Ciidamadana waan ogahay
oo 25-ka bisha ayay qaataan.
Source: Ogaal
|