Faysal Cali-waraabe oo Shaaca ka Qaaday in  Aduu nka oo Dhami Albaabada ka Xidhay Xukuumadda Rayaale

 

Waxa uu caddeeyey in Sheekh Shariif dawladda Sucuudiga ku Qanciyey inay  xayir aada ka qaado xoolaha Somalida


“Adduunka oo dhan ayaa albaabada ka xidhay, beentoodii ayaa badatay, ballan  qa adyadoodii ayey ka baxeen, dadkii u shaqayn jiray ayey xafiisyadii kirooyinkoodii ka bixin waayeen”



“Waxaynu nahay waddanka keliya ee aan lahayn nidaam kala saaraya waddani iyo soo gelayti ee la iska soo galayo, Wasaaradda Daakhiligu wax alla waxay ka qabto dadkaas ma jiro”
Guddoomiyaha xisbiga UCID




Hargeysa (Timacade News)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md.  Fa ysal Cali-waarabe, ayaa shaaca ka qaaday aduunka oo dhami albaabada ka xidhay xukuumadda madaxweyne Rayaale, kadib markii sida uu sheegay ay ka soo bixi  wa ayeen balanqaadyadii ay la galeen ee beentoodii badatay, islamarakana ay dadkii dibadaha uga shaqaynayey ka bixin waayeen kirooyinkii xafiisyadda.


Sidaana waxa uu Md. Faysal Cali-waarabe ku sheegay waraysi aad u dheer oo  dh inacyo badan taabanaya oo uu shalay siiyey Radio Hadhwanaag, kaasi oo uu kaga arrimo badan oo ay ka mid yihiin halka ay marayaan hawlaha loogu diyaar  garoob ayo doorashada madaxtooyadda, qaabka Somaliland kaga bixi karto quful uu  shee gay in xukuumadda Rayaale dadka ku xidhay, komishanka cusub, waxa laga  yeela yo xisaabaadkii komishankii hore, dadka soo galeetiga ah ee ku soo qulqulaya dalka iyo qodobo kale oo la xidhiidha dhinaca ammaanka iyo dalalka jaarka, waraysigaas oo aad u dheeraana waxa uu u dhacay sidan;


Su’aal: Sida aynu la wada socono waxa la filaayey in khubaradii suurogelinaysay in doorasho dalka ka qabsoonto ay timaado oo aanay ilaa hadda iman, maxaad nooga sheegi kartaa?


Faysal Cali-waraabe: Dib-u-soo noqoshadii lagu soo noqday in doorashada la  same eyo muddadeedii saxda ahayd saddex arrimood ayey ku xidhnayd in Komishan  cus ub oo ay dadku aaminsan yihiin la sameeyo oo sumcadii innaga xumaatay iyo  colaa dii la innaga dhexdhigay bulshada caalamka gacanta innaga geysan jiray soo celiya. Komishanku waxay dhexdooda ka sameysteen hoggaan cusub oo aan la isku  qab qabsanayn, haddana waxay bilaabeen xog ururin oo ay ogaadaan xaggay wax ka xumaadee oo annagana na waraysteen, Komishankii hore ee Cadami u madaxda ahaana way waraysteen, Akadamiyadii ayey waraysteen, waa niman macluumaad urursanaya, waxa ku xigta inay degdeg u bixi doonaan oo degdeg loo soo bari  doo no sida habka doorashooyinka loo qabto, marka intaa loo sameeyo ayey khubaradii imanaysaa. Markaa khubaradii waxa innaga xigta intay nimankaasi tababarka qaadanayaan.


S: Waxa la isla dhexmarayaa in aanay jirin waqti cayim oo ay Guddiga Doorashooy inku tababar u baxayaa jirin, markaa ma noo sheegi kartaa waqti cayiman oo lagu xisaabtamo?


Faysal Cali-waraabe: Iska bixi maayaane waxa doonayaa dadkii wax bari lahaa, da lkeenu inuu ammaankiisu hoose waad ogtihiin, cadowgeenuna wuu badan yahay, markaa si aan la innooga faa’iideysan ma sheegayno waqti cayiman.


S: Dadka qaar ayaa ku sheegay in xubnihii hore ka liitaan oo ay ku mashquulsan y ihiin xisaabaadkii xafiiska oo ay arrimihii waaweynaa ee u yaalay aanay u gundo  d egin, arrimahaa maxaad ka odhan lahayd?


Faysal Cali-waraabe:
Dadkeena ceebaynta ayaa ka soo horreysa, dadka waqti  ay aa la siiyaa, markay shaqeeyaan ayaa la xukumi karaa, ilaa hadda tallaabooyinkay qaadeen way wanaagsan yihiin, hawlna ma gali karaan ilaa ay waxbartaan oo waxa loo dirayaa ay bartaan oo ay dadkooda waraystaan oo ay kuwii hore musuq-maa suqii iyo xisaabaadkii ay galeen, waxay cuneen ee ay tamar-darro u keenay, waa dadka garan waayeen xafiisyadii iyo gawaadhidii ay kiraysteen markii  diiiwaange lintii dhammaatay iska xidha, arrimahaasi waa arrimo xisaabaad oo Hanti-dhawr baa la galin doonaa, wixii khaldamana sharciga ayaa la horkeenayaa,. Nimankaa ilaa iminka wax xumaanay ku kaceen ma jirto, cidda wax ka sheegtaa waa cid aan   aqo on u lahayn.


S: Dr. Gabboose waxa uu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la soo celiyo  h a y’addii Interpeace, isaga oo ku sababeeyey iyada oo haysa xogteenii, isla  marka ana khibrad u lahayd, arrimihii dhacayna ku khibarad qaadan karaan, maadaama hay’ad cusub oo dalka la keenaa ka bixi karayn, ka xisbi ahaan arrintaas sideed u aragtaan?


Faysal Cali-waraabe: Waxa weeye innagu waxaynu u baahannahay khubaro, waan na hawl bulshada caalamka innaga caawinaysa 80 – 90%, hawlaha waa la kala  lee yahay innagana waxa in aynu Komishan wanaagsan sameyno oo adduunka aamin, kiina waynu sameynay, waanay hanan doonaan aaminaada adduunka. Innaga  wax ay innooga baahan yihiin in aynu faraha kala baxdo oo aynu deyno, bulshada  caal amka ayey u taallaa ee lacagta bixinaysa inay tii hore keento [Interpeace] amma mid cusub. Markaa annagu waxaannu taagannahay ninkii hooyadayo guursadaa  w aa adeerkay, ciddii wax noo qabanaysaana waannu soo dhoweynaynaa.


S: Guddoomiye waxaad ogtahay in hay’addii Interpeace inay haysay diiwaangelinta waddanka oo ay xukuumaddu dalka ka saartay, xisbigii kalena leeyahay ha la soo celiyo, sideed isku waafaqaysaan saddexdiinii xisbi in hay’addii Interpeace ee xogta waddanka haysay la soo celiyo?


Faysal Cali-waraabe: Annagu xisbi ahaan xasaasiyad kama qabno Interpeace iyo  h addii cid kale la keeno, mid kale ayaan idiin sheegayaa waxaanay meelahaa ka  yid haahdaan kuwii ku guul-darraystay xilkii qaran ee loo dhiibay, xog bay Interpeace innaga qaadatay, waxaan leeyahay markii la arkay in nabadgelyadu diciif tahay ayaa xogtaas la inoo qaaday si la innoogu kaydiyo si aanay khasaare innooga soo gaadhin ee waxay sameeyeen oo khalad ahi ma jiro, aad baanan uga xumahay in Madaxweynihii qaranka iyo hay’adda Interpeace oo ah hay’ad weyn oo caalamka ka jirta ay laba shakhsi oo xilkoodii ka soo bixi waayey isku diraan, waxaanan  raja ynayaa in Madaxweynuhu wax badan ogaan doono, innaga waxa innagu waajib ah in aynu wixii shaqadiina ah qabsano innaga oo aan cabaaranaynay amma  xagxag ayanayn dadka ajaanibka ah ee wax weyn noo qabtay.


S: Guddoomiye dad badan ayaa aaminsan in heshiiskii lixda qodob ka koobnaa uu aad u wiiqay awooddiinii weynayd ee mucaaradnimo, kadib markii aad weydeen wax badan oo aad fileyseen, arrintaa maxaad kal leedahay?


Faysal Cali-waraabe: Horta annaga may noqon lixdan qodob ee naloo dhiibay ee  d ushuun baa nalaga saaray, waanna wax ka soo dhex baxay wadashaqayntii iyo  wa dahadalladii aannu is dhaafsanaynay, wax shisheeye noo keenay maaha.


Waxa weeye iminka dib-u-dhacan innagaa keenay, waxa keentay magacaabistii, d haartii, wax toddobaad ku qaadan lahayd baa bilk u qaadatay oo sidii la isugu  cel celinayey bil baa innaga habsaantay, bishaasina waa bishii Komishanka la  sameyna yey, mucaaradkuna muu diciifin wuxuu isku diyaar garaynayaa doorashadii in  mar ka waqtigii la qabto ayaanu ololaha galaynaa, wax diciifay ma jiro ee buuqii uun baa la joojiyey, saddexda xisbi way wadahadlayaan, wixii cusubna way ka  wada  hadla yaan, waxaananu ballanqaadnay in wixii dambe ee yimaadda aanay shisheeye u yeedhan oo aannu wixii dhexdayada ka wadahadalno.


S: Guddoomiye khilaaf ayaa soo kala dhexgalay dawladdii ku-meel-gaadhka ahayd iyo maamul-goboleedka Puntland, maxaad ka odhan arrimahaas?


Faysal Cali-waraabe: Horta maamul-gobolleedkan Garoowe ee maamul aan lagu  he shiis ahayn, weli may dhalan dawlad Soomaaliyeed oo dhex ah, balse reer baa isku tagay oo waxbay istuseen, waxay sameysteen waxay maamul ugu yeedheen, maa mulkaasi maamul dhisan oo xuduud leh maaha oo la garanayo, waa maamul fidno u sameysan, halka Soomaali baabi’isay waa maamulkaa oo maamul sifo sharci ah  ma aha, dadkii baa inta badda lacag laga qaato lagu daadinayaa, waxa Soomaali  badd aha ku dhimatay iyagaa ka masuul ah, argagixisadii ayaa ka buuxda, ONLF-tii bay  X abashida u dhiibayaan, haddii ay nimanka beelahaasi iyo ninka ay isku beelaha  yih iin ee uu Sheekh Shariif iskaga magacaabay Ra’iisa-wasaaraha, haddii ay  tashad een lacagta Soomaali loo keeno ayaanu ku dhisannahay dhulkayaga, waannu  tahn iyadaynaynaa inuu Shariifku diiday, dawladdaasi haddii ay hirgasho iyadaa maamul-goboleedyo sameysan doonta, markaa laba nin oo afka iska saaray oo ilma adeer ah oo yidhi laba dawladood jaar ah ayaanu nahay meel ay caalamka ku taallo lama arag.


S: Guddoomiye waxa la casilay Agaasimihii Cusbitaalka Guud ee magaalada  Harge ysa, oo dadka qaar ku doodayeen inuu cusbitaalka horumar gaadhsiiyey,  arrimaha as maxaad kala socotaa?


Faysal Cali-waraabe: Horta waa nasiib-darro in aynu qaadanay nidaamkii Maxamed Siyaad Barre oo baabuurkii hay’aduhu ku caawiyeen iyo daawooyinkii loo keenay cusbitaalka madaxdu isticmaasho. Wasiirrada la shaqeeya hay’adaha inna caawiya aqalkiisa saddex gaadhi ayaa yaalla, waxa laga yaabaa wasaaradda uu joogaana aanay lahayn gawaadhi, markaa waa shaqadii aynu ka baranay Siyaad Barre dawladdiis.


Dr. Yaasiin Carab waan la shaqeeyey, waa nin dulqaad badan oo muta’edab ah, w aanna ninkaa $50 ku shaqaynaya ee hadda Agaasime Guud ah, xukuumaddu wax alla waxay cusbitaalkaa tartaa ma jirto, wixii loo soo dhiibana waxa laga yaabaa in aanay soo gaadhsiin.


Markaa waa taan hore u sheegayo waxa maqan hoggaankii dawladnimo ee  Mada xweyne madaxtooyada la shaqaynayn, madaxtooyadii waxa weeye halkay  wasiir rada kala xisaabtami lahayd, wuxuu kala xisaabtamayaa ma i taageeraa, mar  hadd uu ammaano, wuxuu doonana uu sameeyo cid la xisaabtamaysaa ma jirto.


Waannuu ka xunnahay in Cabdi Haybe waxa ku tallaabsado oo uu baabuur isku  qa bsadaan oo uu iska soo kaxaysto, waa waxaannu doonayno in aannu dalka ka  bed delno, waanna waxay ku dhaqmaan, wasiir dambe oo gaadhi dawladeed  kaxaysan ayaa ma jirto, dirawal ayaanu u sameynaynaa, siddeeda saacadood ee uu  shaqa ynayo mooyee inta kale gaadhigiisa gaarka ah ha kaxaysto.


S: Sidaad la socoto cudurkii hargab doofaarku wuxuu soo gaadhay Soomaaliya, cu durkaas oo ka hortag leh oo aan kadaba tag lahayn, dalkeenuna walaac weyn bay ka muujisay Wasaaradda Caafimaadku, arrintaa maxaad ka odhan lahayd?


Faysal Cali-waraabe: Illaahay ha innaga hayo, horta dalkeena waxaan ku leeyahay iska daa hargab doofaare, cadowgeena ayeynaan xataa ilaalin karin, waxaynu  na hay waddanka keliya ee aan lahayn nidaam kala saaraya waddani iyo soo gelayti ee la iska soo galayo, Wasaaradda Daakhiligu wax alla waxay ka qabto dadkaas ma jiro, markaa iska daa in aynu ka hortago caafimaad xuma’e, dadkii halista innagu ahaa aanay ilaaladeenu daydayin. Airport-ka Hargeysa mooyee markaad ka  Ber bera tagdin oo aan dadka la baadhin jeebkooda mooyee oo lagu ordo $30 ee laga qaadayo.


Dhulkeenii waxa qaatay dad masaakiinta ah oo gidaarada ku xaaraya oo  dawarsan aya oo waxay inoo yimi dadka cudurrada kala jaad-jaadka ah qabay, maati ayaa innagu soo jabtay, dalkeenuna waa baylah, tuugadii baanna innagu soo jabtay, dawlad aynu nidhaahno way inna ilaallinaysaa ma jirto, sidii aynu uga ducaysanay argagixisa, cudurkana Illaahay sidaa ha innooga hayo, dawlad aynu u qaylo-doon tagnaana ma jirto.


S: Xaggee buu ku dambeeyey cilaaqaadkii innaga iyo Djibouti inoo dhexeeyey?


Faysal Cali-waraabe: Djibouti waa kii Madaxweynuhu waannu heshiinay oo xafiisyo ayaa la furayaa, guddi wasiirro ah ayaa la sameeyey oo yidhi waxba ma hayno, xaf iiskeeniina lama furin, guddigii wasiirradana ma hayno, arrintaa waxaad weydiin  ka rtaa Madaxweynaha, laakiin annagu ilaa hadda isbeddel waannu jecel nahay,  baas aaboorka Somaliland oo qofka xannuunsanayo oo la siiyo ee wax kale oo isbeddel oo aannu hayno ma jirto.


Waa taa dawladda Sheekh Shariif ee lagu dhisay inna sheeganaysa ayey safaarad u dirtay, taa michaneedu waxa weeye Somaliland ma aaminsanin, markaa annaga way noogu jirtaa dastuurka markaanu soo baxno in aannu tango Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda ayaanu tagnaynaa oo xidhiidh wanaagsan oo run ah ayaanu la samaysanaynaa, Ismaaciil Cumar Geelle waannu u gardhiganaynaa, dadku waa inoo diyaar, Madaxweynuhu ilaa SNM gacan ayuu la lahaa, sababta Somaliland oo Soomaali dawladnimo ugu hor qaadatay oo toddoba iyo toban sanno dawlad ahayd, taasi waa ta aannu doonayno in aannu waydiino Djibouti.


S: Guddoomiye xukuumaddu waxay ku celcelin jirtay aqoonsigeena iyo waddamada caalamka, beryahan dambe waad aragtaayoo xataa ma soo hadal qaado heerka uu marayo iyo bulshada caalamku waxay ka aaminsan tahay, markaa maxaa isbeddelay?


Faysal Cali-waraabe: Waxa isbeddelay nimankan adduunka oo dhan ayaa  albaaba da ka xidhay, beentoodii ayaa badatay, ballanqaadyadoodii ayey ka baxeen, dadkii u shaqayn jiray ayey xafiisyadii kirooyinkoodii ka bixin waayeen, aynu is urursano ayey isugu timi, markaa xukuumadda quful ayaa ku jabay, waxaanan ku talinayaa in aannu doorasho xor iyo xalaal ah helno, haddii aynu beddeli waynana qufulkaas ayeynu ku jiri doonaa.


S: Qufulkaas sideynu uga baxi karnaa?


Faysal Cali-waraabe: Qufulkaas waxaynu ugu baxi karnaa inay ku qasabno in aannu Daahir Rayaale doorashada dib u dhigin, oo labada xisbi nidhaahno sharciga mara oo wixii doorasho innaga wasakhaynaya iyo shacbiga oo ogaada cidda wax u  qaba naysa.


Xoolihii ayaa inoo soo noqday, weliba dawladda xun ee aynu caayeyno ee Shariifku madax u yahay, ayaa intuu Carab u tegay ku yidhi haddaad Soomaali doonaysaan inay wax ka noolaadaan xoolaha u fura, taasi waxay ku tusaysaa Cabdillaahi  Yuu suf ku xajiya ayuu yidhi, Cabdiqaadimna ku xajiya ayuu yidhi, Cali Khaliifna ka soo xidha ayuu lahaa markii Ra’iisal-wasaaraha laga dhigay, markaa inay dadku inoo  ilk o qabow yihiin markaynu Soomaaliya inay dadku u kala wanaagsan yihiin caqli xuma kugu keenta mooyee, cadowaad kuu keentaa aanay jirin, Shariifkana waannu u mahadnaqaynaa, anigu arrintaa waxaan ka helay Sucuudiga.






Source: Jamhuuriya Online